Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 20aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

$
0
0

Bishii November ee sannadkii 2013 waxa aan xidhiidh dhinaca Telefoonka ah la sammeeyay Wasiirkii Beeraha ee dowladii Sal Balaadh Maxamed Muuse Qoorgaab oo ku magac dheer Jacfar isaga oo jooga magaalada Borama waxaanan wakhtigaas wax ka weydiiyay waxyaabaha dhacey kadib markii ay soo dhiseen xukuumadii Sal Balaadh ee ay u guureen magaalada Muqdisho dabadeedna waxa uu yidhi “Dowladiaas loo bixiyay Sal Balaadh oo uu hoggaaminayo Maxamed Faarax Caydiid ayaa ka degtay magaalada Muqdisho oo nabadgalyadeedu faraha ka baxdey markaa runtii waxba way suurto geli waayeen sababta oo ah Ciidamadii Maraykanka ayaa Xamar soo gallay dagaal aad u xun ayaana dhex marey iyaga iyo Ciidamadii taabacsannaa Jan. Caydiid sidaas darteed dowladii Sal Balaadh waxa ay noqotey mid fadhiid ah oo hiigsigeedii salka ku hayey hirgelinta nidaam iyo maamul dowladdeed oo kala dambeyn leh misna lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta waxa qorshahaas burburiyey dowladda Maraykanka”.
Maxamed Muuse Qoorgaab mar uu ka hadlayey dareenkiisa ku aadan siyaasiyiintii SDA ee ka mid noqdey dowladii Sal Balaadh waxa uu yidhi “Runtii waxa aan Anigu u arkayey himilo wannaagsan oo aan wax kula qeybsan kareynay Somaliweyn bal se markii aan tagtey magaalada Muqdisho ee xaalada dagaalku noqdey mid aan nabad ka soo naaso caddeyn isla markaana dil qorshaysan aakhirkii lagu khaarajiyey Jan. Maxamed Faarax Caydiid waxa aan anigu go’aansadey in aan dib ugu noqdo magaalada Borama”.

Jacfar Muuse Qoorgaab oo hadlaya waxa uu kala kulmey gobolka Awdal gaar ahaan markii uu tagey magaalada Borama waxa uu yidhi “Borama waa magaaladii aan ku barbaarey waxna ku soo bartey waxa deggan qoyskeyga oo dhan sidaas darteed maaha meel aan ka maarni karo waa magaalo meel kaste oo aan joogo naftu hammuum u qabto dhex joogeeda iyo ku noolaanshaheeda waayo?, qariib kuma ihi waxaa se nasiib daro noqotey markii aan Muqdisho ka tagey ee aan magaalada Borama dhex joogsadey waxa maalmo yar kadib I xidhey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo wakhtigaas Madaxweyne ka ahaa maamulka Somaliland”.

Mudane Qoorgaab oo sharaxaya waxyaabaha lagu soo eeddeeyay waxa uu yidhi “Arrinta la igu soo eeddeeyay amma la igu haystey wax qarsoon maaheyn sababta oo ah anigu waxaan ahaa nin aaminsan mabda’ Somaliweyn bal se Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xukuumadiisu waxa aywakhtigaas guul u arkayeen oo ay lahaayeen waxaan qabanney Wasiirkii Beeraha ee dowladii Jan. Maxamed Faarax Caydiid”.

Jacfar waxa kale oo uu xogta faah faahintaas ku darey “Muddadii aan xidhnaa ee aan ku jirey Jeelka Borama wallow xukuumadii Ina Cigaal cadaadis igu saartey in aan ka tanaasulo mawqifka aan aaminsannahay haddana markii aan diiday ee aan ku adkeystay dareenka aragtideyda aan qabbo way I soo dayeen markaa aniga oo aaminsan amma wali ku dhagan mawqifkii Somaliweyn ayaan xoriyad ugu noolaa magaalada Borama”.

Maxamed Muuse Qoorgaab oo ka mid ahaa halgamayaashii waa weynaa ee ururkii SDA mar uu ka hadlayey himilooyinkiisii siyaasadeed ee mudooyinkii dambe waxa uu yidhi “Caasimadda gobolka Awdal ee Borama sidaan u joogey waxa la soo gaadhey furitaanka shirweynihii Carta ee lagu qabtey dalka Jabuuti ee aan jaarka nahay markaa siyaasiyiintii reer Awdal ee shirkaas ka qeyb gallay ayaan ka mid ahaa waxaanan xubin buuxda ka noqdey Xildhibaanadii loo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ee shirkaas lagu soo dhisey, markaa muddadii Baarlamaankaas Carta shaqeynayey waxa aan ahaa guddoomiyaha gudiga Maaliyada markii dambena waxa aan sannadkii 2002 ka qeyb gallay shirkii Imbigaati ee lagu qabtey wadanka Kenya oo ahaa shirweynihii lagu soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed”.
La soco qeybaha kale…………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey
Xasuus baa tidhi bal I dhugo
Dhadhami waayihii dorraad
Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles