Muuse Wuxu ku leeyahay dadka kale dilkoodu xalaalbuu ahaa laakiin beeshayda dawladbaa awoodeedii u isticmaashay!!!!
Kuwii uu isagu gacantiisa ku laayay ee Dila iyo Boorama uu ku xasuuqay isaga iyo dhagarqabayaashii snm ee uu horkacayay miyuu maanta leeyahay lagama hadli karo!!!
Muusow qaran kasta iyo dawlad walba oo caalamka ka jirtaa waxay u taagantahay dufaaca dalkeeda, ciddii mucaaradnimo iyo qaran-dumisnimo ku kacdana dastuurkaa faraya inay la dagaalanto.
Dadkii shicibka ahaa ee Burco iyo Hargeysa ku dhintay dabka waxa galiyay adiga iyo kuwii kugu fikirka ahaa ee hubka lasoo dhexgalay magaalooyin camiran, cid ku faraxsan dhimashadooduna ma jirto.
Waxan tusaale kooban kaaga dhigayaa ” Garxajiskii aad adigu Hargeysa iyo Burco ku laysay 194-1995-kii markii aad ahayd wasiirka arimaha gudaha maamulka la baxay somaliland maxaad u laysay? sowdigii dadka somaliland dega oo dhan u soo urursaday ee hubkii la yiri waa hub qaran iyo ciidankii la yiri waa ciidan qaran sowdigii u adeegsaday.
Si aad dilkooda u xalaashato sowtigii lahaa ” Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo” Adiga sow ma haboona in maxkamad lagu soo taago?
Kuwii aad Boorama iyo Dila ku xasuuqday ogoow iyagu dawlad mucaarad kuma ahayn, beeshaadana duulimaad kuma ahayn ee waxay iska deganaayeen dhulkoodii, Kuwii aad waliba usoo kaxaysatay Dhergigii Mingiste ee aad ku tiri Boorama Oromaa saldhig ku leh si loo gumaado shicibka miyaad dafirsantahay? sow ma banaana in maxkamad lagu soo taago