Nin Quutal Daruuri ka Dhigta Cunista Ciida Dhoobada iyo Dhagaxaanta(Sawiro)
Nin u dhashay dalka Hindiya, ayaa quutal daruuri joogta ah ka dhigta cunista ciida dhoobada ah iyo dhagaxaanta, isagoo maalintii ugu yaraan cuna saddex kilo oo ciida gidaarada ku xeeran ah amma dhoobada lagu dhisto guryaha ah.
Pakkirappa Hunagundi oo 30 jir ah waxa uu caadadan bilaabay markii uu 10 jirka ahaa, waxaana uu xataa mararka qaar cunto ka dhigta ciida gidaarada iyo dariiqyada taala, isagoo aan wax xannuun ah ilaa hadda la soo darisin.
Dhakhaatiirtu waxay ku sheegeen in ninkan ay haysato xaalad amma xannuun la yidhaa Pica oo keena in qofku uu amateed u heli cunista waxyaabaha aan nafaqada lahayn ee ciidu ugu horrayso
Waxan ciida, dhagaxaanta iyo dhoobadaba cunaayey 20 sannadood, waanan jecelahay cunistooda, waxaanay ka mid noqotay noloshayda, cunistoodana waxaan bilaabay 10 jirkaygii, iminka waa waxyaabaha daruuriga ii ah, cuntada waan iska dayn karaa, laakiin ciidan iyo waxyaabahan aan cunaayo ma joojin karo, wax dhibana iguma keenaan, ilkahayguna waa caadi, xataa waxyaabaha u ad adag waan qaniini karaa anigoo wax dhib ah aanay i soo gaadhin,” ayuu yidhi ninkan cajiibka ah.
Hooyada dhashay ninkan oo 20 kaa sannadoodba isku dayeysay inay wiilkeeda ka joojiso waxyaabahan uu cunaayo, gaar ahaan dhoobada guryaha ay ku dhistaan tuuladay degen yihiin dadkeedu, balse waxa uu aad ugu jecel yahayba waa dhoobadan guryaha lagu dhisto oo u dhadhanta macaan.
“Wax aan ahayn dhoobadaas, ciidaas iyo dhagaxaantaas ma jecli, xataa haddii la i siiyo wax aad u macaan, hooyaday waxay mararka qaar igu tidhaa waxan ha cunin, waanay isku daydaa inay iga celiso, xataa haddii ay i siiso hilib digaag ma cuno, mana jecli,” ayuu yidhi ninkan oo aad ugu adkaystay cunista ciidan.
Dadka degaanku waxay sheegeen in ilaa yaraantiisii uu cuni jiray ciida iyo dhagaxaanta, taasoo aan wax dhib ah ku hayn isaga, isla markaana aanu iska dayn karin marar badan oo lala taliyeyna diiday.
Mr. Hunagundi oo xaafadiisa ka shaqeeya waxa uu hadda ku tala jiraa inuu dunida u safro, tusana awoodda uu u leeyahay cunista waxan, si uu ugu soo bandhigo bandhig la dadku u soo daawasho tagaan, isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaan doonaya inaan dadka tuso waxa aan samayn karo, waxaanan doonaya inaan lacag badan helo.”