Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Caawa Waa Habeen Aakhiro Oo La Qaday. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

$
0
0

Warbaahinta dunidda waxa ay qaarkood toddobaadkan ka hadlayeen amma qaadaa dhigayeen sarkaal u dhashay dalka Turkiga oo markii uu dhintay misna loo dareeray aaskiisa in xabaashii loo qodday gunteeda loogu tagay mas madow oo dhex yaalla sidaas darteed waxa warbixinta arrintaas laga soo gudbiyey sheegaysaa in la qodday illaa 29 xabaalood oo mid kaste marka la qodo amma faago gudaheega loogu tagayey mas madow oo dhex yaalla, markii se la qodday xabaashii 30aad ee lagu arkey in uu wali dhex yaallo maskii madowga badnaa waxa dadkii qofka dhintay duugayey ay go’aansadeen in ninkii iyo maskiiba isku meel lagu aaso.

Markii aan arrintan warbaahinta kala duwan ee dunidda ku arkey waxa aan soo xasuustey oo maanka iyo garashada Eebbe i siiyay ku soo dhacdey sheeko aan taariikh hore ku hayey oo cibaaro iyo cajab badan kulansatey isla markaana nuxurkeedu la xidhiidho amuurtan aan jecelahay in aan maanta oo kale qoraal ku soo bandhigo. Taas oo wakhti hore ka dhacdey gudaha magaalada Borama bal se aan muddo dhexe ka hoos qabtey qof dhacdadaas iyo dhabano hayskeeda goob joog u ahaa.

Sheekh Nuur Warsame Geelle waxa uu ahaa caalim weyn oo ka mid ah culimadii hore ee reer Awdal waxaana uu caan ka ahaa deegaannada Herer, Saylac, Borama iyo nawaaxigeeda haddaba sida dadkii u soo joogay dhacdadan aan warinnayo ii sheegeen waxa ay berigaas muddeeyeen in uu Sheekh Nuur Warsame geeriyooday hillaada amma qiyaasta sannadkii 1955-kii isagga oo xilligaas ku xijaabtay gudaha magaalada Borama oo uu markaas si rasmi ah u degannaan jirey.

Haddaba Sheekh Nuur Warsame markii loo dareeray aaskiisa ee dabadeed la qoday xabaashii lagu duugi lahaa ee haddana la weeciyay iilkii hoyga u noqon lahaa ayaa waxa dhacdey arrin aan la filayn maxaa yeellay? Ragii xabaasha qodayey markii ay leexiyeen iilka waxa ay halkaas ugu tageen amma arkeen malab fara badan oo iilka gudihiisa dhooban dabadeed dadkii qoyska amma qaraabada sheekha ka dhashey isugu jirey ee qaban qaabbada iyo qabashada aaska ku mashquulsannaa waxa ay qodeen xabaal labbaad haddana sida xabaashii hore oo kale ayaa iilka gudihiisa loogu tagey malab macaan oo malaha shini dhigtay oo waliba dhooban gudaha hore ee iilka, kadib waa laga guuray oo meel labbadii xabaalood ee hore ka fogeyn ayaa haddana la faagey waxa dabadeed xabaashii saddexaad loogu tagey malab gudaha iilka dhooban oo cibaarada iyo layaabka Eebbe amma amuurtiisa aan caad, ciid iyo caro midna saarneyn.

Ha layaabin shixnadda abuurka Eebbe hawraarta sheekaduna fajac yeysan kugu noqon sababta oo ah haddii aad tahay qof dareenkiisu ka warqabo duruusta suuban ee ku dhex dhigan diiwaanka diinteena Islaamka bal dib u mulicso markii uu Eebbe koreeye Nabbi Muuse CS uu farey in usha uu gacanta ku haysto ku dhufto dhagax weyn oo yaallay darifka uu taagan yahay Nabbi Muuse CS oo lagu tilmaamo in uu yahay shakhsiga kaliya ee Eebbe kor ahaaye toos ulla hadli jirey.

Nabbi Muuse CS waxa uu qaatey amarkii Eebbe dabadeedna dhagaxii ayuu ku dhuftay ushii uu gacanta midig ku haystay. Inta uu kala jabey dhagaxii weynaa ayaa dhexdiisii waxa ka soo baxey dhagax labbaad haddana ushii ayuu ku dhuftey. Inta uu dhagaxii labbaad kala jabey ayaa haddana waxa dhexdiisii ka soo baxey dhagax saddexaad kadibna dhagaxii saddexaad ayuu ushii ku dhuftey. Inta uu labbo qeybood u kala jabey ayuu dhexdiisii ku arkey dirxi yar oo afka caleen cagaaran oo waliba qoyan ku haysta!! Subxaanallaah.

Illaahey baa xumaan ka nasahan, bal naftaada marka ay argagax iyo amakaag dareento dideysa deji oo dabeed isweydii su’aasha odhanneysa yaa dirxigaas yar ku dhex arsaaqey oo naftiisa hawada iyo hamada bannaanka u baahan ku dhex ilaashay saddex dhagax dhexdood?, Miyaanad maqal qawlka Eebbe ee odhannaya marka uu doonno ahow buu ku dhammeynayaa arrimaha qaarkood? Haddaba hawsha aan ka hadlayo waa mid arrintaas la halmaanta oo hindisaha iyo sancadeedu ka sareeyo mid bani’aadanka adduunka guudkiisa jooga mala’waalayo.

Sheekh Nuur Warsame Geelle markii duugta geeridiisa loo qoday xabaashii saddexaad ee iilkii la dhigi lahaa jidhka Sheekha loogu tagey malab dhooban waxa go’aan gaadhay Sheekh Cali Jowhar Boqore oo ka mid ahaa culimada maalintaas ka soo qeyb gashay jinaasada iyo aaska Sheekh Nuur Warsame.

La soco qeybaha kale………………………………

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles