Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 18aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.
Haan dib ugu noqono magaalada Addis-ababa iyo madashii shirka Qaramada Midoobay ee 1993-kii. Shirkaas loo qabtey ururadii siyaasada Soomaalida oo lagaga hadlayey badbaadada dadka iyo dalka Soomaaliyeed intii uu socday waxa maalin maalmaha ka mid ah warbaahinta shirka ku dhex sugneyd amma soo tebinnaysay hawlaha shirka la hadley oo wareysi dheer siiyey Idiris Xasan Diiriye oo hoggaaminayey xubnaha waftiga SDA ee shirka lagu marti qaadey.
Idiris Xasan Diiriye oo la weydiiyay sida ay madaxda ururka SDA ulla muuqdo shirka Qaramada Midoobay soo qaban qaabisey waxa uu ku jawaabay “Shirkani waxa weeyi shir muhiim ah waxaana la odhan karaa waa shirkii ugu dambeeyay amma fursadii ugu dambeysay ee dadka Soomaaliyeed ay heli karaan in ay ka wadda hadlaan waxa ka dhexeeyay ee dhibaato ah amma daano ah ee soo kala gaadhey oo ay ku dhammeyn karaan nabadgalyo isla markaana ay ku billaabi karaan baal cusub oo taariikhda Soomaalida gala, waxa weeyaan shir la doonnayo in lagu xaliyo wixii dhibaatooyina ee dhex marey qabaa’ilka Soomaalida amma kooxaha Soomaalida oo markaas la iloobo wixii dhacey amma soo kala gaadhey si loo billaabo waddo cusub iyo ummad cusub oo dib isugu timmaada sababta oo ah maanta waxaan ognahay ummadda Soomalaiyeed ma jirto, magac ahaan way jirtaa oo waxa la yidhaahdaa Soomaali balse qaran ahaan ma jirto, dal ahaan ma jirto dowlad ahaana ma jirto waa la kala baaba’ay oo burbur weyn baa ku habsadey Soomaaliya sidaas darteed waxaa dhacey in wannaag lagu dhammeeyo ayey ummaddii u baahan tahay oo ay naga sugeysaa sidoo kale waxa nagu waajib ah oo ururadan shirka ka soo qeyb galley korkooda saaran in dadkaasi Soomaalida ah loo talliyo oo loo qorsheeyo sidii ay mar dambe noloshoodii iyo dadnimadoodii u soo ceshan lahaayeen”.
Maadaama ururka SDA ka mid yahay ururada ka jira gobollada Waqooyi ee Soomaaliya waxa Idiris Xasan Diiriye la weydiiyay sida ururkoodu u arko wax ka qabashada xaaladda nabadgalyo iyo dib u dhis ee gobollada Waqooyi waxaana uu yidhi “Ururka SDA waxa uu ka mid yahay ururada Soomaaliyeed ee dhanka siyaasada amma hubka kala soo halgamey kaligii taliskii hore ee Maxamed Siyaad Barre markaa ururka SDA waxa uu matalaa qeyb ahaan dadka degan Waqooyiga Soomaaliya sidaas darteed magacooda ayuu masalaa waxaana ururkayagu ka mid yahay ururada aaminsan Soomaaliya in ay tahay mid kaliya waayo? Soomaaliya maaha gobolka Waqooyi, gobol Koonfureed, gobol Bari amma gobol dhexe waana maanta u doqoniimo ninka taariikhda Soomaaliyeed oo sida ummadda Soomaaliyeed loo kala qeybiyay yaqaanna boqolkii sanno ee aan soo dhaafney oo maanta ku taama in isagu gallo halkii gumeysigu ku jirey oo uu damco in isagu kala qoqobo dadkaasi Soomaaliyeed ee isku degmada ah, isku dadka ah, isku diinta ah ee walaalaha ah markaasi anagu (SDA) waxaan qabnaa ma dhici karto koox amma ha noqoto Waqooyi amma Koonfur oo iyagu isbida in amar ku taagleyn dadka kale ee dhulka la degan ku dirqiyaan waxa ay doonnayaan”.
Mar Idiris Xasan Diiriye warbaahintu waxa ka weydiisay nidaamka ay ku tallo galeen ururka SDA in dalka lagu maamulo mustaqbalka waxa uu ku jawaabay “Taariikhda dadkeenu soo maray waxaa jirta in isku duubnidii iyo midnimadii ay baaba’dey oo dadkii Soomaaliyeed maanta kala shikisan yihiin markaa nidaam dimoquraadi ah ayuun baa dadka kala saari kara sababta oo ah Soomaalidu waa qabaa’il markaa qabaa’ilka waad garaneysaa waa heer siyaasadeed amma dhaqan oo aad u dambeeya sidaas darteed inta dadka wadcigoodu sidaas yahay ee uu hoos jiro waxaa loo baahan yahay in dadkaasi kalsooni la siiyo oo faraha looga qaaddo in dad walba amma reer walba ay ka taliyaan aayahooda iyo xooggooda iyagga oo ku jira xayndaabka amma xeradda Somaliweyn, dulucda iyo ujeeddaduna waxa weeyi Soomaaliya in laga aasaaso dowlad dhexe, dowladaas dhexena waa in ay ogollaataa in gobolka walba noqdo gobol madax bannaan oo xukuumada hoose sida cashuuraha, waxbarashada, ganacasiga iwm dadka gobolkaas degan ay markaasi noqdaan dadka gacantooda ku haysta mana ogolaaneyno dad kale oo ka yimmid gobol kale sidii xukuumadii Siyaad Barre in ay yidhaahdaan anagaa cashuuraha dadka ka ururineyna anagaa halkan ka talina iyo anagaa halkan ku dhaqan oo joogi karna, markaa waxaan leenahay ma dhici karto taasi mana ogolaan doonno ummadda Soomaaliyeedna ogolaan maayaan shirkanina wuxuu caddeeyay in aannay jirin dad Soomaalida ka mid ah oo iyagu meel dhigta tallo gooni ah amma xukun gooni ah sidaas darteed shirka maanta socda waxaas oo dhan wuu gorfeeyay waana gorfayn doonnaa”.
Idiris Xasan Diiriye oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay wadda hadal dhex mara ururadda SDA iyo SNM waxa uu yidhi “Haddii SNM doonayaan wadda tashi waxba kama qabno anagu waa la wadda hadali karaa waanna laga wadda arrinsan karaa umuuraha dhulkaas dadkeenu degan yihiin dabadeetana waxaan markaas ka wadda hadli karnaa waxa jira ee ay dadkeenu tabannayaan sida loogu dhex dhigi lahaa ummadda Soomaalida laakiin qof yidhaahda kaligey baa matala dadkaas Waqooyi degan taas waa doqoniimo”.
Haddaba waxa isweydiin mudan 26 sanno kadib aasaaskii ururka SDA waa sidee mawqifka Idiris Xasan Diiriye ee ku aadan mabda’ii uu aamisannaa ee Somaliweyn? Kulankii aan la yeeshay oo saldhig u ahaa arrintan immika aan ka hadleyno ayaan jawaabteeda oo faah faahsan ku soo qaadan doonnaa qormooyinka xiga haddii Eebbe idmo.
Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.
Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com