Saylici maalin walba mashruuc dhaamaday buu xadhiga ka jraa, waar kuwayagii aaway ma yidhaa!!!!
NIN DHIRBAAXO QUUDHEED DUGSADAY DHAQAYADEED MAALYE
DHEREG IYO MARBAY KAA YIHIIN DHAQASHO XAARAANE
DHASHAADAY SUGTAA XAAJADAAD DHAWRATAA ABI
Wasiirkan baryahan wuxuu u tafo xaytay inuu dadka reer Jabuuti wixii baahan soo guro oo dejiyo Saylac iyo Lughaya. dadkaa reer jabuti waxa laga been abuurayaa inay yihiin qaxooti somaliyeed. Hayadda UNHCR ee qaxootiga ayaa laga rabaa inay maal geliso. arrintaa waxa ka caawinaya maamulka Jabuti iyo maamulka Siilanyo.
Wasiirka magcaabistiisa waa layska ogaa inay ahayd ballan ka dhaxaysay Siilanyo iyo ismacil cumr geele. Siilaanyo waa kii ogolaaday in kumanyaal reer jabuti ah laga soo guro Dalka Jabuti kana cod bixiyaan waddanka somalida doorashaii dawladaha hoose.
Maamulka Jabuti waxay isku sheegaan ” GURI AAN DAARAD LAHAYN”. Daarada la raadinayaa waa dhulka somalida in lagu soo fidinayo Jabuti oo immikaba in badani gacan bax ku dhowdahay.
Dawladihii hore, waxa loola tegey khiyaamooyin ay ka mid ahaayeen mashaariic kalluumaysi, iskaashato beeraley ah oo Siyad Barre looga digay. Burburkii somalida waxa la hoos orday Mohamed xaji Ibrahim cigal oo qaxooti baan soo guraynaa lagu yidhi. cigal nin loo dhuunto muu ahayn waxaanu ku jawaabay ” war somaliyi way is taqaan oo dhul idinka maqani ma jiro ee dadkiina dhulkooda u daaya.”
Intaa kumay joogin ee Ina Rayaale iyo Siilaanyo oo musuq iyo haween u taliyaan baa god laga samaystay. Danta Dahabshiil ee jabuti baa Siilaanyo kala wayn danta dalka, nabadda dadka iyo jiritaanka xuduudaha wadanka.
Taariikhdu way shalay. markii Fransiis wareejay lahaanshaha Jabuti. waa shalay markii Cabdilqaadir la soo dejay qaxootigii Ashacaddo. Maantana ma Saylc iyo meelo kalaa????. Ma riyaa…ma run baa
Waa yaabe dadkii dhulkan qarniyo lahaa xaggay mareen. waxa dadkaan horkacaya kuwo seexday, jeeblayaal jeebkooda u nool iyo qaar sida Siilaanyo bilaash uGu shaqeeya oo sheegtay..free ambassador .
Ahmed Ismail samatar
Waxay Muqdisho ka wada noqdeen Cali khaliif Gallayr oo labaduba doorasho soo waayeen. Professor Galayr dadaalkiisii somalinimo marna ma dhimin. Wuxuu aad uga shaqeeyaa siduu Somali u toosin lahaa iyo wuxuu aaminsanaa weligiiba. Waxa kaluu ka dagaalamaa in dadkiisii iyo dhulkooda dad kale ka taliyaan. Ahmed, naftiisa, Somali iyo dadkiisa midna wax uma hayo. waddankiisii waxa looga yaqaan magaca ah…BISADEEYE… Bisadeeye wuxuu ahaa nin aad looga yaqaan dhulkaa oo heeso qosol ah samayn jiray. sida bisadahana wuu ciyi yaqaanay una ciyaari jiray.
Abdiraxman saylici
Isaga kursigaaba ku filan. Wixii mucaawino ahaa …cunto, ceelal biyo,waddooyin,iyo maddaarro..boqollaal milyan waxba kama soo gaadhin jiidda Awdal iyo Lughaya oo abaaro shan sano iyo dheeraad ku habsatay. Maalin walba mashaariic dhamaaday buu maqas ku furaa, kuwayagii aaway marna ma odhan. Waxa manta jooga waxa soo socda midna lama socon karo.
Suldaanka guud ee reerku waa Bisadeeye ina adeerkii. Suldaankaasi waa nin jeebkiisa u shaqaysta. waxba kama gelin dad iyo dhul midna.
ARRINI WAXAY U TAAL DADKA INTA WAXGARADKA AH IYO DHALLINYARADA OO MUSTAQBALKOODII LA LUMINAYO, LA IIBSANAYO, LA QARINAYO. DHALLINTU HA OGAADEEN INAANAY CIDINA U MAGNAYN. HA OGAADEEN INAY IYAGU ISKA LEEYIHIIN AAYAHOOGA DANBE.
Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca