Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Ninkii Qeyrkii Loo Xiiroow soo qoyso adiguna…. Maalintaad saxbkaa Burco ku gawracday ma garanaysaa

$
0
0
Muuse biixe waa kee? Muuse waa kaa….Ina biixi waa inuu is-xisaabiyaa intaan kawaanka la saarin, miyaanu ahayn
1. kii cidlada kaga tegay saaxiibkiisii dhabta ahaa ee ay KAADIDA u soo wada cabbeen sidii ay waddankan Somaliland Republic uga goyn lahaayeen dal weynihii Soomaaliyeed. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ay dadka reer Soomaaliland u yaqaanaan: Cabdiraxmaan Tollaawe, ama Cabdiraxmaan Laba-tolle, magacyadan oo uu u bixiyey saaxiibkiisii dhabta ahaa(ina biixi) markii qoriga la watay ee ay QAAXO loo qaxay, laakiinse Siyaasaddii ardeydii ka soo aflaxday malcaamaddii Siyaad Barre ay kala dhaqaajisay, kaddib markii Siilaanyo dhegta ugu
qabtay ina Biixi haddii uu rabo inuu madaxweynaha mustaqbalka noqdo inuu khaarajiyo Cabdiraxmaan Aw Cali, oo uu markaa u arkaayey Siilaanyo inuu khatar ku noqon doono maamulkiisa haddii uu ku soo baxo Madaxweyne ku-xigeen. Iyadoo looga soo bartay keli-adayg iyo ragannimo dheeraad ah markii uu madaxweyne ku-xigeenka uu u ahaa Marxuum AUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ay dhacday goob joogna aan u ahaa ina Cigaal oo odayaashii beesha Cabdiraxmaan kaga soo dacwooday inuu aad ugu ad-adag yahay amarna aanu ka qaadanaynin, innagoo ogeyn Alla-ha-u-naxariistee inuu hantidiisii u huray dhismaha iyo horumarinta dalkiisa, oo aanu ahayn sida Bataantan Burco innooga timid.
Markaa qisada Ina biixi maanta waxaa loo akhriyi karaa…(Ninkii qayrkii loo xiirayoow, soo qoyso soo qoyso adiguna), markaa waxaa fiican uun inuu ka fekero habkii loogu xiiri lahaa ee taaloogga loogu jari lahaa, anigoo shaki ka qaba xataa inuu taa lafteeda talo ku yeelan karo, ama wax laga weydiin karaba. waxaan xasuustay Sheeko xariiro ay ayeyday Bilan Catoosh Alla-ha-u-naxariistee iiga sheekeysay anigoo aad u yar waxaanay sheekadani u dhignayd sidan:
Beri baa waxaa meel barwaaqo ah ku wada noolaa oo saaxiib aan la kal dhex-gelin ahaa (sida Ina-Biixi iyo Cabdiraxmaan Aw Cali) saddex dibi (dibi cad, mid dhiin (cas) ah iyo mid madow) iyo Libaax. waxay beryo samaan iyo barwaaqadii ku jiraanba nolol baase ka badatay.
Libaaxii ayaa u baahday Hilib uu hiigo illeyn waa dabeecad ilaahay ku abuuree, heshiiskii iyo walaaltinnimadiina ma jabin karo, sidaa awgeed wuu fekeray sidii uu mid ka mid ah saaxiibbadii u khaarajin lahaa iyadoo kuwo kalena ay raalli ka yihiin, sidaa awgeed waxa uu shir albaabadu u xidhan yihiin la qaatay dibigii dhiinka ahaa iyo kii madoobaa, waxaanu dooddiisii iyo taladiisii ku soo jeediyey in laga tashado dibiga cad, sababtoo ah cadawga ayaa soo bil-dhaansanaaya taasoo iyagana noloshooda khatar gelin karta, isla markaana been buu ka sheegay oo wuxuu yidhi, horta ma ogtihiin dibigan caddi inuu kibir badan yahay isla markaana uu aamminsan yahay inuu innaga karti iyo aqoonba badan yahay, Dhiin iyo Madoobe (ina biixi iyo ina kaahin/dhegaweyne) arrintaa dambe aad bay uga xanaaqeen, cadaawad baanay u caddaysteen Caddaawe (Tollaawe)
arrintii waxa la gorfeeyaba waxay talo ku soo ururtay in Caddaawe laga saaro liiskii walaaltinnimada uuna yahay saacadda laga bilaabo cadaawe ay bannaan tahay in rubadka la gooyo, heshiiskii hore waa jabay mid cusubna lama dhigan, Mr libaax ayaana loo xilsaaray sidii uu caddaawe u khaarajin lahaa, taasoo ku qaadatay waqti yar in caddaawe kawaanka la saaro isagoo saaxiibbadii uu isku hallaynaayey ee heshiisku ka dhexeeyey arkayaan raallina ay ka yihiin sida hilibkiisa baruurta iyo caddaanta badan leh uu ugu raaxaysanaayo Mr Libaax.
Sannad kaddib ayaa libaaxii magaagay (hilib-u-baahday), taasina waxay ku kalliftay inuu gaar ula shiro dibigii madoobaa oo uu ka dhaadhiciyo inuu rabo inuu cuno dibigan Dhiinka ah, sababtoo ah wuu kibir badan yahay, midabkiisuna waxaa uu u eg-yahay dhiigga, markaa Mr Libaax marka uu arkaba ciddiyaha iyo ilakaha ayaa saliilyooda, Mr madoobe go-ahead ayuu siiyey libaaxii inuu barakaysto saaxiiibkii Mr Dhiin.
Maanta oo ay doorashooyinkii  ka hadhsan tahay sannad kaliya Mr libaax waxa uu u baahan yahay jicsin uu abaaraha kaga baxo waxaana meesha soo mutuxan Mr madoobe oo hortiisa lagu soo halaagay saaxiibadiisii dhabta ahaa Mr Caddaawe iyo Mr Dhiin, dabadeed waxba lagamaba qarin ee si cad baa loogu sheegay inuu Mr Madoobe doqon yahay bilaa damiira, markii uu aqbalay in saaxiibadiisii dhabta ahaa la cuno, maantana la soo gaadhay markii isaga kawaanka la saari lahaa.
waxaanu Mr libaax ugu maahmaahay: Ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso adiguna. Markaasuu garawsday dhoohane Madoobe oo uu yidhi; ‘wayyy-iyo-wayyy, tolla’ay oo tacabkay khasaarye, maanta ima aanad cunine waxaad i cuntay markaan kaa aqbalay inaad cunto walaakay Mr Caddaawe iyo Mr Dhiin’….Haddaba xaaladda ina-biixi waxay ku suntantahay Dhoohane Madoobe ee yaanu cidna xag-xagannin illeyn bohoshii uu qoday ee ay saaxiibbadiisii hore ku dhaceen ayuu maanta xaqiiqsaday inuu ku dhacaayo e.
2. Qodobkayga labaad ee aan ku xusaayo qoraalkaygan waxa weeye, ina biixi ha garawsado inuu ahaa askari, loona tababaray inuu waddanka ka difaaco cadawga oo uu wax uun dilo, isla markaana aanu aqoon u lahayn sida horumar iyo siyaaasad looga shaqeeeyo, waqtigana inuu iskaga lumiyo maaha wax aanu u lahayn aqoon iyo qualification. Runtiina uma baahnin waqtigan xasaasiga ah qof caanaha iyo biyaha aan kala saari karayn oo waqtiga innaga lumiya. waxaan kula talin lahaa xerooyinka ciidamada inuu iska xaadiriyo oo aanu ka qadin darajooyinka la bixiyey.
3. Xisaabta ha ku darso Mr Madoobe; shacbiyaddaadu halkay maanta gaadhsiisan tahay? iyo Xisbiga aad ku abtirsataa Garaafkiisii halkuu taagan yahay? runtuna waxay tahay haddii in uun u dhug iyo aragrti leeyahay, mar hore ayuu ka carari lahaa oo uu ku biiri lahaa xisbiyada kale ee aan wali la tijaabin ee curdinka ah waa Waddani iyo Ucide. Sababtoo ah waan la soconnaa maanta Xisbiga Kulmiye halka uu Somaliland marinaayo. Ictiraafkii inuu cirka isku shareeray, Qabyaaladdii oo qaawani inay suuqyada iyo xafiisyada dawladda lugayso, taasoon aan abid soo marin dadka ku abtirsada Soomaali oo dhan, Boobka iyo dhaca lagu hayo hantida qaranka, Maamul xumada ka taagan hay’adaha dawladda, iyadoo ay xukuumadda Kulmiye mansabyada iyo mas’uuliyadda ku magacawda AYAAD TAQAAN ama AYAAD TAHAY, halkay ka noqon lahayd MAXAAD TAQAAN ama MAXAAD WAAYA’ARAGNIMO IYO QUALIFICATION u leedahay.
Dadkii walaalaha ahaa ee is-dhalay abtiga iyo habyarta isku ahaa ee rootiga kal goosan jiray oo Xukuumadda kulmiye isugu dhiibtay middiyaha, inta ku dhimatay ama ku bara-kacdayna ay ciiddaa ka badan tahay, ilaa iminkana eeladaasi ay taagan tahay oo aan maaro loo hayn, Soomaliland oo aad mooddo inay sidii wanla-weynta ay u qayb-qaybsamayso duweylaat yar-yar, sida Awdal State, Khaatumo State, Saaxil State iyo kuwo kale oo badan oo soo socda
sababtoo ah wixii la wada lahaa ayaa meesha ka baxay, dawladdii aan wada dhisannayna waxay noqotay AWR DHINAC KA RARAN. waan aragnay in saxaafaddii iyo xurriyatul-qowlkiiba afka laga xidhay, taasoo culays weyn ku keentay siyaasaddeennii arrimaha dibadda, waddammo badan oo aan xidhiidh dhaw la-lahaynna ay maanta dhabarka innoo jeediyeen. Xukuummadda oo iibsatay labadii gole ee shacabka u adeegaayey waa Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamaanka e, iyadoo aan ognahay inay u nacam-leeyaan Xukuumadda kulmiye gar iyo gardarraba.
Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo gunaanadayaa, Ina biixow cidna ha eersan ee adigu is-eerso, sababtoo ah miisaanka isma aanad saarin markaad siyaasaddan goola-goollayaasha soo galaysay, siyaaasaddana waxaa ka bixi kara uun ardeydii macallinkii weynaa ee ina barre AUN.
 Qureesh Guuleed (Sheekh Ismaaciil).

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles