18 May fadeexadii ugu weyney ee ahayd sida waxuushnimada: ee ay ka yeeleen dhalinyaradii soo abaabushey.
Waxaa gaystey Cali Adan Cawaale oo ah safiirka Somaliland u fadhiya dalka boqortooyada UK iyo ururka SSUK (Somaliland Society United Kingdom) oo ku meersan isaga (iney magaca ka dilaan, waanu ku simbiriraxday arinkaasi)!
Si ay ummada Somaliland u ogaato nimankaas kale waxay kale yihiin sidan:
§ Cabdalla Saalim
§ Maxamed Cumar Meygaag
§ Saynab Xaaji Gaydh
§ Xariir Xaaji Xersi
§ Imaan Maxamed Ciise
Abaabulka 18 May waxaa iska lahaa sida aan ogahay kooxo dhalinyaro Somaliland ah oo mudo ka soo shaqeynasey arinkaasi. Kooxahaas waxay kala ahaayeen London, Bristol, Cardiff, Birmingham, Manchester oo hadafkoodu ahaa labadii finalka u soo baxa iney garoonkaasi ku ciyaaraan, wixii gashi ah ee halkaa ka soo baxana iney geeyaan caruurta agoomaha iyo darbi jiifka Somaliland. Hadaba Cali Adan Cawaale iyo kooxdiisu maxay ka yeeleen dhalinyaradii sharafta u sameysey?
Iyadoon cidna arkayn ayaan lacagtii waxaa lagala baxay fire exitka garoonkaaso lahaa amase lee yahay: Gaadhiga lacagta lagu qaadey waxaa weday gabadha magaceedu yahay Saynab X. Gaydh, waxaa la socdey Cabdalle Saalim iyo Imaan Maxamed Ciise oo ah kooxdii u jeelaneyd iney faraha ku qaadaan wixii loo diri lahaa agoomihii iyo darbi jiifkii Somaliland.
Hadaba waxaa isweydiin mudan nimankaa falkaasi sameeyey, safiirkiina ku jiro wixii laga yeeli lahaa? Taasi waxaan u deynayaa dadkii Somalilanderka ahaa ee halkaa joogay. Safiriiku waa madaxweyne matalaya dawlada uu halkaa u joogo. Waxaa ka sii daran kuwa ku meersan ee dulhoganaya, rabana iney jago Somaliland ka qabtaan. Waxaan lee yahay caqligaa daciifka ah eed ku sumeyseen dhalinyaradii, idinkaa gacantiina isku diley umadii Somaliland oo dhana wey idin og-tahay. Lacagtii inaad ku qaybsateen West London Somaliland Community oo u ka wakiil yahay Iid Xasan Muuse oo isna gacan weyn ku qaadey dhadhamaadii agoomaha. Lacagtii agoomaha ee gacantiina gasheyna hadaad is lahaydeen weydun dharagteen waxaan idin leeyahay weydun dhimanteen.
Dhalinyaradii mideysnayd Calow,
Dhudhun iyo laxaadba adigaa,
Dhalantaaloo dhagxumadii ku jiiftaa,
Dhuuniqaatayaashii dhexda isaga marey,
Dheeftii agoomaha waxay yihiin,
Dhurwaa wax ka daran, ku
Dhaartey xil dawladnimo.
Maxamed Ismaaciil Cige (Dhuxul)