Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

SNM damaceeda iyo Reer Awdal Damanaantooda

$
0
0

SNM damaceeda iyo Reer Awdal Damanaantooda
Marka hore waxaan aad iyo aad u salaamayaa dhamaan Medida-da somalida ee inta fiican tabisa ee bulshda waxtarka u leh.

Waxa aan doonayaa in aan maanta wax ka tilmaamo arimahan ku wajahan ummda degta Gobolda Galbeeda somaliland ee ay hormoodka ka yihiin xukuumada somaliland iyo madaxdeedu.

Waxa aan maanta qalinka u qaatay in aan wax ka qoro Dulmiga, Cadaalad darrada iyo Deegaamaynta lagu hayo ummda Reer Awdal hormoodkana ay ka tahay Xukuumada hada talada haysa ee Madaxwayne Siilaayo.

Hargeisa waxaa ka socday in la soo faqo xabaabo lagu aasay dad la yidhi dawladii Somalia ayaa laysay laguna doonaayo Magdhaw iyo citiraaf raadin.

Boramana waxaa ka hadlay arintaasi Sheekh Xassan Daheeye oo sheegay in somali is wada dishay isna cafisay, waxakale oo uu raaciyey hadii aanay 20 sano kadib somaliyi is cafin oo xabaalaha la isku  soo qodaayo dadkii reer Awdal ee la xasuuqay  xuquuqdoodii waa inla raadiyaa.

Intaas ka dib waxaa Hargeisa ka hadlay si xuna u han jabay Muuse Biixi oo leh Ragbaa caadaystay inay masaajido ka hadlaan iyagoo SNM caayaya, waan dambiilayaal ka daran kuwii naxsuuqay ayuu yidhi Muuse Biixi Gudoomiyaha Kulmiye.

Hadaba SNM markay xabaalahooda soo qodaan kuwii ay iyagu xasuuqeena hadii laga hadlo ay u hanjabaan kuna ilmaamaan dambiilayaal ka daran kuwii xasuuqay maxkamadna la soo taago. Waa yaabo Muuse Biixi miyaanu ahayn ninkii Dila ilaa Borama galay ee umada reer Awdal  halkaasi  ku xasuuqay hantidoodiina soo qaatay?

Waxa aan la yaabanahay waxa cabudhiyey Aqoon yahanka, Salaadiinta, Culimada iyo Dalinyarta reer awdal ee bahdilaada lagu hayo lana cabudhinaayo inay ka hadlaan waxa ay xaq u leeyihiin.
Waxa aan aad iyo aad u hambalyeynayaa Sheekh Xassan Daheeyo oo ah Sheekh ahan Mutacalin dadkiisa u diidan xaqiraada iyo bahdilaada ay ku hayso Dawlada SNM.

Hadaba waxaa Goboldan lagu hayaa arimahan: -
In dhulka Deegaamayn lagu sameeyo si iyaga loo barabixiyo
In la saaro Cashuur aan dalku la qabin si dhaqaalaha looga jaro dadka masaakiinta ah ee ka xamaasha Xeebaha, loogna wareejiyo Dakada Berbera wixii soo dagaya.
In Dadkoodii la xasuuqay la yidhaa kama hadili kartaan hadii aad ka hadashaana dambiilayaal ayaa tihiin maxkamadna waa la idin geynayaa.
In wixii caawimo ah lagu filaysiiyo Beesha Dhexe oo kaliya.

Waxaan dadka reer Awdal Dal iyo Dibadba aan leehay  iska difaacaan, xaqoodana raadsanadaan Muuse Biixina Maxkamadaha caalamiga ah ka soo dacweeyaan umadoodii uu xasuuqay iyo hanjabaada uu hada wado.
Reer Awdal waxay arimahaasi ku gaadhi karaan kalsooni iyo isku duubnaan/midnimo

Name: Xaq u dirir
Email: xayramadle2020@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles