Dadka aan shaxda Siyaasada aadka u aqoonin waxay filayeen In Axmedsilaanyo Markii Uu Talda La wareegay uu labada askari meel uun kaga soo dari doono dawladiisa, ha noqoto dhanka ciidamada ama dhanka wasiirada. Laakiin Siilaanyo Oo aad yaqaanay ina biixi waagii uu gudoomiyaha u ahaa urrukoodii snm, markii xisbigiisa kusoo biirayna aad u darsay beydgaabnimada muuse biixi wuxu askariga ku qanciyay inuu noqon doono musharaxa shanta sano ee soo socota. Ma jirin meel heshiiskaa lagu kala qortay oo golaha dhexe ee xisbiguna ansixiyay. Siilaanyo oo ahaa odey siyaasad wakhti dheer kusoo jiray wuxu ka fekeray sidii uu ninkanna halkaa(hogaaka xisbiga) ugu hayn lahaa, hadhowna uu daaqadda uga tuuri lahaa.
Siilaanyo markii uu arkay in muuse ku qanacsanyahay arrinkan, wuxu soo ururiyay waxgaradkii H/Jeclo, khaasatan kuwa taladooda uu ku socdo, Saleban Gaal iyo Dahabshiil. Wuxu ku yiri ” Kursigii waan ku fadhinaa, Sacadmuusena waan wadanaa, Muuse Biixina waxan isku ognahay Arinkaa Laakiin waxan ugu talo galay inuu shantaa sano ahaado Noobiyad reerkiisu eegto.
Xisbiyadii sidaan ballanqaaday waan furayaa, Waxan doonayaa inaan nimanka talada innagula loolami kara meesha ka saaro, Idinka maxay idinla tahay tolkayoow, sideen arinkaa u waajahnaa? Halkaasay kasoo baxday taladii Wadani(Cirro) lagu soo saaray, Ucidna lagu soo celiyay.
Talooyinkii kulankaa kasoo baxay waxa ka mid ahaa In Maxamed Kaahin noqdo Gudoomiyexigeenka Kulmiye Ugu dambeyntana Isaga iyo Muuse biixi la isku daro, si dadka indhahooda loo sixro oo ay u arkaan inaan muuse biixi loo jeedin. H/Jeclo waxay u yeedhay Maxamed Kaahin, Waxa lagu qanciyay in aanu xil ka sugin xukuumada Siilaanyo, laakiin miishaarka wasiirka la siiyo taa bedelkeedana uu noqdo gudomiyexigeenka Kulmiye, Shaqadiisana waa loo sharaxay.
Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay cunahooda mariwaydo in maxamed kaahin lagu dilayo muuse bixii, shan sanadoodna uu u taaganyahay lugooyada saaxiibkii. Siyaasadu waxa la yiraa waa wasakh (Dirty Job). Saxbiibadaada siyaasadu waxay kugu darayaan dad ay doonayaan inay si dhab ah u khaarijiyaan(dilaan), si aan iyaga hadhoow looga shakin, waana wax aduunyada ka dhacda oo ragbdan lagu laayay, Laakiin tan ay maxamed kaahin iyo beeshiisu fulinaysay waa mid aad u fudud.
Markii uu soo baxay go’aankii uu AxmedSiilaanyo uu ku magacaabay Guddida turxaan bixinta Xisbiga kulmiye oo ka kooban 9xubnood, Waxay saaka warbaahintu ku waabariisatay labadii askari si ay wax uga waydiiyaan go’aanka Madaxweynaha Somaliland maadaama aanu isagu ka mid ahayn hogaanka xisbiga.
Markii ay saaka warbaahintu labada askari ugu tagtay Huteel Guuleed. guddomiyaha xisbiga kulmiye Muuse biixi oo warbaahinta doonayey in uu la hadlo wax ka hor istaagay Guddomiye Kuxigenkii Maxamed Kaahin taasi oo ay isku maandhaafeen hanaanka ay warbaahinta ula hadlayaan iyo go’aanka ay ka qaadanayaa Guddida uu madaxweynuhu soo saaray ,waxaanay ismaandhafkaasi sababay in uu khilaafkodu noqdo mid baajiyey warkii ay warbahinta siina lahayeen, waxayna sheegeen in ay wakhtiyada soo socda la hadli doonan.
Arrintani waa calaamadii ugu horaysay oo muujinaysa shaqada uu hayo maxmed kaahin, Laakiin muuse biixi ma laha aragti siyaasadeed oo uu ku fahmi karo. Dhawaan ayay niman ina biixi tolkii ahi fahmeen khiyaanada iyo Lugooyada meesha uu maxamed kaahin u joogo, waakuwii isku dayay inay khaarijiyaan laakiin way fashilantay, inkastoo laftiisa(muuse askari) arinkaa looga shakiyay hadana dadka siyaasiyiinta somaliland shaandheeyaa waxay leeyihiin muuse ma gaadhin heerkaa uu ku ogaan karo qorshahan.