Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Qiyaas oo Sawirka Eeg:Kaaf iyo Kala Dheeri

$
0
0

Kaaf iyo Kala dheeri…. Mid wajigiisa waxa ka muuqata Awood iyo Kalsooni midna Baryo iyo Isbayacuudin

siilaanyo iyo Kay

Kalmada sawir sida aan filaayo waxay ka soo jeedaa af-Arabi.  Hase yeeshee af-Soomaaliga waxay leedahay laba macne sida aan u aqaan.  Macnaha koowaad waa sawir, ama camerad lagu qaaday ama gacanta lagu sawiray.  Macnaha labaadna waa mid loola jeedo af-lagaado una dhigan ma-jire, ama qof aan jirin oo sawir oo kale ah.

Haddii aynu nahay Soomaalida waxaynu nahay dad xiiseeya sawirada, waana mid aynu la qabno adduun weynaha.  Dad badan oo aan ka mid ahay, xiisayntooda sawirku ma dhaafsiisna xusuus iyo xarago ka day.  Beryihii hore intii aan technologiyada lagu wadhwadhan, sawirada waxaa lagu guri jiray albamo (Albums) kuwaas oo lagu soo dhowayn jiray martida, isku marna la wada hor dhigi jiray koobka shaaha ah iyo album ka.  Beryahan dambe casuumadii albamada waxaa la wareegay qololka facebook yada.    Si kastaba ha ahaatee sawirku inooma laha qiimo dhaafsiisan daawashada qofku siduu u taagan yahay iyo saacada uu xidhan yahay.  Dadka khibrada u leh cilmiyada sawirka ayaa sheega in sawirka laga akhrisan karo duruus badan lagalana soo bixi karo cilmi.

Sida ay sheegaan sawirku wuxuu bixiyaa tilmaan aan kun kalmadood bixin karin (a picture tells more than thousand words).  Sawir-tahanada qaarkood ayaa ku dooda in sawirka laga akhrisan karo dabeecadaha sawiranaha, fikirkiisa, il-dheer garadnimadiisa, kartidiiisa, aqoontiisu heerka ay gaadhsiisan tahay, shaqada uu qabto iyo doorka uu bulshada kaga jiro.  Aniga oo runtii in badan maqlay doodaha kala duwan ee sawir-tahanadu ka bixiyaan sawirada, asaanan rumaysan ayaa waxa qolka facebook ga aan ku leeyahay ku soo dhacay sawir wax ka bedelay fikirkii aan ka qabay doodaha sawir-tahanada.  Sawirka oo ah ka qoraal kan ku lamaan ayaa ishayda markiiba hantiyay, madaxayguna mudo rogrogay oo isku dayay inuu turjumo fariinta ku dheehan.  Labada masuul ee ka muuqda sawirka waa laba nin oo waayeel ah, dharka ay sitaana wax isma dheera, laakiin waxa aad u kala fog fariinta saaran wejiyadooda.

Labada masuul midkood waxaa wejigiisa ka muuqata awood (authority), ka kalena baryo iyo maslaxaad.  Masuulka ay wejigiisa ka muuqato awoodu waxa aad moodaa in uu cabiraayo fikirka masuulka ay wejigiisa ka muuqato baryadu oo weliba aanu u qushuucsanayn.  Masuulka ay wejigiisa ka muuqato baryadu waxa uu qoslayaa qosol kal iyo laab ah, halka masuulka ay wejigiisa ka muuqato awoodu ay qamuunyadiisu u eg tahay mid odhanaysa “halkii aan taagnaa kama dhaqaaqin”.  Masuulka ay wejigiisa ka muuqato baryadu wuxuu gacantiisa bidix saaray garabka midig ee masuulka ay wejigiisa ka muuqato awoodu, halka masuulka ay wejigiisa ka muuqato awoodu ku ekaaday gacan qaad keliya.  Tani waxay i xusuusisay mar ay haweeneyda xooga weyn ee xaaska Obama la kulantay boqorada dalka Ingiriiska kuna deg-degtay garab qabsi.

Xaaska Obama ayaa arrintaa ku mutaysatay dacaayad badan oo ay ka qoreen wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska qaarkood, kuwaas oo sheegay inay haweeneydaasi ku xad gudubtay hab dhaqankii boqortooyada (royal protocol).

Sida aan u aqaan dhaqanka Soomaalida, garab qabsiga astaantiisu waa raali gelin (apology).   Marka laga eego dhinaca siyaasadana waa mid lid ku ah hab dhaqanka siyaasada (political protocol).

Guntii iyo gabagabadii waa sawir aad ii cajebiyay fariinta uu sidana aan aragtidayda ku cabiray Kaaf iyo Kala Dheeri.

WSC

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles