Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maxay Ku Heshiiyeen Isbaaheysiga USP iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

$
0
0

Xagala geel wax guntiga lagu qaato ka wayn, la heshiiyee maxaa lagu heshiiyay?!!!

Ka dib mudaaharaadkii London, ee lagaga horyimid Xasan Culusow iyo ficiladiisa guracan, ee eexda, qabiilaysiga iyo cadaalad darada ku salaysan. Waxaan ka daalacanay warbaahinta qaarkeed war saxaafadeed, ay samayeen xubna ka mida jaaliyadaha London, ee isbahaysiga USP, oo iyagu ka mid ahaa abaabulayaashii banaan baxaa, waxana lagu sheegay war
Saxaafadeedkaa, in ka dib shir ay jaaliyadahaasu kula qaateen magaalada London, madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Culusow, uu meesha ka baxay, is afgarad la’aantii iyo mad madowgii soo kala dhex galay labada dhinac, ayna xubnahaasu ku qanacsan yihiin, wixii uu u sheegay madaxwaynuhu, iyada oo aanay wax tafaasiil
Ah ka bixin.

Si kastaba ha ahaatee ma xuma in la heshiiyo, oo laysu garaabo, waana arin aan soo dhowaynayno, bal aanu jecelahay in ay Soomaaliya oo dhan ka dhacdo, oo ummadu is wada fahamto, oo heshiiyaan, oo qaranimadii iyo karaamadii ummadu bulshada caalamka ku dhex lahayd, dib loo soo celiyo, kaas waa mabda’a aanu aaminsanahay mar walba iyo had iyo jeerba,
Hase yeeshee Soomaalidu waxay ku maah maahdaa: “Xagla geel wax guntiga lagu qaato ka wayn”, hadaba si ka duwan sida ay xubnahaasu ku tilmaameen is afgarad la’aan iyo mad madow, labada dhinac u dhexeeyay, waxaanu qabnaa in arintu ka waynayd is afgarad la’aan iyo mad madow, bal ay jirtay eex, xadgudub iyo cadaalad daro aad u wayn, oo badheedh ah, dhinacya
Badana leh, oo kaga yimid shacabka isbahaysiga USP, dhinaca dowlada federaalka iyo madaxwayne Xasan Culusow, haba ugu waynaado, oo ugu qadhaadhaado heshiiskii khiyaano qaran, ee uu Xasan Culusow kula saxeexday magaalada Ankara, beel ka mid ah beelaha dega gobolada woqooyi, isaga oo u aqoonsaday beeshaas dowlad, iyo in ay wakiil ka tahay dhamaan
Beelaha dega gobolada woqooyi!!!

 

Hadaba iyada oo arintu sidaas u wayntahay, ayna jiraan heshiisyo qoran, oo caalami ah, oo ku xadgudbaaya xuquuqda shacabka ka soo jeeda isbahaysigaa, waxay tahay su’aashu horta maxaa lagu heshiiyay?!! Waayo arintanu wax la qar qariyo ka wayn, sidaa ugama jeedin, si khaldan baa loo fahmay, siyaasada aan arintan ka
Leenahay sidaas maaha, iyo qola yar oo duday baanu soo sasabaynay!!! Mar marsiinyo lagama dhigan karo, oo saan soo sheegnay heshiisyo qoran, oo caalami ah baa jira, markaa maxaa lagu xaliyay arimahaa?! Tan kale madaxwaynuhu Muqdisho ayuu kaga soo tala galay, in uu shir caynkaas ah la yeesho, jaaliyadaha isbahaysigaa ka soo jeeda, ee degan dalka Ingriiska, wuxuuna
Hor ka soo kaxaystay cidii kulan siin lahayd, isaga iyo jaaliyadahaa, oo ah wasiiru dowle ka tirsan dowladiisa, oo ka soo jeeda goboladaa, waana kan kulansiiyay, hadaba sida la wada og yahay Muqdisho waxaa ku sugan siyaasiyiin,waxgarad iyo xubno baarlamaan, oo u metela isbahaysigaa dowlada federaalka, oo qaarkood ka mid yihiin dadka talada isbahaysigaasu ka
Go’do, waxaana hore u jiray sidaan wada ognahay, mooshin ay xubnahaa baarlamaanka ee isbahaysigaasu, ay ka soo gudbiyeen heshiiskii khiyaana qaran ee Ankara, oo ay si badheedh, awood sheegasho iyo baadil ah, oo ku xadgudbaysa distoorka dalka, ay u laaleen madaxda ugu saraysa dowlada federaalku, oo uu ugu horeeyo Xasan Culusow, marka su’aasha kale ee iyana
Meesha imanaysaa waxay tahay, muxuu madaxwaynuhu ula shiri waayay, oo ula heshiin waayay kuwaa ku sugan Muqdisho, ee iyagu uga wakiilka ah isbahaysigaa dowlada federaalka, oo uga doortay dad shacab ah, oo ku sugan dalka debediisa?!!!

Su’aal kale ayaa iyana waxay tahay, iyada oo ra’iisal wasaaraha iyo madaxwaynuha labaduba sidaan la wada socono, ay
Booqdeen, oo tageen magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland, ayna sidaan ka warqbno wax badan ka durugsanayn magaalada taariikhiga ah ee Taleex, ee isla markaana ah caasimada maamulka Khaatumo, oo ay ku sugnaayeen kuwii ay talada isbahaysigaasu ka go’aysay qaarkood, oo ah madaxdii dhaqanka iyo madaxdii maamulka labaduba, maxay Taleex u tegi
Waayeen, oo ula shiri waayeen, ulana heshiin waayeen dadka ay talada deegaanadaasu ka go’do, oo ay uga door bideen dad shacab ah, oo wadanka debediisa ku sugan, oo aanay ka go’in talada deegaanadaasu?!!! Miyaanay arintu u ekayn siyaasadii ahayd qaybi oo xukum!!! Xasan Culusow waxaa ka mid ah, waxyaabaha lagu bartay mudadii yarayd ee xukumka hayay, in uu
Yahay nin aad macangag u ah, oo aan haba yaraatee rabitaankiisa iyo qorshihiisa ka tanaasulin, mana muuqato ilaa hada wax saan saan ah. oo iska bedelay eexdii iyo xadgudubyadii uu ka galay shacabka ka soo jeeda isbahaysigaa USP, shacabka deegaanadaana, aad bay ugu adagtahay in ay leqaan ama ilaabaan xadgudubyada, eexda iyo cadaalad darada, ay kala hortimid dowlada
Federaalku.

Ma aha arin la ilaabi karo, iyada oo dadka deegaanadaasu ahaayeen kuwii ugu soo dhowaynta badnaa, doorashadii madaxda federaalka iyo dhismihii dowladaba, ayna ku mutaysteen xabsiyo, dil iyo dagaalo dhul booba, oo ay kula kaceen maamulka SNM, oo dhiigiina qoyan yahay dagaalkiina socdo, uu Xasan Culusow intuu warbaahinta soo hor fadhiisto
Hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyo maamulkii xadgudubka iyo gardarada wayday, isaga oo aan u muujin qader yarna ha ahaatee, wax caadifad ah, oo Islaamnimo, Soomaalinimo iyo xataa bini aadamnimo, shacabkii isaga awgii iyo midnimada Soomaaliya ay u dhibaatayeen, oo u laaynayeen maamulka SNM!!! Ma jirin wax ku khasbaayay, oo aan eex qabiil ahayn, dowlada
Xasan Culusow iyo tii ka horaysayba, in ay buun buuniyaan, oo heshiisyo caalami ah la galaan, hal beel, oo ka mida ah beelaha dega woqooyiga Soomaaliya, oo ku andacoonaysa, in ay yihiin dowlad, oo ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, iyada oo ay dowlada Soomaaliya iska indha tirayso, oo aan wax tix gelin iyo qaderin ah toona u samayn beelaha kale. ee woqooyiga dega, ee
Iyagu u soo halgamay, oo udub dhexaadka u ahaa midnimada dalka, labaatankii sano ee la soo dhaafayna iyagu hor taagnaa in Soomaaliya la kala qaybiyo, oo tiro iyo dhulba ka badan beeshaa aan soo xusnay!!!

 

Ma jirin wax ku khasbaayay dowlada, oo aan ahayn eex qabiil, in mandaqad ay beela badani wada degaan, oo aan aragtida siyaasada iyo deegaanka toona ka midaysnayn, bal
Ay jirto dagaalo iyo dhibaatooyin dhexdooda ah, ay mid ka mid ah u aqoonsato dowlad, inta kale ka wakiil ah, oo ay heshiiyo caalami ah la gasho!!! Ma ay jirin wax aan ahayn eex qabiil, oo dowlada Soomaaliya ku khasbaayay, iyaga oo fulinaaya shuruudaha baadilka ah ee maamulka SNM, in ay yidhaahdaan ma metelaan G. Jaamac Maxamed Qaalib, Dr. Ismaaciil Hure Buubaa,
Abuukaato Caydiid Ilka Xanaf iyo raga kale ee la midka ah, ma metelaan beesha Isaaq!!! Iyada oo la ogyahay taageerada iyo qaderinta ay beeshooda ku dhex leeyihiin!! Iyo in ay aqbasho in Baashe Maxamed Cade, oo la wada ogyahay inaanu cidna metelin,wax uu ka dhex yahayna jirin beeshiisa, in maamulka SNM yidhaahdo wuxuu metelaa beesha Dhulbahante!!! Waajibka saran
Dowlada federaalka wuxuu ahaa, in ay ku dedaasho sidii ay nabad uga dhalin lahayd gobolada woqooyi, halka ay kaga kacday heshiisyo caalami ah, oo ay dhinac ka mid ah dhinacyadii halkaa isku hayay si indha la’aan ah ula gasho, taas oo ka dhalinaysa dagaal sokeeye, oo lagu hoobto goboladaa!! Si kastaba arimuhu ha ahaadeen, sidaan kor ku xusay waan soo dhowaynaa, una
Hogaansamaynaa wixii heshiis dhamaystiran ah, oo caqli gal iyo cadaalad ku salaysan, oo dhex mara dowlada Soomaaliyeed, iyo shacabkeeda ama beelaha Soomaaliyeed dhexdooda, mana aan xaqirayno ama haaraamayno, doorka jaaliyadaha USP ee wadamada debeda, bal waxay shacabka isbahaysigaa ku leeyihiin door wayn, oo lagama maarmaan ah, waxayna ka mudan yihiin abaal,
Qaderin iyo ixtiraam, hase yeeshee maaha kuwii ay iyaga talada deegaanadaasu ka go’aysay, oo waxa jira dad kale oo taa u xil saaran, oo ay tahay in lagala xaajoodo, arimaha khusaya shacabka isbahaysigaa iyo deegaanadooda.

 

markaa iyada oo aan ku kalsoonahay, in aanay jirin wax iska bedelay dowlada Xasan Culusow fikirkoodii iyo rabitaankoodii gurcnaa, ee eexda qabiilka iyo
Cadaalad darada ku salaysnaa, bal se ay duufaano siyaasadeed, oo ku kacay awgeed, ay doonayaan in ay iskaga damiyaan shirarka iyo heshiisyada noocan ah, oo aan hore loogaga baran, markaa waxaan uga digaynaa jaaliyadahaa, in aanay ku hodmin shirar iyo heshiisyo afka baarkiisa, oo aan waxba ka bedelayn xadgudubyadii hore iyo heshiisyadii caalamiga ahaa, ee ay
La gashay dowlada federaalku maamulka SNM, haday se jiraan wax intaas ka duwan, oo aad kula heshiiseen dowlada federaalka ah, xagla geel wax guntiga lagu qaato ka wayn, ee ummadu ha idinla aragto. Tan kale waxaan uga digayaa isbahaysiga USP, siiba jaaliyadaha debeda, in aanay iyagu lumin xuquuqda maamulada hada jira, ee Khaatumo iyo Awdal, oo ay u
Dhamaayeen dhisidooda,

 

Dhamaan shacabka goboladaa ka soo jeedaa, sida Isimo, Culimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Waxgaradba iyo guud ahaan shacabka goboladaasu, taas waxa weeye marka aan warbaahinta ka maqalo, isbahaysiga USP, oo ka kooban maamulada, Awdal state, Khaatumo state iyo Maakhir state!!! Horta Maakhir waa degmo bariga gobolka Sanaag ku
Taala, taas oo aanu ka jirin wax maamul ah, oo toos uga arimiyaa, waxana joogitaan ku leh labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland, masuuliintooduna markii ay doonaan labada dhinacba, ay booqashooyin ku kala bixiyaan, hase yeeshee dadka ay taladu ka go’do ee deegaankaas, sida Isimada iyo siyaasiyiinta waawayn, waxay ka tirsan yihiin maamulka
Puntland, waxayna kaga qayb galeen baarlamaanka iyo dowlada federaalka degmo ka tirsan Puntland, degmona lama odhan karo waa state, sidaas ay hada warbaahintu hadalka u dhigaysana waxay dhaawac wayn gaadhsiinaysaa, oo xuquuqdooda state nimo waysiinaysaa labada maamul ee kale, ee Khaatumo iyo Awdal, marka waa in lagu ekaadaa, oo loogu yeedhaa isbahaysiga USP oo keli ah.

Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles