Ugu horeyn waxaan salaamaya bahda saxaafada, guud ahaan, gaar ahaanba,waxanan ku salaamayaa salaamta Islaamka ee ah ”Ascw”.
Ka dib beryahan waxaan la wada soconaa qeylodhaan ka soo yeedheysa taageerayaashii xisbiga kulmiye iyo hogaaankii xisbiga kulmiye.
Hadaba marka aqliga fayow loo noqdo ama garashada saxda ah ee fog la kaashado waxa kuu soo baxeysa in muranka iyo dib u dhaca shirka kulmiye yahiin wax uu Oday siilaanyo u badheedhaayo, isagoo kolba tuul cusub oo uu ugu yeedho wasiiro adeegsanaaya.
Macnaha eryga wasiirka maanta ee somaliland waa shaqaale uu siilaanyo leeyahey dadkana umma wada sinaankaraan ee kii shaqada qortay ayay u shaqeynayaan dab can kaasina waa siilaanyo.
Wax kale oo iska cad i oday siilaanyo uu wasiiradiisa amar ku siiyey in ay is hortaagaan wax kasta oo ay hogaan ku sheega beenta ah ee xisbiga kulmiye soo jeediyaan waxana kuu cadayneysa xitaa in awoodoodii uu madaxweyne ku xigeenka oo fulinaya fariinta madaxweyne siilaanyo uu si cad u joojiyey shirkii iyo qorshahii socday ee gabgabada ku dhawaa.
Waxaad arkeysaa wasiiro aan cabshadooda u la tagayn gudoomiyaha xisbiga kulmiye balse siilaanyo la showraaya, halkaasina waxaa ka cad in aanu xisbiga hogaankiisa uu siilanyo dhabar jabiyey kuna balan furey sheekaduna waa xaajo nin kastaa ka tali waana kala guur iyo kala yaac.
Ugu danbeyntii wasiirada waa wasiiro, ku howlgalaaya, magacii ummada, shaadhkii dalka, dhaqaalahii ummada, xilalkii ay dadka u hayeen, hadana waxaa la leeyahey waxey ka talinayaan xisbigii oo sideey isu raacayaan qofku in uu shaqo aan tiisii aheyn faraha la galaa? dabcan wey arkoonayaan waxaana laabta u gaaracaaya waa Odaygii wasiirda siiyey waxa loogu yeedh ” greenlight” oo ah in ay waxay doonaan sameeyaan ee ummada yaan been loo sheegin kama jiro xisbiga kulmiye dhibaato aanu siilaanyo abuurin.
Gabagabdii waxaan f fariin u dirayaa gudoomiyaha beenta ah ee xisbigaasi waa muuse biixi cabdi, waxaanan leeyahey maahan in aad taageerayaashaada kolba been u sheegto siilaanyo wuu ka badheedhey in uu wasiir samaale maanta ka dhigo milyan neer, wasiir arimaha dibada ee cusubna waxa uu u keenay wax uu raadiyey cid adiga iyo qabiilkagaba neceb waana mr wasiir daafuur oo hada ah kuwa wasiiro ku sheega ah looga dhigey gudoomiye xumaanta siilaanyo faafiya balse waan ka xumay in 80 jirkaasi la adeegsado, oo aqli uu ku garto waayo waase caado, dumarkaa marka la shukaansanaayo la amaanaa tolkeena waa habaar ku dhacey in hankoodii wasiirnimo 50sanno dhaafi waayo , ee adigu waa in aan go’ aankii aad siilaanyo aad iska kaga dhicin laheyd qaadataa waxba yaan sifir iyo ina kaahin oon siilaanyo waxba ka maqleyn balse uu laftooda ka dhigo ulo uu meelaha qaar iskaga eego ha sii eegin ee meesha waxaa kuu taala nin la tumay tallo gaadhey.
Qore: Tahir hussein/ London,Uk
waayo_aragman @yahoo.com