Col. Maxamed Maydhane Warsame oo ka mid ahaa macalimiinta Kuliyadii ciidamadda Jaalle Siyaad ee ku taallay magaalada Muqdisho ayaa markii aan xidhiidhka la sammeeyay bishii Feebarweri ee sannadka 2014 waxa aan weydiiyay sababta isaga iyo sideedii sarkaal ee Gadabuursi ay ciidamadda Itoobiya ugu hayeen xero ciidan oo ku taalla meesha la yidhaahdo Farjano ee saaran xuduuda labbada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya haddaba Col. Maydhane oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Magaalada Muqdisho markii aan ka soo baxeynay ee uu halkaas qaab gobonimo ku ladhan tahay nooga soo ambo-bixiyey Jan. Maxamed Faarax Caydiid waxa qorshuhu ahaa sidaan horeba kuugu soo sheegay in ciidamadda Itoobiya ay keexeeyaan saraakiishayada illaa magaalada Aw-Barre oo saaran xadka gobolka Awdal markii se aan soo gaadhney Farjano waxa ay saraakiishii aan ku jirey geeyeen xero weyn oo ciidamadda Itoobiya leeyihiin oo ku taallay meeshaas la yidhaahdo Farjano, runtii waxa aan fileynay in aan halkaas dhaafno bal se markii aan dhowr maalmood meeshii joogney ee aan saraakiishii ciidamadda Itoobiya haystay wareysaney waxa socdaalkayagii ku keenay dhaqaaq joogsiga ayey nagu yidhaahdeen nabadgalyadda jidka ayaa xun oo intaas aan hubsanneyno dhinaca amaanka dhulka halkan baad iska joogeysaan”.
Col. Maydhane oo arrintaas faah faahin kale uu buuxda ka bixinaya waxa uu yidhi “Saraakiisha Gadabuursi ee aan wadda soconnay iyo aniguba run baan moodeynay arrintaas ay nagu wargeliyeen ciidamadda Itoobiya bal se muddo kadib waxa aan ogaaney in arrintu sida la noogu sheegay ahayn oo meesha waxa jirey qorshe u qorsoonnaa Itoobiya iyo SNM kaas oo ahaa in anaga (Saraakiisha Gadabuursi) lagu hayo meesha la yidhaahdo Farjano illaa iyo inta ciidamadda Itoobiya iyo maleeshiyadii SNM oo isgarabsannaya galayaan gudaha gobolka Awdal”.
Col. Maxamed Maydhane Warsame mar uu ka hadlayey goorta ay ka tageen Farjano waxa uu yidhi “Farjano anaga oo wali joogna oo ku jirna gacata ciidamadii Itoobiya ee Jan. Maxamed Faarax Caydiid nagu balamiyey ayaa ciidamadii Itoobiya iyo kuwii SNM oo isgarabsannaya galeen gudaha gobolka Awdal, halkaas waxa ka dhacey xasuuq weyn oo dadkii maatida iyo maxasta ahaa ee Soomaalidu tidhaahdo waa birimageydo ayaa la gumaadey dabadeedna dhagta ayaa dhiiga loo darey boqollaal qof oo ka tirsanaa bulashadii aan waxba galabsan ee deganneyd magaalooyinka Dilla, Borama iyo deegaankii kale ee ku hareeraysnaa waliba waxa intaas dheerayd hantidii ummaddaas reer Awdal lahayd oo ay SNM u geysteen dhac iyo boob isla markaana ay ka gurteen gudaha magaalooyinka Dilla iyo Borama”.
Col. Maydhane oo ka waramaya waxa uu ku dambeeyay xaalka saraakiishii Gadabuursi ee uu ku jirey waxa uu yidhi “Itoobiya iyo SNM waxa ay diiddanaayeen oo ay ka soo horjeedeen amma u muuqdey haddii aan anagu gaadhno deegaanka aan dhalasho ahaan ka soo jeedno ee Awdal in aan ummaddayada abaabuli karno oo anaga oo uga faa’ideynayna khibradayada milateri ee Illaahey na siiyey in aan ka difaaci karno cadowga isgarabsannayey ee dadkayaga aan waxba galabsan iyo deegaankayaga ku soo duuley, waxaa se kuu sheegayaa markii ay Itoobiya iyo SNM dhibaatadaas baaxada ka geysteen dhulkayagii wali ciidamadii Itoobiya halkaas Farjano ayey nagu sii hayeen illaa uu dalka Itoobiya ka baxey Mingiste Xayle Maryam oo talladii iyo kursigii dalka ay kala wareegeen ciidamadii uu hoggaaminnayey ninkii dhintay ee Males Sanaawi oo markii dambe noqdey raysal wasaarihii dalka Itoobiya”.
Col. Maxamed Maydhane Warsame oo ka hadlaya dhanka ay u baqooleen markii ay wadanka Itoobiya qabsadeen Jabhadii mucaaridka ahayd ee uu hoggaaminnayey Males Sanaawi waxa uu yidhi “Markii uu Mingiste wadanka ka baxey ciidamadii Itoobiya ee joogey Farjano way ka carareen dabadeedna anaga oo halkii xerada milateri wali ku jirna ayey ciidamadii mucaaridka ahaa noogu soo galeen, runtii nasiib wannaag ciidamaddaas mucaaridka ah ee dalka qabsadey gaar ahaan kuwa markaas soo gaadhey meesha aan joogney ee Farjano waxaa hoggaaminayey nin ka soo jeeda Beesha Gari ee degta dalka Itoobiya oo ka mid ahaa saraakiishii tobobarka ciidamadda milateriga ku soo qaatey Kuliyadii Jaalle Siyaad, ninkaasi oo aan macalin u ahaa markii uu I arkey wuu yaabbey dabadeedna aniga iyo sideedii sarkaal ee kale ciidan ayuu nagu darey waxaana lana geeyay magaalada Addis-ababa ee xarunta u ah wadanka Itoobiya kadibna halkaas waxa aan kula kulaney saraakiil sar sare oo aan macalin u ahaan jirey”.
Col. Maydhane oo hadalka nuxurkiisa taabannaya waxa uu yidhi “Saraakiishii aan kula kulaney magaalada Addis-ababa waxa aan u sheegnay arrintii meesha la yidhaahdo Farjano nagu qabsatey dabadeedna waxa yidhaahdeen xooggaga ka amar qaadanayey gacan ku dhiigle Mingiste Xayle Maryam way ku gafeen sharafta iyo karaamada aad leedihiin sidaad darteed hadda maxaad codsanneysaan?, anaguna waxaan u sheegnay in dadka reer Awdal badankoodu deggan yihiin dalka Itoobiya oo aanney kala maarmin kuwa walaalahood ee deggan dhinaca dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Awdal markaas maadaama xadka dul mara magaalada Borama ay xidheen ciidamadda mucaaridka ah ee wadanka qabsadey waxaan ka codsanney in jidkaas la furo iyagguna hab maamuus sharaf mudan ayey nagaga ogolaadeen codsigaas aan u soo bandhignay dabadeedna waxa ay na soo siiyeen baabuur sidaas ayaa xadkii xidhnaa ku furmey anaga oo nabadqabananna aan ku soo galney magaalada Borama oo markaas odayaashii waxgaradka ahaa ee reer Awdal isku diyaarinayaan ka qeyb galka shirkii lagu go’aaminayey gooni isu taaga maamulka Somaliland oo berigaas ka dhacayey magaalada Burco ee gobolka Togdheer”.
La soco qeybaha kale…………..
Dhacdooyinkaa qoraal I farey Xasuus baa tidhi bal I dhugo Dhadhami waayihii dorraad Wixii dhacey dib ugu noqo.
Abdirisaq Mohamed Barkhad Senior Camuudnews Editor E-mail; rasiiqi07@hotmail.com