Xisbiga talada haye kulmiye ayaa ilaayo maalintii la aasaasay waxaa uu lahaa hoggaamiye kaliyaa,kaaso kasoo noqday mushaarax keliya,iyo waliiba gudoomiye keliya,waxaana aasaasaha koowaad ka ahaa madaxweynaha maanta taladda haya,isaago ku dhammaaystay ilaa heer madaxweyne wuxuuna runtii lasoo maray maaraxil aad u badan kuwaaso lahaa siffo dhaqaale siyo dhabar adaygnimo kuwo ku salaysnaa xulufaysi aad u balaadhan oo u sammeeyey.Waxaana lagu xasuustaa hoggaamintii madaxweyne siilaanyo ee xisbiga kulmiye inuu ahaa sheikhsi ku wanaagsan mu-caaridaada,isaago dhanka kale doorashaddi ka dhacday dalka sanadkii 2003 inuu kaga tagay cod aad u yar kaaso ahaa 80 cod oo keliya,waxaanay taasi farrin u noqotay in u helo taageero aad xoogan,maadaama oo ku qancay natiijadi doorashadaas.bal aan milicsanno qaabkii ay ururada siyaasadda ee ka qayb galay doorashaddi 2003 ay u kala heelen codadkii lagu kala hadhay Urur-siyaasadeed oo si buuxda uga qayb-qaatay doorashadii goleyaasha degaanka ee sannadkii 2002-dii ka dhacday dalka, kuwaas oo saamiga tiradii codadka ee la dhiibtay ka helay boqolley ah sidan: UDUB 40.8%, KULMIYE 18.9%, UCID 11.2%, SAHAN 10.9%, HORMOOD 9.2% iyo ASAD 9.0%.
Lix sanno ka dib, waxa magaalada Burco ee Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer, 23 August, 2008-dii lagu qabtay Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo lagu doortay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo murshaxii madaxtinimada ee Xisbiga, wakhtiganna ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kudbad uu maalintaas ka jeediyey xidhitaankii Shirkaas oo uga socdey hotelka Plaza ee magaalada Burco, kadib markii loo doortay musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga waxa uu ugu baaqay xisbiga isku duubni iyo inay wadajir uga shaqeeyaan sidii loo raadin lahaa, ama loo raalligelin lahaa, dibna loogu soo celin lahaa musharraxiinta iyo xubnaha xisbiga ee ka maqnaaday shirka Maalintaas, iyaga oo ka cadhooday afduubka uu hoggaamiye siilaanyo ku maroorsaday musharaxnimada xisbiga,waxaana si toosa uga huleelay,rag aad u badan oo miisaan ku lahaa xisbiga dhex-diisa,waxaana laga xusi karaa mujaahid cabdi raxmaan Axmed cali madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland,mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen dhegoweyne,waxaa kale oo ka mid ahaa odayaashi xisbiga kulmiye oo ka cadhooday,hog-hayihii xisbiga kulmiye ee arrimaha dibeda Dr Axmed hussen Ase oo doonaayey inuu la-tar-taammo madaxweyne siilaanyo,balse taasi may suuro gelin,wuxuuna axmed xuseen ciise tilmaamay in ay meesha ka baxday nadaamka ku dayaashada ahaa dimu-quraadiyadda la sheego inay Somaliland ka jirto .
Hoggaamiye siilaanyo ayaa isku dubba riday intaa badan taageero xad aan lahayn isaago isku darsaday nidaamkiisa siyaasi iyo mid qabyaaladeedba waxaana la galay mar-xalad adag taaso ahayd, kadib markii muddo kordhin loo sammeeyey madaxweynihii hore ee somaliland mudane Daahir Riyaal Kaahin,oo lagu xasuusto dul-qaad badni iyo ixtiraan saayid ah akhlaaqad hadal oo aan wali la arag cid hadal ku gaadha,siilaanyo ayaa lasoo baxay o oaf-ka u furtay dhalil saa”id ah ,kaaso u ku duraayo madaxweynihii hore ee Somaliland isaago ku eedeyn jiray musuq-maasuq baahsan oo sheegay inay ka simman yihiin dhamaan waax-yaha dawladda,cadaalad xummo uu tilmaami jiray inay ka jirto dawladda hore,waxaana madaxweyne siilaanyo lagu xasuusta taarikhdiisi mu-caaridnimo,af-xumo aanu u aabo yeeli jirin isaago wax kasta oo maamulkii ka horeeyey ka gaabiyo ama shirci jebin ahaydba inuu balan qaadi jiray inay xaq- u leeyihiin.waxaana ka mid ahaa wax-yaabihii khal-khalka ku abuuray dalka,taageeradii u siilaanyo sheegey in la fuuro ururada siyaasadda iyaado la ogga inuu markii danbe ay ku noqotay laf-dhuun gaashay.
Waxaa kale oo madaxweyne siilaanyo astaan u ahayd khal-khaalin in ay wadanka ka dhacdo diiwaan gelin isaago sheegi jiray in ay tahay khiyaamo qaran,waxaana taasi sababtay in la kala diro,todoobadi xubnood ee koomishanka,waxaanay ku guuleysteen in mar labaad la qabto diiwaan geli kale isaago siilaanyo si weyn ugu xidhnaa koomishanka cusbaa ee la sammeeyey,waxaanay koomishankani ku guuleysteen,inay soo saran natiijada saxda ah.waxaana qabsoontay doorashadii 2010 taaso ay xukumadi hore si niyad sami ah u qabatay,doorashadaas waxaan ku guuleysto xisbiga kulmiye waxaana loogu wareejiyey si niyad sami ah isaago madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin,taarikhda ku galay si hab-samida ahayd ee u wareejiyey,waxaana u madashaas ku dhibco tirsaday madaxweynihii cusbaa ee talada kala wareegaayey isaago xusay in aanu isaagu mu-caaridayn balse u la shaqan doono la soco qaybaha danbe oo aynu kusoo qaadn doono khilaafka hadda taagan ee kulmiye ina dhexeeya muuse biixi iyo siilaanyo ee isku haysaashada musharaxnimadda la soco…
Cabdi casiis Bashiir Nuur