Madaxa Hawlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa waxa uu maanta shaaca ka qaaday in muddo 3 maalmood kadib, la soo gaba gabeen doono wejigada 1-aad ee hawlgalada.
Mahamat Saleh Annadif oo galabta Saxaafada kula hadlay Xarunta Amisom ee Xalane, ayaa wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in wejiga 2-aad ee hawlgalada ka dhanka Al Shabaab, uu bilaaban doono 3 bilood kadib, inta ka horeysana uu hakad ku jiri doono.
Waxa uu sheegay in ay doonayaan in la xasiliyo goobihii wejiga 1-aad ee hawlgalada looga saaray Ururka Al Shabaab, iyadoo markaasi la kaashanaayo dadka ku dhaqan goobahaasi.
Masuulkaan, ayaa Dowladda ugu baaqay in ay Maamulo ka hirgeliso Magaalooyinka la xaqiijiyay, in laga saaray Ururka Al Shabaab oo ka soo horjeedo jiritaanka Dowladda Somaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay Ciidan Boolis oo isugu jira Dowladda iyo Amisom, ay u daabulayaan Magaalooyinka gacanta Dowladda soo galay, wixii ka dambeeyay 7-dii bishaan.
Annadif ma sheegin waxa ku khasbay in ay hakad geliyaan wejiga labaad ee hawlgalada muddo seddex bilood ah, haddii ay horey u sheegeen in wejiga labaad uu ku bilaaban doono maalmo kooban gudahood.
Ururka Al Shabaab, ayaa weeraro xoogan ka geystay qaybo ka mid ah Magaalooyinka laga fara maroojiyay, sida Magaalada Buulo Burde oo muhiim u ahayd Ururkaasi.