Diiwaan loo furey Dadkii SNM Awdal ku xasuuqday 04-02-1991
Waxan tacsi u direynaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen boqolaalkii qof ee maanta oo kale sida xaqdarada ah loogu xasuuqay Gobolka Awdal.
Harowo.com waxay daah-fureysaa diwaan lagu ururiyo macluumaadka iyo magacaanta dadkii 04-feb-1991kii lagu xasuuqay Gobolka Awdal.
Dul ahaan dadweynaha reer Adal waxan ku baraarujinaynaa inay lasoo xidhiidhaan diwaanka lagu ururinayo macluumaadka dadkii ay snm degaanadan ku xasuuqday xilligaa.
Ehelka iyo Asaxaabtu xil ha iska saaraan arintan, waayo si kasta oo umaduhu u heshiiyaan waa taariikh aan la is illowsiin karin. Harowo.com ujeedadeedu waa ururinta iyo keydinta taariikhdan.
Soo gudbi magaca qofka iyo da’diisa
Goobtii lagu dilay iyo ciddii dishay(snm).
Diwaankani wuxu ku koobanyahay kaliya xasuuqii Snm gaysatay 04-2-1991-kii.
Emailkan kusoo dir