Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dharaarihii Tilmaannaa; Axmed Xaaji Bahdoon iyo Jan. Caydiid. Qormaddii 27aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

$
0
0

Bashiir Cali Guuleed waxa kale oo uu intaas ku darey “Markii aan tagney xaruntii Jabhadda USC nasiib xumo ma joogin Jan. Maxamed Faarax Caydiid waxaa se la nagu yidhi jidka ayuu ku soo jiraa ee iska suga dabadeed wax yar kadib Jan. Caydiid ayaa soo gallay goobtii USC, runtii anigu hore uma aan arkin Caydiid oo aqoon aan u lahaa ma jirin bal se markii gudaha hore uu noogu soo gallay waxaan arkey nin madow oo xidhan koofiyada ay qaataan Odayaasha cuqaasha ah, Jan. Caydiid waxa uu markiiba isha mariyey raggii meesha fadhiyey oo dhan waxaana uu ka gartey Axmed Xaaji Bahdood oo ay hore uga dhaxeysay aqoon gaara dabadeed Caydiid salaan buu kula soo boodey Axmed Xaaji Bahdoon isagga oo leh waryaa Ina Xaaji Bahdoon bal ii waran?.

 

Axmed Xaaji Bahdoon waxa uu maalintaas Jan. Maxamed Faarax Caydiid ku yidhi “Caydiidow waxaan kuugu imid dhawr arrimood oo kala ah kow, raggii Saraakiisha Gadabuursi ahaa ee aad ambo-bixisey warkooda ma hayno muddo bil iyo tobban cisho ah, markaa raggaas miyaad dishay? mise meel god ah baad ku riday oo aad ku dhex haysaa? sidey wax u jiraan?, waxa kale oo aan kuugu imid anigu waan baxayaa illaa magaalada Borama, dad badan oo reer Awdal ahna waan kaxeynayaa waxaan kaa rabbaa waraaqdii jid marka ee malooshiyooyinka meelahaas fadhiisimaha ka dhigtey dadkana ku dhacaya aan ku dhex mari lahayn sidoo kale waxaan kaa rabbaa shidaalkii baabuurta aan kaxeysanneyno.

 

Jan. Maxamed Faarax Caydiid waxa uu arrimihaas oo dhan kaga jawaabey “Axmed Xaaji Bahdoonow horta raggii Saraakiisha ahaa way nabad qabaan, caafimaadkooduna wuu wannaagsan yahay waxa ay immika ku sugan yihiin meesha la yidhaahdo Farjano, ciidamadda Itoobiya ayaa halkaas ku haya maalin kastana labbo goor baan la hadlaa, saaka oo u dambeysay waan wadda hadleynnay haddaad rabto in aad la hadasho oo xaalada ay ku sugan yihiin aad ogaato gallabta ayaan kula hadashiin waxaa se aan kuu sheegayaa oo socdaalkooda dib u dhigey ciidamadda Itoobiya ayaa ii sheegay in aan jidku wannaagsaneyn oo ay ka shaki qabaan in Saraakiisha la dhibaateeyo”.

 

Bashiir Cali Guuleed mar uu ka hadlayey codsigoodii kale waxa uu ka yeellay Caydiid ayaa yidhi “Jan. Maxamed Faarax Caydiid waxa uu ahaa nin wannaagsan runtiina hadal gobonimo ku jiro ayuu nagula hadley isla markaana waxa uu tixgelin gaara siiyay codsigayagii ku sahabsanaa shidaalka iyo waraaqda ruqsada ah oo labbadaba goobtii aan joogney ayuu noogu dhammeeyay”.

 

Haddaba maalmahaas ay Saraakiisha Gadabuursi ku sugnaayeen meesha la yidhaahdo Farjano waxa dhammaantood wareysi dheer la yeeshay wariye ka tisannaa Jabhaddii USC waxaanan nasiib wannaag halay wareysigaas oo duuban misna maqal iyo muuqaal ah sidaas darteed haan ugu horreyn soo qaato su’aal Col. Maxamed Maydhane Warsame la waydiiyey oo ahayd muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhexeeya SDA iyo SNM amma Gadabuuri iyo Isaaq?. Col. Maydhane oo arrintaas faah faahin waafiya ka bixinaya waxa uu ku jawaabay.

Taariikh ahaan khalifaakani waxa uu soo billaamay wakhti hore haddaba haddii laga eego dhinaca siyaasada sannadkii 1959-kii oo ku beeggan markii Ingiriisku kacayey amma ka baxayey dhulkeena waxa uu sammeeyay wax la yidhaahdo “Shadow ministers”, Wasiirada hadhka ah oo sagaal bilood jirayey, xisbigii markaa jirey oo SNL ahaa oo dabcan Beesha Isaaq u badnaa ayaa waliba iyagga loo dhiibey masuuliyadii oo lagu yidhi qeybiya, runtii wakhtigaas ummadda Soomaaliyeed oo dhan dareenkoodu wuu kacsanaa waayo? waxaa loo dirirayey oo dagaalamayey xornimo amma gobonimo.

 

Beesha Isaaq iyaggaa mansabkii wadda bursadey gobolka Awdal oo berigaas la odhan jirey District Borama oo ah degmadda Borama waxa laga siiyay hal Wasiir runtiina Laascaanood ma xasuusto hal Wasiir amma labbo Wasiir baa laga siiyay intii kalena waxaa wadda qaatey Beesha Isaaq, haddaba waxaan kuu sheegayaa mar walba oo saami la qeybsannayo dadka dareenkoodu wuu taagan tahay oo waxa ay u dhag taagayaan waxa ay xaq u leeyihiin ee ay saamigaas ka hellaan murankuna waxa uu inta badan ka yimaadaa sida cadaalad darada ah ee wax loo qeybiyo sidaas darteed dadkii reer Awdal arrintaas way ka xanaaqeen sababta oo ah halganka la raadinayey ee xornimada hormuud bay ka ahaayeen, markaa haldoorkii reer Awdal waxa ay yidhaahdeen arrintani wax na qabata maaha dabadeed halkii la eegayey in wax laga qabto ayaa nin siyaasiya oo weyn oo aan jeclayn in aan immika magaciisa sheego maadaama la iska wadda ogyahay ayuu yidhi ma jilibkayga oo aan Wasiir helin sidee Gadabuursi u helaa Wasiir?.

 

Beesha Gadabuursi halkii Wasiir ee la siiyayna sidaas baa la isku dayey in laga qaado dabadeed markaas baa la arkey in meesha ay jirto cadaalad daro dowladda dambe ee soo socota xornimada kadibna ayna wax cadaalada ah keenayn, halkaas baa halgan xaq u dirir ah laga billaabay maxaa yeellay? dadka deegaankaas Awdal ku nool waxa ay ahaayeen oo ay u badnaayeen dad mutaclimiin ah sidaas darteed waxa la dejiyay siyaasad cad oo ka duwan mida lagu siray.

 

Ingiriisku inta badan waxa uu berigaas la jirey dadka ku nool deegaankaas SNL oo waxaa ka dhexeeyay xidhiidh hoose kaas oo salka ku hayey in la isku xukumo maamul goboleed halka ummadda kale ee Soomaaliyeed oo dhan ay danneynayeen amma doonnayeen raadinta Jamhuuriyadda weyn ee Soomaaliyeed, markaa wax iska cad bay ahayd in kooxda SNL ayna rabin in la isku darsamo, markaa anagu waxaan muujinay wakhtigaas in Jamhuuriyad weyn oo la dhaliyo kaliya aan qeybtayadii ku heli karayno dabadeed waxa la billaabay xisbiga aad maqashey ee la odhan jirey USP oo aan isbaaheysi siyaasadeed la sammeysaney dadka reer Laascaanood, ujeeddada aan arrintaas uga gol lahayna waxa ay ahayd in aan la helin aqlabiyad la nagu muquuniyo in goori amma gaar loo helo dowladnimo.

 

Nasiib wannnaag waa la nala casuumay waxaan tagtey Laascaanood halkaas baa lagaga dhawaaqey xisbigii USP kadibna waxaa la gallay doorashadii, markaa runtii labbadayadiiba (SNL iyo USP) aqlabiyad way heli kari waayeen dabadeed waxaan ku talinnay in dhammaantayo aan soo dhex galno Somaliweyn oo aan u halgano dhalashadeeda. Taas way ka xumaadeen qolada SNL ee Beesha Isaaq markaas ayey billaabeen dacaayad iyo been abuur illaa immika ay soo gaadhey sida runta ahna hadda markii ay aasaaseyeen SNM Hargeysa sida Xamar bay ahayd oo la wadda degannaa dadka oo dhana way ka dhaxeysay haba loo kala badnaade waxa aan markaas ku nidhi dad isla jaara ayaan nahay oo gobolka Awdal istiraatiijiyad ahaan meesha uu maro ayey Jamhuuriyadda Soomaaliyeedna mareysaa, markaa mawqifkaas baa ictiraafsanahay qofkii rabba ha diido waxaa se kuu sheegayaa khilaafka ugu weyn ee maanta dhex yaalla Gadabuursi iyo Isaaq waxa weeyi idinla tashan mayno ee nala safta taasna anagu haddaan reer Awdal nahay waxaan u aragnaa wax khalad ah oo aan waligeed waxba ka soconeyn.

 

Col. Maxamed Maydhane Warsame mar wax laga weydiiyay s’aal ahayd xalku waxa uu ku iman karo ayaa ku jawaabey “Soomaaliya maanta waxa ay ka hooseysaa halkii ay joogtay 1960-kii markaa xalku waxa uu ku iman karaa, reer walba gobol buu leeyahay, dad baa ka dambeeya deegaan ku filana wuu haystaa markaa cadaalada wax ha lagu qeybiyo aan leenahay waxa ay tahay in dad kaste gooni loogu ogolaado taqriiral masiir waxa la yidhaahdo oo ah in gobol kaste aayihiisa ka tashado qaab cadaaladi ku jirtana loo qeybiyo xukunka oo dadka la siiyo aayahooda in ay ka taliyaan gaar ahaan sida Baananka, Cusbitaalada, Cashuuraha iyo haddii uu gobolku saameysan karo Jaamacadaha lagu barto waxbarashaada tacliinta sare iyadda oo lagu wadda jiro xayndaabka Somaliweyn.

 

La soco qeybaha kale…………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles