Somaliland Waxa Lagu Maamulaa Qodabadii ka Soo Baxay Shirkii Qaaxo Waxa Ay Qodabadaasi Saamayn Ku Yeesheen Gobolka Awdal
Tan iyo markii ay talada Dalka Qabsatay Jabhadii SNM waxa maalinba maalinta ka dambaysa soo if-baxaysay cadaawada uu maamulkan SNM U Qabo Beelaha Gadabuursi iyo Harti daarood waxa Dhabawday in Qodabadii ka soo baxay Shirkii Qaaxo lagu Xakumo Somaliland Qodabadaas oo ahaa in Talada Dalka marka uu xisbiga Kulmiye Qabto dhamaan ilaha Dhaqaalaha Laga IlaaLiyo Beelaha aan isaaqa ahayn Loogana Dambeeyo Beelaha Isaaq
In Dhamaan Dawlada Somaliland U Gaar ahaa To Beelaha Isaaq oo Kaliya
Beelaha Kalena La Siiyo Cad Quudheed Liita iyo In Magacdil Lagu Sameeyo Siyaasiinta aan Ahayn Isaaq
Maalin dhawayd ayaa waxa dhacday in ay wasaarada Maaliyadu Tidhaa waxa aan Qaadanayaa Shaqaale Cusub waxa Halmaalin oo Kaliya Wasaarada Is Diiwaan Galiyay Dhalinyar Badan oo Jaamacada Dalka ka soo baxay waxa Ardaydii Lagu Yidhi Imtixaan ayaa Lagalayaa oo lagu kala Reebayaa Imtixaankii Ayaa lawada Galay waxa Maalintii Dambe La Soo Saaray Liiskii Dadkii Ku Guulaystay Imtixaankii ;La Qaaday dadkaasi oo dhan 45 Qof
Dhalinyaradii Imtixaanka Gashay ayaa la Yaabay Sida liiska La Soo Dhajiyay Waayo 45 Qof ee lagu Sheegay in ay Heleen Shaqada Waa Is Ku Reer oo Beelaha Dhere Ayaa ay ka soo Jeedaan Waxa Loo Qaybiyay Gobalada Dalka
Is la Maalintii Ka Dambaysay Ayaa ay Wasaarada Arimaha Guduhu Ku Dhawaaqday In ay Shaqaale Cusub Qaadanayso Shaqaalahaasna Ay Noqonayaan Ardayda Jaamacadaha Soo Dhamaysay waxa ay Wasaaradu Dhalinyaradii Ku Qancisay In Imtixaan Loo Galaayo Shaqada Kii Imtixaankaa Ku Guuslaystana uu Shaqo Helaayo Kii Kalena uu Waayaayo Shaqada
Wax Ay sidii Ahaatoba Waa la Galay Imtixaankii Waxa Maalmo ka Dib La Soo Dhajiyay Liiskii Dadkii ku Guulaystay Imtixaankii dadka La Doo Naayay Marka Horeba waxa ay Dhanaayeen 60 Qof Waa Yaabka Yaabkiiye Liiskii La Soo Dhajiyayna Waxa Is Ku Reer Noqday 58 Qof
Walaalayaal Anigu Waan Yaabee Idinla Ma ila Yaabantihiin
Somaliland Waxa ay Dadku Maqlaan Waa Dawlad laakiin waxa ay na Dadku inta badan Ogayn in ay Somaliland Tahay Reer Kaliya oo Dawlad Noqday Beesha Caalamkana Ku Yidhaa Dawlad Ayaan Nahay
Walaalayaal Hadii Aad Taariikhda Somalida ka Aragtaan Reer Kaliya oo Waligood Wada Qaatay
Madaxwaynihii Dalka
Gudoomiyihii Guurtida
Gudoomiyihii Baarlamaanka
Gudoomiyaha Maxkamada Sare
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Gudoomiyayaashii 3 Xisbi Qaran
Taliyihii Ciidamada Qranka
Taliyihii Ciidamada Booliska
Golaha Wasiirada ee Somaliland Waxa Ay ka Koobanyihiin 30 Wasiir Beesha Isaaq Waxa Ay Haysataa 24 Wasiir oo ay ka midyihiin
1 Wasiirka Arimaha Dibada
2 Wasiirka Arimaha Gudaha
3 Wasiirka Maaliyada
4 Wasiirka Waxbarashada
5 Wasiirka Qorshaynta Qaranka
6 Wasiirka Ganacsiga
7 Wasiirka Madaxtooyada iyo hawlaha guud
Hada is ku soo wada Duu duuboo Somaliland waa Reer Samaystay Dawlad u gaar ah reeraha kalena miisaanka ku buuxsada
Intii Ay dhaafeen Gobaladoodii Ayaa Waxa Ay hada Haystaan Ilihii Dhaqaalaha ee Gobalka Awdal
1 Barasaabka Gobalka Awdal Isaaq
2 IS ku Duwaha Wasaarada Maaliyada ee Awdal Isaaq
3 Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Borama Isaaq
4 Gudoomiyaha Kastanka Borama Isaaq
Waxa aan Qoraalkan Ku Soo Gaba Gabaynayaa Hadii uu Xaalku Sidan Yahay oo Ay Beesha Isaaq Leedahay Caadi Yaan U Soo Cabay Maamulka oo Dhiig ayaan u Daadiyay in ay Somaliland Wax Ya Yidhaa Jirayn
Ugu Dambayntii Waxa aan Hadal Waano ah U Soo Jeedinayaa Dhamaan Beelaha Gadabuursi oo aan Leehay Waar Hoos is ku Eega oo ayaa Idiin Barasaab ah is waydiiya oo Ayaa Haysta Ilihii Dhaqaalaha ee Gobalka Is Waydiiya Markaas ayaad Wax ogaanaysaane
Maanta Hadii aad Ogtihiin Ninka Idiin Barasaabkii Waxa uu Idinka Gudbinaayo Iyo Sida uu Idiin Kala Jajabinaayo Hal Habeen Borama Uma ogolaateen inuu joogo, laakiin Nasiib darro idinkaaba dusha la idinka haystaa oo gumeysi ku jira.
Waa Qoraalkii Mahdi Yuusuf Sharmaake
USA Mennesota