Gabey ay Tirisey Gabadh Galbeed oo La Yidhaah (Gebigiin U Sara Kaca)
Geesiyada Galbeedee
Gacamaha isqabsadayee
uGuntaday dadkoogee
Goboladaa Hargeysana
Garnaqsiga u tegayow
idinkaa Guntaa dhexe
xeedhada u Gadamoo
Gogoshana u Fidiyee
Goolkiina ugu qalay
sixinki iyo Gadhoodhkii
ugu shubay subraarada
Ma Gudaan abalkee
Garab rarato weeyaan
Gobanimo kadheertahay
Gow-racana ku xeeldheer
waxan uga Goleeyahay
Guuleystayaalow
Gurcud dam ah
Garsoorn ha moodina
Guluf iyo yaxaas iyo
wax kaloon laGaraneyn
baa isGarabmarayo
Garyaqaan majoogiyo
Nin laGarab fadhistee
GabaGabadu waxay tahay
Garaad ku hashaqeeyee
Gobol kiina soo gala
Geyigeenoo Hodana
Gudoonkeenoo wacan
Gaashaanqaad aan Gabanyo
Geesibaa idinku Geeraaman
Iyo Gashaanti Gurmada
Guulana Gargaar iyo
Garabkeenuu Geli
Go’aan kaad sugasiina
Awdal baa Gorfaynoo
Guul ba ku Garabtaal
Gobanimadu waa sharaf
Guuluhu ku siiyee
Gabigiin u sara kaca