Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Kulmiye oo shirkii qabsan kari waayey iyo Silaanyo oo qudbadii sanadka 2014 akhriyi kari waayay

$
0
0

Mahadhooyinka xukuumada Silaanyo leedahay waxa ka mid ah xisbigii Kulmiye oo

1. shir qabsan kari waayey

2. Silaanyo oo qudbadii sanadka 2014 ilaa iminka aan akhriyin

3. Silaanyo oon ka war bixin socdaal kiisii gobolada

4. Dr. Macow oo maamul xumo darteed dadku hadal hayaan.

5. Wasiirka duulista Maxamoud Xaashi oo madaarada kala jecleystey isna ceebeeyey

 

Dacawadii yeelaha jartey waxay tidhi walee reer aan ogay ma guuro.

Shirka Kulmiye wuxuu u qabsoomi waayey xukuumada ayaa Muse Biixi daalineysa   oon doona hayn in uu qabsoomo.

Silaanyo haduu caafimaad qabo wuxuu akhriyi lahaa qudbadii sanadka ee 2014 wuxuuna ka war bixin lahaa safarkii dheeraa ee uu gobolada ku soo marey ee waannu kari kareyn in uu mudo dheer qud badeeyo.

 

Dr. Macow inta wasiirka caafimaadku ogolaansho siiyey ayaa waxa diidey wasiir ku xigeen kiisa oo ku fadhida dhabta Marwada madaxweynaha. Waa maamul xumo oo marka horeba in Dr. Macow laga yeelo sicirkan qaaliga ah ee $40 ah may ahayn.

 

 

Wasiirka duulista iyo hawada oon cilmi u lahayn duulimaadka dayaaradaha ayaa qeylo dheer ku yidhi madaaradu wey kala mudanyiin taas oo cadho gelisey reer Borama iyo reer laascaanood iyo reer ceerigaabo. Wasiirku xil aannu qaadi kareyn ayaa loo dhiibay oo uu la daalaa dhacayaa.

 

 

Waxaan ku soo af jarayaa xukuumadani waa ceebalay oo dalkii wey kharibtey oo ilaa xad London 18 May ayaa madaxtooyadu fara gelisey oo dadkii reer London laba u kala jabeen. Madaxtooyadu ma qurba jooga ayey xukuntaa mise Somaliland. Waa dowlad der-deran oo falan oo meel walba faraha la gasha

 

 Abdi Mustafeabdi_mustafe123@yahoo.c

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles