Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

4 Jeer Oo La Isku Dayey In Qabriga Nebiga (SCW) La Soo Faqo Iyo Sida Mucjisada Lahayd Ee Eebe U Badbaadiyey

$
0
0

Waxaa maalmihii u dambeeyey dunidad guud ahaan dunida muslimka ee aynu ka midka nahay iyo si gaar ah dalkeenna uga dhex socday doodo iyo guux la xidhiidha wararka dhowan la baahiyey ee sheegayey in dowladda boqortooyada Sucuudigu ay waddo qorshe ay ku doonayso in ay dib u soo faqdo qabriga Neb Muxammed (SCW) si jidhkiisa barakaysay loogu aaso meel aan cidi garanay ama xabaalaha loo yaqaanno Baqiic ee ay ku aasan yihiin inta badan ee asxaabtii Nebiga (Alle ha ka raalli ahaado), taas oo lagu macneeyey in looga fursan waayey ballaadhinta uu muddooyinkii u dambeeyey Sucuudigu ku waday Masjidka Nebiga ee uu ku dhex yaallo qolka uu ku aasan yahayna. In kasta oo ay soo baxday xaqiiqada ah in warkaas sheegaya qorshaha soo faqista qabriga Nebigu (SCW) uu yahay war been abuur ah oo buunbuunintiisa ay lahaayeen wargeysyo ka soo baxa dalka Ingiriiska, oo si qaldan u soo turjumay daraasad arrintaas la xidhiidha oo uu Sheekh Sucuudi ahi 2 sano ka hor soo saaray, warbaahinta dunida muslimkuna ay si degdeg ah u qaadatay warkii oo aanay aad isaga hubin.

Si kastaba ha ahaato ee soo bixitaanka warkaasi waxa uu qof kasta ku abuuray xiise la xidhiidha in uu bal ogaado in ay horeba u dhacday in la isku dayey soo faqista qabriga Nebiga (SCW) ujeedo kasta oo laga lahaaba, wargeyska Geeska Afrika oo arrintaas ka jawaabaya, jecelna in uu akhristayaashiisa la wadaago xogta iyo taariikhaha xiisaha leh ayaa soo diyaariyey qormadan dhowrka cadad taxanaha ahaan doonta oo soo bandhigaysa dhowr qiso oo ah marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay.

Maxaa marka horeba keenay in Qabriga Nebigu (SCW) uu gudaha u galo Masjidka?

Sida ku cad taariikhda Islaamka Nebigu (SCW) markii uu ka soo haajiray magaalada Makkah ee uu u dhashay oo uu u adkaysan waayey dhibta ay tolkii ku hayeen, waxa uu u soo haajiray magaaladan iyaduna barakaysan ee Madiina oo si aad ah loogu soo dhoweeyey, qabiilooyinkii deggenaa cududdooduna ay isku raaceen in ay rumeeyaan Nebinimada Muxammed (SCW) diintiisana qaataan. Hawshii ugu horreysay ee uu Nebigu ka qabtay Maddiina waxa ay ahayd in uu Masaajid weyn ka dhisay halkii ugu horreysay ee ay fadhiisatay Hashiisii amranayd ee uu kaga soo haajiray Makka. Haddaba Masjidkan waxaa ku xeernaa qolal ay deggenaan jireen xaasaskii Nebiga (SCW) oo mid kastaa uu lahaa albaab toos u soo gala Masaajidka si guri kasta oo uu habeenkaa ama maalintaa joogaba ay ugu suurtogasho in uu xilliyada salaadda si toos ah ugu soo baxo masjidka.

 

Nebi Muxammed (SCW) waa uu geeriyooday waxa aanu ku geeriyooday qolkii ay deggenayd xaaskiisii Caa’isha (Alle Raalli ha ka ahaado) oo uu maalmihii u dambeeyey noloshiisa ee uu bukay uu jiifay. Markii ay asxaabtii Rasuulku isu timid si ay u aasaan Zayidkii umadda, waxa ay ku kala aragti duwanaadeen halka ugu habboon ee ay tahay in lagu aaso, fikrado badan ayaana la keenay, laakiin iyada oo murankii taagan yahay ayaa waxaa goobtii yimi asxaabigii weynaa ee Abu Bakar Siddiiq (Alle Ha ka raalli ahaado) oo asxaabtii u sheegay in uu isagu hayo xalka arrintaas, waxa aanu u sheegay hadal uu ka maqlay Nebiga (SCW) oo ahaa in Nebi kastaa marka uu geeriyoodo lagu aaso halka ay naftu kaga baxdo. Khilaafkii halkaas ayaa uu ku hadhay oo inta furaashkii maydka Nebigu saarnaa kor loo qaaday ayaa xabaashiisii laga qoday halkii uu jiifay, laguna aasay.

Xikmadda ku jirtay in Nebiga (SCW) qolkiisii lagu dhex aaso:

Sida uu sheegay muftigii guud ee boqortooyada Sucuudiga isla markaana ahaa guddoomiyaha hay’adda sare ee fatwada dalkaas oo ahaa Sheekhii weynaa ee Islaamka Cabdalcasiis Bin Baaz (Alle ha u naxariisto) Xikmadda ku jirta in Nebiga lagu dhex aaso qolkii Caa’isha ee uu ku dhex xijaabtay, waxa ay ahayd cabsi laga qabay in haddii Nebiga (SCW) lagu aaso qubuuraha Baqiic ee asxaabta kalaba lagu aasi jiray ay soo baxaan dad qabriga inta ay siyaartaan ku talax taga camalka oo aakhirka la yimaadda camal ay cibaado u arkayaan oo xad gudub ku ah cibaadada ay diinta saxda ahi jidaysay, waxa laga baqayaa in qabriga nebiga laga dhigto meel cibaado loo dul fadhiisto, oo salaadda lala doonto, markaasaa la yidhi qolkiisa ha lagu dhex aaso. (Tixraac: http://ibnbaz.org/mat/10221)

Goorma uu qabriga Nebigu gudaha u galay Masjidka?

Sida ku cad taariikhda Islaamka, isla markaana uu Sheekh Cabdalcasiis Bin Baaz qudhiisu sheegayo mar arrintan wax laga weydiiyey qabriga Nebi Muxammed (SCW) waxa uu Masaajidka Nebiga gudaha u galay xilligii uu muslimiinta hoggaaminayey Waliid Bin Cabdal Malik oo ahayd 10 sano iyo dhowr bilood oo taariikhda miilaadiga marka loo eego ku beegnayd intii u dhaxaysay 705tii illaa 515kii.

Amiirkii Muuminiinta ee Waliid Bin Cabdalmalik oo xilligiisii wax-qabad badan lagu yaqaanno diintuna aad ugu faaftay dunida oo dhan, waxa ay amiirnimadiisu ku soo beegantay xilli geeridii Nebi Muxammed (SCW) uu ka soo soo wareegay waqti ka yar 70 sano, xilligii uu amiirka ahaa ayaanu doonay in markii ugu horreysay uu aad u ballaadhiyo Masjidka Nebiga ee Madiina, qorshahaas ballaadhinta oo gaadhay in qolalkii xaasaska nebigu deggenaayeen oo sida aynu kor ku soo xusnay mid ka mid ahi yahay qolkii Caa’isha ee Nebigu (SCW) ku dhex aasnaa. Sheekh Ibn Baaz waxa uu sheegay in culimadii xilligaa jirtay ay amiirkan muuminiinta kula taliyeen in aanu qolalkaas Masjidka gudaha u soo gelin, laakiin isaga oo niyadsamaa waxa uu u arkay in aanay taasi dhib keenay, waayo Nebigu waxa uu ku aasnaa qolkiisa dhexdiisa, markaas macnuhu waxa uu noqonayaa in qolkii uu Masjidka soo galay, ee ma noqonayo in qabrigii uu Masjidka soo galay. Iyada oo weliba qaabka farsamo ahaan qolka deryka sare loogu sii xidhay uu yahay saddex geesood, ah farsamo aanay suurtogal noqonayn in dhan kasta oo laga maraba uu ku beegmo qiblada. (Tixraac sare) waxa ay culimada Muslimku sheegayaan in soo gelistaa uu qolka uu nebigu ku aasnaa soo galay gudaha masjidka, ballaadhintii lagu sameeyey masaajidka darteed aanay waxba ka beddelayn ama madow gelinayn xukunka islaamka ee cad ee ka yaalla in qofka masjid lagu dhex aaso ama qabrigiisa masaajid laga dhigto.

Xukunka in qabriga masjid laga dhigto:

Shareecada Islaamku waxa ay xaaraan ka dhigtay in qabriga laga dhigto goob cibaado iyo masjid salaadda lagu tukad, waxa aanay jeexday jid lagula macaamilayo oo ah in laga dhigto meel loo tago ku soo cibro qaadasho iyo geeri in loogu diyaar garoobo, qaabka loo booqanayaana uu noqdo in qof kastaa isaga oo naftiisa la gaar ah oo aan dan ka lahayn jamaacada kale ee la socota uu qabriga ku cibro qaato iyo in laga ilaaliyo in maalin cayiman iyo taariikh la yaqaanno la siyaarto iyo in sidoo kale qalliin xoolaad iyo casuumad lala doonto. Xadiis laga soo xigtay Nebi Muxammed (SCW) oo marka afka Soomaaliga loo beddelo macnihiisu sidan noqonayo ayaa uu ku yidhi, “Alle ha nacdalo Yuhuud iyo Kiristaan, xabaalihii nebiyadooda ayaa ay masaajid ka dhigteen ee” ugu dambayntii culimada Muslimku waxa ay inoo sheegayaan in aanay bannaanayn in lagu tukado masjidka qabrigu ku dhex yaallo ama qibladiisu qabri tahay, iyada oo uu ka reebban yahay Masjidka Nebiga oo isaga qisadiisa aynu kor ku xusnay.

Haddaba waxa aynu qaybaha hadhay ku soo qaadanaynaa dhowr qiso oo tilmaamaya dhacdooyin kala duwan oo ujeedada ay ka midaysan yihiin ahayd in la isku dayey in nebiga (SCW) Qabrigiisa laga soo faqo, in kasta oo sababta loo doonayey iyo cidda doonaysayba ay kala duwanaayeen iyo qaabka uu qabrigu uga badbaaday faqitaankaas.

  1. Isku dayga dhagartii koowaad:

Waqti ku siman sannadkii Miilaadiga ahaa ee 1912kii waxaa dunida Muslimka, gaar ahaan woqooyiga Afrika iyo qaybo ka mid ah bariga dhexe ka dhashay dowladdii lagu magacaabi jiray Faadumiyiinta. Khilaafada Faadumiyiintu oo taariikhaha qaar nasabka dadka haystay ugu abtiriyaan Cali Bin Abi Daalib iyo Faadumo Rasuul, waxa ay ahayd khilaafada keliya ee mad-habta shiicada qaadatay ee dunida muslimka soo martay. Bilowgii khilaafadani waxa ay xarunteedu ahayd magaalada Mahdiya ee dalka Tuuniisiya, laakiin sannadkii 969 Miilaadiga oo ay Faadumiyiintu ku guulaysteen in ay xoraystaan dhulka Masar ayaa ay dhiseen magaalada Qaahira, taas oo ay xarun uga dhigeen dowladdoodii.

Al-Casiis Billaah, Nazaar Bin Mucid Bin Ismaaciil oo ahaa khaliifkii Shanaad ee khilaafada Faadumiyiinta, xilkana hayey Afartan iyo kow sano oo u dhexeeyey 955kii illaa 996kii, ayaa ahaa masuulkii abid ugu horreeyey ee muslim ah ee inta la og yahay ku fikiray in uu dib u faqo qabriga Nebi Muxammed (SCW) oo uu weliba ka soo saaro maydkiisa. Nazaar Bin Mucid waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin fasahaad badan, dumarka iyo balwadaha aad ugu dheereeya, ficillo badan oo aan sharci ahaan bannaanayna ku kacay. Sida ku xusan taariikhaha islaamka qaarkoodna Nazaar waxa uu gaadhay heer uu Rabbinimo sheegto. Waxa uu ahaa nin madax adag, midabbo badan, dhiigyo cab ah, khiyaamo badan, oo ragga qaar ku tilmaameen in uu ahaa Fircoonkii waqtigiisa, tusaale ahaan waxaa laga soo shegaa in xilligiisii uu amar ku bixiyey in Asxaabtii Nebi Muxammad (SCW) la caayo oo weliba lagu qoro kadimada masaajidda iyo saaracyada. (Ticraac: Siyaru Aclaamu Nubalaa’ 17/174; Imaam Ad-Dahabi).

Koox la-taliyeyaal u ahaa Khaliifkan oo lagu tilmaamo in ay munaafiqiin ahaayeen ayaa u yimi Khaliifkan, waxa aanay kula taliyeen in uu maydka Nebiga (SCW) loo soo raro dalka Masar, taladaas oo uu si aad ah u soo dhoweeyey, isaga oo ku yidhi, “Marka aynu sidaa yeelno, dadku waxa ay safar joogto ah ku iman doonaan Masar, oo yool u noqon doonta Muslimiinta dunida oo dhan. (Tixraac: Wafaa’ Alwafaa; 2/652; As-Samhuudi), isaga oo fikirkii ku socda ayaa uu Khaliifkii u diyaar garoobay soo rarista qabriga Nebi Muxammed (SCW) dhulkii uu damacsanaa in dib loogu aaso ee gudaha Masar ahaa ayaa uu diyaariyey, lacag badanna waxa uu ku bixiyey in qorshahaasi si qurux badan u guulaysto. Kadib waxa uu diray nin lagu magacaabi jiray Abal-Fatuux oo ciidan xooggan watay, hawsha loo dirayna ahayd in uu sib u soo faqo qabriga sharafta leh. Abal-Fatuux markii uu Madiina yimi isaga oo aan waxba iskaga tirinayn in ay cidi qorshihiisan hor istaagto, maadaama oo aanu ku ogeyn ciidan kiisa iska difaaci kara dadkii kama uu qarin waxa uu u socday.

Dadkii reer Madiina aad ayaa ay uga cadhoodeen qorshaha Abal-Fatuux waxaana la sheegaa in nin Qur’aan ruux ahaa oo lagu magacaabi jiray As-Salbaani uu isugu yeedhay dadkii oo uu u akhriyey aayadaha Qur’aanka Kariimka ka mid ah ee 12  iyo 13 ee suuradda At-Tawbah, kuwaas oo uu Alle ku sheegayo in la iska celiyo oo lala dagaalamo madaxda oo laga hor yimaaddo haddii wacadka ka baxaan, ama diinta dhaawacaan, (Miyeydaan la dagaalamayn qoomka ka baxay wacadkii ee ku hammiyey in ay rasuulka saaraan (ka saaraan Madiinah)) ayaa ka mid ahaa aayadahan oo uu Alle dadka muuminiinta ku amrayo in aanay dadka noocaas ah ka baqan oo ay la dagaalamaan. Dadkii reer Madiina markii ay wacdigan maqleen, waa ay gadoodeen, waxaana ka baxday cabsidii diiniga ahayd ee ay ka qabeen in ay ka hor yimaaddaan nidaamka iyo hoggaanka, waxa aanay ku sigteen in ay dilaan Abal-Fatuux oo sida ay taariikhdu sheegayso qudhiisu dib isula yaabay , kana qoomamooday in uu amarkan hoggaamiyaha iska soo qaatay uun isaga oo aan diintaba u eegin. Waxaa taariikhdu xustay in maalintii ay ciidamada Abal-Fatuux dib uga noqdeen faqista qabrigan lafteeda ay soo dhacday dabayl si mucjiso ah u xooggan oo xataa awoodday in ay legeddo geelii iyo fardihii oo sida kubadda dhulka u giraan-giray. Sidaas ayaa uu ku baaqday qorshihii koowaad ee soo faqidda qabriga Nebiga (SCW)…

La soco Qaybo Kale

Xigasho: Geeska Afrika


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles