Warar aan ka helayno ilo madaxbanaan ayaa sheegaya in maalinta berri ah magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan ciidamo gaar ah oo ka socda dowladda Uganda kuwaasoo ku howgali doona magaca Qaramada Midoobay.
Ciidamadan ayaa waxaa dalbaday wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nick Key kaddib markii sannadkii horre weerar lagu qaaday xafiiyada QM ee Muqdisho.
Ciidamadan immaan doona Muqdisho ayaa loo xiri doonaa koofiyad ay ku qoran taahy astaanta Qaramada Midoobay, waxaana shaqadooda ay ahaan doontaa in ay ilaaliyaan xafiisyada QM ee Soomaaliya, siddaas waxaa noo sheegay sarkaal ka tirsan AMISOM.
Ciidan cusub oo ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa afar boqol oo askari waxaana ay howshooda ahaan doonaa ilaalinta xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Xafiisyada QM ee Muqdisho waxaa ilaaliya ciidamada AMISOM in kastoo ay jiraan tiro aan badneen oo ciidan ah oo lataliyaal u ah saraakiisha QM ee ka howgala Soomaaliya.