Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Ma Dhabaa Inuu Soomaali Noqday Wiilka yar Ee Mucjisada Dhigay Ee Diyaarada kusoo laabay. DAAWO

$
0
0

Washington DC (Harowo)-Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka ayaa ku warramay maanta oo Arbaca ah in wiil Soomaali ah oo galay taayarka diyaaradda hostiisa oo ku safray si mucjisa ahna ku nabad tegay kaddib shan saacadood oo diyaaraddu hawada ku jirtay.

Wiilkan oo ah 16 sano jir ah ayaa la sheegay in uu dhashay dalka Soomaaliya, waxaana uu ku sii jeeday dalka Soomaaliya sida ay lee yihiin Saraakiisha ammaanka.

Diyaaradda oo ka soo baxday gobolka California ayaa gaartay gobolka kale ee Maraykanka ee Hawaii, waxaana markii ay degtay la ogaaday in uu ku hoos jirro wiil yar.

Saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta California ayaa la yaabay dhacdadan, waxaa hada la is weydiinayaa sida uu wiilka ku galay

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay wiilka arkeen kaddib markii ay diyaaradda degtay.

Waxaa su’aalo weydiiyay laanta dambibaarista ee Maraykanka oo baaritaan dhanka caafimaadka ah ku sameeyay. Takhaatiirta ayaa sheegtay in caafimaadka wiilkaas uu wanaagsan yahay.

Wiilka oo ilaa hadda macagiisa la sheegin ayaa ka soo cararay gurrigiisa, waxaana uu ka soo booday dayrka gegida diyaaradaha ee San Jose. Wuxu ka soo badbaaday jawiga aadka u qabow ee hawada sare, iyadoo diyaaraddu 12,000 mitir ay hawada u gashay.

Su’aasha sida weyn la isku weydiinaayo ayaa ah garoomada diyaaradaha oo si weyn loo ilaaliyo wixii ka dambeeyay weerarkii 11/sept/2001-da oo ammaankooda lagu bixiyo 80 Bilyan dollar in uu wiil yar uusoo raaco diyaarad waliba hoos galo taayarka hoostiisa.

Taarikhda inta la ogyahay in ka badan 100 ruux ayaa isku dayay inay taayarka diyaaradda hoosta ka galaan, 25 uun ayaa badbaaday oo intooda badanna way dhinteen.

US Teen Stowaway Hawaii


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles