Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Golaha G10 ee Dawlad Goboleedk Khaatumo oo xilkii ku wareejiyay Baarlamanka lasoo doortay. DAAWO

$
0
0

Haddii aanu nahay Golaha Fulinta (G10) ee Maamulka Khaatumo waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa bogaadin ku socota Baarlamanka cusub ee lagu doortay shirweynaha Khaatumo 3 ee hadda ka socda magaalada Saaxdheer. Waxaanu si gaar ah ugu hambalyeynaynaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada hadda la doortay. Waxaan kaloo hambalyo mudan shacabka Khaatumo iyo masuuliinta maamulaysa shirka oo u dhabar adaygay hawshan culus ee ka midha-dhalinta shirweynaha Khaatumo. Waxa kaloo xusid mudan doorashadaMarwo Faadumo Jaamac, gabadhii ugu horreysey Somaalia oo noqota gudoomiye ku xigeen Baarlamaan Somaaliyeed.

Doorashada Baarlamanka Khaatumo wuxuu hilaadinaya in laga gudbay marxaladii ku meel-gaadhka ahayd ee Khaatumo oo loo gudbay dhismaha maamul rasmi ah. Dhismahani wuxuu bedelaya qaabkii maamulka Khaatumo oo ka koobnaa saddexda Gole – Golaha Issimada, Golaha Fulinta,  iyo Golaha xukuumadda. Haddaba dhismaha Barlamaanka cusubi wuxuu si waafaqsan Axdiga Ku meelgaadhka ah, meesha ka saarayaa hawshii G10 u haysay ummadda Khaatumo, arrinkaas oo muujinaya horumarka hab-maamulka Khaatumo. Sidaa darteed waxaanu halkan ku cadaynaynaa in hawshii G10 u haysay ummadda ay ku wareejisay Golaha Baarlamanka Khaatumo ee cusub, golahaasna (G10) si hufan loo xidhay, qoraalkanina uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee ka soo baxa Gudida Fulinta.

Haddii aanu dib u jaleecno taariikhda Khaatumo saddexdii sano ee u dambaysey, Golaha G10 wuxuu ahaa;

Golahii fekerka samaynta Khaatumo taladisa reerka dhex keenay markii la qabtay Khatumo 1 iyo Khaatumo 2.
La qaybsaday reer Khaatumo dhismaha maamulka ku meel-gaadhka ah iyo qaab dhismeedkiisa oo lagu Ebyey Taleex 2012;
Dejiyey siyaasadda guud, tan dhaqaale, iyo xidhiidhka Khaatumo la leedahay gudaha iyo debedda,  waxna ka Maamulay dhaqaalihii Khaatumo mudadi Maamulka Ku meel-gaadka ah.
Ahaa marjacii loo noqonayey mar kasta oo xaaladihii adkaa soo mareen Khaatumo, siiba kadib duulanadii qaawanaa ee maamulada dhinacyadu ku qaadeen Khaatumo marar badan;
La qaatay Madaxdhaqameedka  go’aanno lagaga saarayo maamulka xubnihii madaxtooyada ee ku xadgudbey mabaad’idii Khaatumo
Taageeray dhismaha a) Forumka arrimaha debedda iyo 2) Guddiyada Diasboraha (qurbajoogta) oo haya hawlo waaweeyn, laguna rajo weyn yahay inay hawlohooda sii wadaan.
Waxaa hubaal ah hawlahaa badan ay Gudida Fulintu  qabatay inaanay suurtoobeen haddii aan G10 ka helin taageero iyo kalsooni dhammaan shacabka Khaatumo, madaxdhaqameedka, maamulka, Forumka, golaha diasboraha iyo guddiyada kala duwan ee gobolada dalka, qaaradaha adduunka, Saxaafada, guuta koobaad iyo dhallinyarada. Sidaa darteed waxaa mudan inaanu mahadnaq ku nabadgelyeyno dhammaan cid kasta oo taageertay ama la shaqaysay G10. Waxaanu kaloo ka cudurdaaranaynaa wixii naga khaldamay ama aanu kari waynay inaanu qabanno.

Ugu danbayn waxaanu ummadda reer Khaatumo ugu baaqaynaa inay taageeraan Baarlamanka cusub iyo maamulka hadda la dhisayo. Maamulkaasi waa haybad qof kastaa leeyahay ee ma aha hanti u gaar ah cidda la doortay ama la dooran doono. Guushoodu waa guusheenna.

Si Khaatumo ha noolaato  guul, gobanimo, iyo horumar. qof kastow is weydii maxaad u qaban kartaa maamulkaa ee ha is odhan muxuu kuu qabtay ama kuu qaban karaa. Tariikhda cusub ee Soomaaliyeed ee beryahan qormaysa waxaa asal u ah wixii guul ah ee Khaatumo gaadho iyo jiritaanka Midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo wixi jecel ku ah waajib inay taageeran Khaatumo. Waa in dadka reer Khatumo oo dhamina meel uga soo wada jeestaan  wixii horomarinya Maamulka isaga oo aan dan gaar ah eegayn ama dad kale u shaqaynayn.

Waxaanu kaloo cadaynaynaa in G10 wadar iyo waaxidba diyaar u tahay inay si buuxda ula shaqaynayaan una taageeraan dhammaan golayaasha Khaatumo heer kasta iyo mar kasta oo loo baahdo ilaa inta hadafkeenna aynnu ka gaadhayno.

Waxaanu qoraalkayaga ku soo khatimaynaa in Ilaah talada marba tii roon ina waafajiyo oo aynu noqonno kuwo madhax fiican uga taga ummaddooda iyo dadkooda. Waxaanu Ilaah uga baryaynaa maamulka cusub inuu soo hooyo guulo waaweyn oo lagu diirsado


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles