Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Gabay iyo Videos: “Madaafiic Amxaaradu waday nagu afuufeene”. Sanadguuradii 30aad ee Xasuuqii Borama. By: Maxamuud Abdilahi Roble

$
0
0

Gabay iyo VIDEO “Madaafiic Axmaaradu waday nagu afuufeene”. Sanadguuradii 30aad ee Xasuuqii Borama. By: Maxamuud Abdilahi Roble

QEYBTA LABAAD

Gabay iyo VIDEO “Madaafiic Axmaaradu waday nagu afuufeene”. Sanadguuradii 30aad ee Xasuuqii Borama. By: Maxamuud Abdilahi Roble

Marka hore Ilaahay waxaan samir iyo imaan uga baryayaa ehaladii iyo qaraabadii ay dhalaankaasi ka

tageen .. Amiin Amiin. Waxaan akhriyey gabay qiimo badan oo baroor diiq ah (Gurmad) oo uu tiriyey

saxiibkayga qaaliga ah ee Abwan Bashir Sheikh Omer Goth …markaan akhriyey ka dib waxa igu dhashay

murugo iyo ciil dabeed gabaygan hoos ku qoran ayaa u hibeeyey xuskan ee ila akhrista.

Tariikh aboodigu cunay oo, i garab taala

Oo niman itaal sheegtey aan,ula asiibaayo

Afku miyuu i go’ayaa hadaan, idin dareensiiyo ?

Nimay urugo haysaa haduu, oohinta idlaysto

Adoo mooday inuu aamusay, uubatiyo ciilka

Uurkuu ka tahaa intaa, aada ka hayaaye

Ilaa uu uduufada noqdoy, ubucdu daalayso

Uurkutaalo daynwaa intuu, uunka noolyahaye

Edaadka uu qabo hadaan, cidiba eegaynin

Ubadkiisu ubadkay dhalaan, arami daynwaaye

Adhaxday ku haystaan wixii, Aabahood dilaye

Ayaxii dhamaa eela reeb, saw arini maaha ?

Afartaa araar gabay lahaa ula, kacaygii dheh

Omos iyo abaar lagu haftiyo, Aaran kala roone

Afareyda ruuxii yidhaa, aayatiin malehe

Sida roob onkoday maalintaan,erayo tuuraayo

Isha iyo dhegtuba xiiso way, iman agtiisiiye

Asalraaca suugaanta iyo,odayo waaweyn dheh

Afar kale hadaan faaraxaw, oogta ka cadeeyo

Aroor hore dhulkoo aaminoo, uunku wada toosay

Abuurkii dhulkoo noo baxoo, boholo loo awdo

Umad wada walaaliyo toliyo, ul iyo diirkeeda

Adhigiyo lo’doo goor barqa,iniba meel daaqdo

Geeloo indhaw laga arkoon, cidi aroor gaynin

Intaba Eebahaa nagu galaday, waan ogsoonahaye

Ubad, hooyo, aabiyo adeer,laysu wada muuqdo

Alla aamin anagoo ahoon, eed ka galin ruuxna

Madaafiic axmaaradu waday, nagu afuufeene

Kala orad markuu nagu dhacay, iniba eyn yaacday

Allahaan u dhaartee markuu, ubadku ooyaayey

Ee oori uurliyo caruur iniba, meel taalay

Ee dhiigu obohleynayee, cidina eegaynin

Indhahaygu wali way arkaan, ololkii naareede

Axmaq iyo nin liitaa haduu, aalad daran haysto

Arxan goys hadii uu yahay, Eebahay magane

Saw wuxuu awoodweyn lahaa, naguma aafaynin

Ubadkii la laayey naftani, wali ilaawayne

Hooyada ilroortee xusuus, wali la ooyeysa

Iyadana midhbaan odhan lahaa, inay ogaataaye

Amarkii Ilaa soo diraan cidi, ka oolayne

Noloshuna intaad joogno waa, aaha iyo daale

Imaanka eebiyo xaqaa, lagu ekaadaaye

ii aamus oo samir janaad,agabsan doontaaye

Odayada intii nool iyana, waan u digayaaye

Ushaa lagu dayaa ceel haduu, aad uu dheeryahaye

Arin odayo weydaa Iblays, roorayaa helaye

inkastood awoodeeda hayn, inaad u aarayso

Ilbaxnimo ayaa lagu dayaa, eeda kii galaye

Ibtilada wixii dhacay hadaan, aragti loo yeelan

Oo idan Ilaahay dadkani, loo arimin maanta

Tariikhdan kii rabay inuu, uubta ku adkeeyo

Iyo idinka aanada ka baqi, saw ibtilo maaha ?

Ashkatadan ninkii furi lahaa, waa adoo kale e

Aqoonyahanka ree awdalow, waanku eersadaye

Sidii gabadh ugbaadoo la yidhi aamus waligaaba

Hadaad eray tidhaahdana ragii, kuuba iman maayo

Anshax iyo asluubay intaa, dhawrso leedahaye

Oo eynigeedii kacoo, ubadna loo qaadey

Hayeeshee iyadu faaraxaw, wali ilduufaysa

Oo kii agteedaba yimaad ,ka anfariiraayo

hadii ay guyaal sii jirtaan, cidiba eegayne

Idinkuna asaagiin intuu, kala adkaanaayo

Nin walbaa itaalkii intuu aradka boobaayo

Soohdimo intii kuu hadhaa, lagu agmeeraaye

Ooliga waxaa ugu jira niman asaagaaye

Dibadaha ku oodnaada waa aragtidiiniiye

Maxamuud Cabdilahi Rooble

email: robleamin@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles