Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

SNM ma u suura galaysaa in ay qariso dunuubta ay reer awdal ka gashay, ka laga galayna caalamka gaadhsiiso?

$
0
0

SNM ma u suura galaysaa in ay qariso dunuubta ay reer awdal ka gashay ka   laga galayna caalamka gaadhsiiso?

 

Ururka SNM waxa uu ahaa urur ay beesha dhexe samaysteen si ay iskaga kiciyaan dawladii kacaanka ahayd

 

ee ku burburtay dhibaatadii ay soomaalida ka gashay, shacab koogana ay uga bad baadshaan cadaadiska ay 

 

ku haysay. Ma ahayn urur qabiileedkii ugu horeeyay ee ka halgama in uu dhibaatada dawlada ka caanku ku 

 

haysay ka saaro reerka uu ku abtirsado, magac soomaaliyeedna la baxa. Waxaa ka horeeyay ururkii SSDF 

 

oo ay ku halgamayeen beelaha Puntiland oo mudo yar lagaga guulaystey.

 

Dawlada kacaanku dabeecad uma lahayn in ay dib isku eegto iskuna daydo in ay si nabadgalyo ah ku 

 

wajahdo kacdoonada ka imaanaayay bulshadeeda waqooyi iyo koonfurba. Waxay ahayd mid is mahadisay 

 

oo aamintay in ay xoog ku burburiso cid kasta oo wax ka sheegata ama isku dayda in in ay ka soo 

 

horjeesato.

 

Nidaamka digtaa tooriga ah dawlada Siyaad Bare oo ku dhisnayd waxay xasuuqii ugu horeeyay u gaysatay 

 

beelaha Puntiland iyada oo u isticmaashay in ay dunuubta fuliyaan Saraakiil la yaqaan oo beesha dhexe 

 

ka soo jeeda hadana lagu tilmaamo in ay geesiyiin yihiin. Taasi waxay ku qasabtay in ururkii SSDF uu is 

 

dhiibo kadib markii uu u adkaysan waayay tacadiga loo gaystay shacabka masaakiinta ah ee magaciisa lagu 

 

gumaadaayay.

 

Siyaad Bare isaga oo raacaaya jidka uu kaga adkaaday SSDF ayuu gacantii dhiiga lahayd la yimid 

 

waqooyiga waxa uuna si xun u gumaaday shacabka beesha dhexe isaga oo u isticmaalaayay saraakiil 

 

beeshiisa ah oo qaar kood hada nool yihiin. SNM oo ku guul daraysatay in ay hal magaalo ka xorayso 

 

dawladaas shacabka ku haysay tacadiga waxay guul daradii u jeedisay in ay dhinacwalba dagaal kaga soo 

 

qaado deegaanada Reer Awdal ayna colaad ka dhex abuurto beelaha walaalaha ah ee Samaroon iyo Ciise. 

 

Dagaaladaas jabhada SNM ku soo qaaday tuulooyinka iyo magaalooyinka reer awdal waxaa lagu xasuuqay 

 

shacab tiradoodu aad u badan tahay. Dagarta SNM u gaysatay beesha samaroon kuma ekayn magaalooyinka 

 

Gabiiley, Dila, Boorama, Cali xayd, Lughaya iyo Saylac oo qudha waxayse gaadhay wajaale, gobyar, 

 

dambal, araabi, dirdhabe, Jabuuti iyo meelo kale oo badan iyaga oo adeegsanayay dawladii kaligii taliye 

 

Magiste Xaylemaryam ee itoobiya iyo dawlada jabuuti oo gacansaar ay lahaayeen. 

 

Ururkii SNM oo ka dhargi waayay diigii uu ka galey shacabka reer awdal waxa uu dhagartiisa ku soo gabo 

 

gabeeyay weerakii ay ku qabsadeen magaalada boorama SNM oo ay gacan siinayso dawladii cadawga 

 

hayd ee Itoobiya 1991 kagana dhargeen dhiigii reer awdal ee ay u oo manaayeen iyago mudo 24 saacadood 

 

gudahooda ku dilay ilaa 750 shacab ah oo u badan maati iyo haween. Shacabkaas lagu laayay Magaalada 

 

Dila iyo Boorama ee hantidoodii la dhacay waxa loo guumaaday in ay samaroon yihiin oo kaliya iyaga oo 

 

lagu haystay in ay dawladii soomaaliya la dagaalami waayeen. Waxaan qabaa in ayna hargaysa ka dhicin hal 

 

maalin oo dad intaas le’eg oo shacaba lagu gumaadey.

 

Waxa layaab leh in ay raga Muuse Biixi iyo Siilaanyo ka midka yihiin ee hogaaminaayay jabhadaas SNM 

 

ay geesinimo u sheegtaan shacabka reer awdal iyaga oo abaan duule ka ahaa dagaaladaas ay ku xasuuqeen 

 

shacabka reer awdal iyo qoxootiyadii soomaali galbeed ayna u adeegsadeen dhalin yaro ay ku sumeeyeen 

 

qabyaalad oo sidii bahalka ugu ooman dhiiga dadka. Dhalin yaradaas qabyaaladu indha tirtay ee SNM 

 

intooda badan mayna dhaafaynin duqayda iyo caruurta oo biri magayday soomaalidu u taqaan, lana bixiyo 

 

bariga dagaaleed.

 

Hadaba sida sheikh xasan Deheeye oo ah geesi xaqa ka hadla uu sheegay, hadii ayna soomaali is cafiyanin 

 

oo ay xabaalaha dib u qodayso. Waxaa waajib reer awdal ku ah in ay dib u qodaan xabaalihii lagu aasay 

 

dadkii ay xasuuqday jabhadii SNM caalamkana gaadhsiiyaan warkooga, isla markaana dacwado lagu furo 

 

dhagar qabayaasha dunuubtaas gaystay ee ay ka midka yihiin Muuse Biixi iyo Silaanyo, si loogu qabto dal 

 

kasta oo ay tagaan cadaaladna ay u helaan agoontii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay xasuuqaas. Waa in lagu 

 

dacweeyo denbiyada caalamiga ah ee ‘Dunuubta laga galo Aademaha iyo Genecide’ oo maxkamadaha 

 

dal kasta oo ay ku nool yihiin ama tagaan laga furi karo. Ka dib marka lagu guulayso dacwadahaas 

 

cadayntoodu banaanka taalo waxaa lagama maar maan ah in miskiid lagu xasuusto dadkii xasuuqaas ku 

 

dhintay iyo taariikhda madow ee ururkii SNM ku leeyahay Reer Awdal laga dhiso magaalada Boorama.

 

Dhagar qabe guul waarta magaadho, cadaabina waa u taal.

 

 Mustafe Dhiirane,

 

mdhiirane@yahoo.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles