Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Siyaad Bare: Jaamac Rabiilow waxaa tahay nin Fariida balse mukhkiladaadu waxa weeyi….Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 10aad.

$
0
0

Jaamac Rabiile Good socdaalka uu ku tagey dalka Itoobiya sannadkii 1979-kii waxa uu ku soo beegmay aasaaska ururkii SSDF oo door weyn uu ka ciyaarey dhidiba u taagistii iyo yagleelkii ururka gaar ahaan dhinacyada sammeyntii dastuurka amma  istiraatiijadii uu ku dagaal gallayey maadaama aasaaska SSDF looga gol lahaa abuurida Jabhad hubeysan oo xukunka iyo tallada dalka qori caaradii kaga tuurta Maxamed Siyaad Barre, hadafkii iyo himiladii ururka laga lahaa alkumaadiisa waxa jihadii toosneyd ee uu haystey ka leexiyey kadib markii qaar ka tirsan Siyaasiyiintii iyo Saraakiishii ku bahoobay ururkaas SSDF ay iska dhex tooseen isla markaana rag badan oo magac iyo maamuus ku dhex lahaa ururka madaxoogii lagu loogey gudaha dalka Itoobiya. Taasi waxa ay keentay in rag waa weyn oo uu ku jiro Jaamac Rabiile Good ay si xoogan iska hor immaadeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo berigaas ururka madax ka ahaa, xurgufta siyaasadeed iyo xulafeysiga saaxiibtinimo ee ka dhex dilaacdey xubnihii ku bahoobay SSDF waxa ay markii dambe keentay in kooxdii uu ka tirsannaa Jaamac Rabiile ka baxaan wadanka Itoobiya iyagga oo tagey dalka Yemen dabadeedna gallay Safaarada dowladda Ingiriiska ee ku taalla dalkaas Yemen, magangelyo siyaasadeed oo ay weydiisteen madaxdii Safaarada Ingiriiska kadib waxaa dhammaantood loo qaadey magaalada London.

 

Jaamac Rabiile Good markii uu tagey dalka Ingiriiska sannadkii 1980-kii ee uu si rasmi ah u degay magaalada London waxa uu meelo kala duwan oo bannaanka dalka Ingiriiska ah u direy codsiyo shaqo oo uu waliba ku lifaaqey shahaadooyinkii aqoonsiga Tacliineed ee berigaas uu haystey nasiib wannaagna waxa markiiba u soo jawaabey labbo meel oo kala ahaa xarunta Qaramada Midoobay iyo Bangiga Islaamka. Jaamac Rabiile Good fiiro gaaban kadib oo gaaf wareegaysa kala doorashada labbadan shaqo waxa ay niyadiisu go’aan ku gaadhey oo waliba qofnimadiisu door bidey in uu qaato amma ka hawlgalo shaqadda ay siiyeen Qaramada Midoobay.

 

Xarunta fadhigiisu waxa ay noqotey dalka Saambiya waxaana shaqadda uu Qaramada Midoobay u qaabilsanaa ahayd arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta sagaal iyo tobban dal oo Afrika ah gaar ahaan wadamada dhaca bariga iyo bartamaha Afrika. Shirweyne ay Qaramada Midoobay sannadkii 1982-kii u qabatey dalalkaas maamul ahaan ku xidhnaa xafiiska Jaamac Rabiile waxa ka soo qeyb gallay sagaal iyo tobbankaas dal madaxweynayaashoodii oo uu ka mid yahay Maxamed Siyaad Barre. Madaxweyne kaste waxa uu sitey qorshe dhigaya baahida dadkiisa iyo dalkiisu qabaan waxaana rabitaankoodu ahaa in wax lagala qabto arrimaha baahidooda oo waliba loo meel mariyo fulinta mashaariic fara badan oo dalabkoodu ku duugan yahay diiwaanka ay kala soo duuleen dalalkooda.

 

Jaamac Rabiile Good oo barnaamijkan madax ka ahaa isla markaana mashaariicda iyo deeqaha la bixinnayey uga wakiil ahaa Qaramada Midoobay ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanneysa u jeediyay sagaal iyo tobbankii madaxweyne ee madasha fadhiyay kuwaas oo uu ku jirey Maxamed Siyaad Barre. Intii uu Jaamac Rabiile ku guda jirey jeedinta khudbadiisa waxa layaab iyo amakaag dhabannada haystey Siyaad Barre oo ka fajacsannaa awooda Jaamac Rabiile ee gaadhay meel aannu fillaneyn balse Ina Barre waxa uu ka idho la’aa in arrintani tahay mid uu ka dhaxley aqoonta iyo tacliinta sare ee Eebbe weyne ku galladay Jaamac Rabiile Good, feker ahaan iyo jeeddaalinta uu maalintaas jaaha Siyaad Barre qabbeyna waxa ay kolba sidii gaaraa bildhaan meel bilig ka yidhi u qooraasinneysay amma tamanniyeysay in Jaamac Rabiile taagan yahay maqaam iyo kaalin lagu sifeyn karo madaxweyne maamula amma xukuma marka wadamada qaaradda Afrika oo dhan loo qeybiyo labbo meelood mid ahaan maxaa yeellay? Jaamac Rabiile Good waxa uu maalintaas madaxweyne kaste ka guddoomay codsiga iyo qoraaladii uu sitey oo qeexayay baahida dalkiisu qabbo iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee hoos yaalley horusocodka maamulkiisa, haddaba markii kulanka la soo gabo gabeeyey ayuu Maxamed Siyaad Barre fursad uu kula hadli karo u hellay Jaamac Rabiile dabadeedna inta uu gaar ulla baxey ayuu ku yidhi “Waar ninyahow horta nin fariid baad tahay balse mushkiladaadu waxa weeyi haan ku qaniino bowdada taasna aniga bani’aadmi baan ahay oo way i damqeysaa”. Hadalkan duur xulka ah waxa uu Maxamed Siyaad Barre uga jeeday isla markaana dabba taagnaa ninkii ay Ooriyo walaalka ahaayeen ee Agaasimaha Wasaarada Dalxiiska ahaa oo daraadii uu xilkii Wasiirnimo isagga casilay Jaamac Rabiile Good.

 

Maxamed Siyaad Barre oo Jaamac Rabiile Good u yaqaanney naanneysta ah “Rabiile Yare” waxa kale oo uu maalintaas Jaamac ku yidhi “Rabiile Yarow Illaahey baa darajo wannaagsan maanta ku siiyey waxaanan kugu dardaar werinayaa sida aad dalkaaga wax ugu qabbaneyso adiga ayey kuu taallaa”. Eraygaas waxa uu Maxamed Siyaad Barre ulla macno jeeday waxaan odhan karnaa waa “Maadaama aad Jaamacow Qaramada Midoobay u qaabilsan tahay dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta deeqaha Afrika yeyna kuu sinnaan waxqabadka dhulkaaga Hooyo iyo dalalka kale ee hoos yimmaada maamulka iyo maareynta xafiiskaaga ku yaalla wadanka Saambiya”. Su’aasha immika taagan ee laga yaabbo in qalbigaagu tamaninnayo taabshada qalinka waxa ay tahay tallow Jaamac Rabiile Good muxuu ugu jawaabay Maxamed Siyaad Barre? Ma hubbo mana hayo kumana raad joogsan raad raaca taariikheed hadalkii uu Jaamac Rabiile Good ugu falceliyey Maxamed Siyaad Barre balse odhaahdii maalintaas ka soo baxdey afka Jaamac ka fillo jawaabta ay kala helli lahaayeen labbo masuul oo mabda’a aragtidoodu yahay mid daahii go’ay.

Jaamac Rabiile Good waxa uu bishii sideedaad ee sannadkii 1986-kii ka tagey shaqadii uu u hayey Qaramada Midoobay oo ku sahabsaneyd arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika. Sidaas darteed mar aan London kula kulmey Ooridii uu marxuumku ka tagey oo waliba aan weydiiyay sababta ka dambeysay in uu ka tago shaqadaas wannaagsan waxa ay ku jawaabtay “Jaamac Rabiile Good tan iyo maalintii uu goostey in uu noqdo shakhsi mucaaridka ah, shaqo kaste oo uu qabto waxa uu ka door-bidi jirey oo uu jeclaa in uu abuuro amma aasaaso jabhad hubeysan oo uu kula dagaal galo maamulkii Maxamed Siyaad Barre ee uu jiritaankiisa ka soo horjeeday”. Markii uu Jaamac Rabiile Good ka soo fadhiistey shaqadaas Qaramada Midoobay waxa uu dib ugu noqdey magaalada London ee xarunta dalka Britain.

 

La soco qeybaha kale………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles