Waxa maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhaya kartidarrada wasiirka Amniga. Dowladda ra´isal wasaare Saacid waxaa xilka looga casilay kolkay wax ka qaban wayday arrimaha amniga oo uu madax ka ahaa wasiirkan amniga Cabdikariim Guulleed .
Waayaabe, wasiirkii amniga ayaa isla xilkii lagu soo celiyay ilaa ay dhacday inuu maanta khatar galo madaxwaynihii dalku. Lama filayo in Muqdisha nabad lagu joogo ama degaanno kale Al-shabaab lagula dagaallamo inta muqsuqmaasuqa,nin jeclaysiga iyo kartixumayaasha la dugsanayo.
Sow ismacasilo wasiirka Amnigu ?
Waxaa wax laga xumaado ah in uu wasiirka amnigu wali soo taagan yahay, kuna adkaysanayo inuu amniga wax ka qabanayo iyadoo xaalka Muqdisho uu wali sidaan yahay.
Intaas ka bacdi, waxaa la hubaa inuusan askari qaad cunayaa madaxwayne iyo qaran toona difaacayn. Xarunta madaxtooyada albaabkeeda askarta dhooban waa mid afka qaad uga buuxo iyo mid baabuurkii maasha soo maraba shaxaadaya.
Qaranka in la difaaco waa wajib saaran muwaadin kasta oo soomaali ah ,laakiin kol haddii madaxwaynuhu gacantiisa isku biraynayo ,wax badan lagama qaban karo.
Abdullaahi Ahmed Farah
Aarhus, Denmark.