Garabka Muuse Biixi ee xisbiga Kulmiye ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen shirkii ay iclaamiyeen ee golaha dhexe ee kulmiye iyagoo ku sababeeyay inay aqableen codsi uga yimi shirgudoonka guurtida ee wada hawsha dhexdhexaadinta labada garab ee kulmiye yu kala fadhiyo garabka siilanyo iyo garabka muuse biixi.
Geesta kalena waxay garabka Kulmiye ee Muuse biixi gaashaanka u daruureen,iskana difaaceen eedo wasiir warancade u soo jeediyey
War-saxafadeedkaas oo dhamaystiranina wuxuu u dhignaa sidatan:
Ujeeddo: Jawaaab-celin baaqii Guddiga Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE.
Anagoo ka jawaabayna baaqii Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida, waxaannu halkan ku caddaynaynaa inaannu aqbalnay baaqaas, isla markaana aannu hakinnay shirkii Golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida.
Waxaannu ka xunnahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe loo weeraray Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abbokor.
Waxa kale oo aannu ka xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in KULMIYE ka danbeeyey, waxaannu Marwalba dhiirri-gelinaynaa amniga iyo xasilloonida dalka, waxaannu leenahay cid alla ciddii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa.
Waxaannu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan nabaddooda, wada-jirkooda iyo xasilloonidooda