Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Waynu Ku Fashilannay Baroor- diiqda Boqorka Codka Soomaaliyeed: Maxamad Saleebaan Tubeec(AUN)

$
0
0

Maxamad Saleebaan Tubeec (AUN) , ma ahayn boqorka siyaasadda soomaaliyeed, ma ahayn boqorka qabiilooyinka soomaaliyeed, mana ahayn boqorka qaranka soomaaliyeed. Kaliya wuxu ahaa muwaadin caadi ah, oo muwaadintiinta jecel fanka  iyo suugaanta Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay fannaanka ugu codka baxsan/macaan/ qaalisan/IWM, ee fannaaniinta qoowmiyadda soomaaliyeed,..
Xaqiiqda ma guurnaaka ahi waxay tahay;  in Maxamad Saleebaan Tubeec iyo fannaaniinta qayrkii ah ee qaranka Sooomliyeed ay ku suntan yihiin,  astaanta iyo aasaaska iyo xabagta isu haysa Ummadda afka soomaaliga ku hadasha, meel kata oo ay joogaan iyo mabaadii kasta oo ay haystaanba.
Soomaalidu waxya ku maahmaahdaa ‘kala go’ iyo kala lulasho,  waxa la qaatay,  kala lulasho’. Wali ummadda Soomaaliyeed way kala lushaan, mase kala go’in, mana kala gu’i doonaan, Insha Allah. Maxamad Saleebaan iyo faciisa fannaaniinta qaranka Soomaaliyeed ee ka madax bannaan qabiilaysiga, waa astaanta ‘kala lulashada, Ummadda Soomaaliyeed’.,

Dawladda Somaliland laba arrimoodba way ku fashilantay.
Waxan la yaabay wasaarada warbaahinta somaliland oo shaaca ka qaadday in marxuumka aas qaran loogu samayn doono Berbera oo ah degaankii uu ku dhashay. Hadana waxa xigtay in maydkii marxuumka lagu aasay Muqdisho. Kadibna ay sidaasi kaga hadheen, kagana aamuseen, iyaga oo an tacsi iyo tiiraanyo qaranba Ka daba dirsan. Waxa la gudboonaan lahaa laba arrimood:
(1). In markii horaba xukummaddu ka gaabsato, kana aamusto hadal haynta marxuumka, una dhaafto shucuurta dadawynaha…
(2). In guntiga ay dhiisha isaga dhigto, oo kaga dhabayso in marxuumka aas qaran loogu sameeyo degaankii uu ku dardaarmay in lagu aaso, oo ah degaanka hoos yimaada Berbera,. Taasi oo macnaheedu yahay, xitaa haddii laga xoog roonaday. oo Muqdisho ka badisay, ama arrimo kale oo qooys iyo wixii la mad ahi ka hor yinmaadeen,  inay qirtaan, oo shaaciyaan, isla mar ahantaana  tacsi qarana ka daba diraan, oo halkaasiba ugu tagaan,

Dadwaynaha Reer Somaliland-na midbay ku fashilmeen.
Muwaadiniinta Somaliland ee jecel fanka iyo suugaanta inyar mooyiye, intooda badan  dhammaantood, waxay dhawaqa, dhaayaha iyo  dhagahaba.ka furaysteen dhacdadan iyada ah.. Halkii dawladdu ku kuftay, inay dadweynuhu ka kacaanbay ahayd, balse inay iyaguna la kufaan, waa kashifaad qaran.!

Hadal Iyo Dhammantii:  Haddii dawlad iyo dadweynaba aynu is barbar dhacnay.  Waxa taariikhda ku qormaysa inaynu ku fashilanay waxkasta oo ku saabsan astaanta u dhaxaysa ummadda soomaaliyeed. Malaha waxaba la odhan karaa, ‘kala go’ ayaa inagala roon, kala lulasho;.?

Nabad Iyo Caano

Abdiqani Ateyeh (HiilDan).
UK

hiildanyare@yahoo.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles