TUUGOW MAREEGAALE
Wasiirka Macdantu waxa laga soo weriyay inu yidhi ” Yusuf Cabdi Gaboobe wuxu ka xanaaqsan yahay shirkad uu watay oo dilaal ka ahaa ayaanu ruqsadii u diidnay”. Waxa la yidhi afkaaga oo ku xidha oon ku furin la goo baa la yidhaa. Anigu si fiican baan uga dheregsanahay shirkadda uu ka hadlayo, waana shirkad danaynaysay dhinaca sahanka saliidda iyo macdanaha kale tan iyo xiligii Rayaale waanay ka soo wada horeysay shirkadaha ay Wasiirka iyo wiilku dilaalka iska daayoo ay sidaa diir iyo ayax ooman ugu degeen oo ay ku jirta GENEL OIL oo lacag gaadhaysa 37 000 000 ku bixisay hawlihii sahanka ey ka waday bariga Somaliland iyo shirkadaha kale ey ka midka tahay ta ay sheegeen inu leeyahay maal qabeen Yamani ah taas oy sheegeen inay ka qaadeen 1 800 000 oo kun lakiin aanay xaqiiqadu sidaa ahayn la sheegay inay ka badan tahay 6 000 000( lix milyan).
Shirkada uu ruqsadda ka hor taagnaa tan iyo intii uu xilka adeerkii u dhiibay aqbalay na inu ka amar qaato wiilka sodogga loo yahay ee Bashe Cawil waxa gadh wadeen u ahaa muwaadin dalka Denmark ku nool oo magaciisa la Yidhaa Yusuf Cabdillahi Kahin oo labda gofane ee Wasiirka iyo Bashe Cawil dalka uga waxtar badnaa marka ay tahay dibu dhiska qaran.
Bal aan u raacu tooda ba eh hadii ay cidi dilaalayso shirkad ajanebi ah shacbiga reer Somaliland iyo wax garadkooda ba waxan waydiinayaa Wasiirka iyo wiilka sodoga loo yahay labadooda ba miyaanu kaga xaq lahayn Mujaahid Yusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa mujaahidiintii dibu xoraynta Somaliland u soo halgamay. Haa wuu kaga xaq leeyahay lakiin dee maxaa soo dhaafi DIIR IYO AYAX OOMAN?
Ali Yusuf (Cali Guray)