Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dalalka Dariska ah oo albaabada ka xidhay xukuumada Siilaanyo

$
0
0

Waxaan jeclahay in aan ka yar faaloodo arrimaha amaanka oo ayaamahan danbe aad moodo in uu ku yimi shaki ay muujiyeen wadamada jaarka la ah Somaliland, waxana muuqata in ay sii wiiqmayso wada   shaqaynta xaga amaanka ee xukuumadda Siilaanyo iyo Dowladaha  Jaarka la ah Dalka Somaliland.     Run ahaan markii la doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo sannadkii 2010, shacabka Somaliland iyo Dowladaha Somaliland la saaxiibka ah way soo dhaweeyeen, lakiin nasiib daro muddo 6  bilood gudahood ayaa Beesha Caalamka iyo Wadamada Jaarka oo ay Itoobiyo ugu horayso ayaa waxa ay muujiyeen in ay shaki weyn ka qabaan wadashaqaynta arrimaha amaanka Somaliland, iyagoo markaa ku nisbeeyay in ay jiraan Wasiiro Xukuumada Axmed Siilaanyo ka tirsan oo  xidhiidh hoose la leh ururka argagixisada ah ee  AL-Shabaab.

Hadaba, ayaamihii ugu danbeeyay waxaad moodaysaa in uu shakigii jiray soo xoogaysanayo markii qaraxyo ismiidaamin ah laga fuliyay Dalka Jabuuti, baadhitaano  qoto dheer oo ay sameeyeen hay’adaha Sirdoonka ee Jabuuti ayaa waxay ku ogaadeen in laba qof ee qaraxa isku miidaamiyay ay dalka Jabuuti ka soo galeen xadka Somaliland, muddo dhowr iyo labatan cishana ay joogeen Hargeysa, warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaa  Jabuuti ka dhacay ay ka wada hadleen labada dowladood ee Jabuuti iyo Somaliland, Dowlada Jabuutina ka codsatay Somaliland in ay u soo gudbiyaan wixii macluumaad ah ee ay  ka hayaan labadaa qof ee qaraxa isku miidaamiyay.
Waxaa Kale oo jirta in muddo 3 cisha ahba uu xidhan yahay xadkii Somaliland la lahayd Itoobiya, ka dib markii Dowlada Itoobiya ay saluugtay ama ka shakiday  wada shaqaynta Xukuumada Siilaanyo ee arrimaha amaanka, waxa la sheegayaa in saraakiisha ugu sareeya dowlada Itoobiya ee Amaanka ay shir ay yeesheen ku go’aamiyeen in aan la aamini Karin xukuumada Siilaanyo, sidaa darteedna ay ka baqeen in ururada argagixisada sida Al-shabaab ay xadka Somaliland uga soo talaabaan, maadaama kuwii Jabuuti qarxiyayba ay ka talaabeen  xadka Somaliland.
Run ahaan shacab ahaan, shacabka Somaliland markasta waxay diyaar u yihiin in ay nabadgalo kula noolaadaan dowladaha la jaarka ah Somaliland, taasoo Somaliland ku soo caano maashay, lakiin waxaad moodaa in Xukuumada Axmed Siilaanyo siyaaasadii wanaagsanayd ee xaga nabadgalyada ee ay Somaliland kula Nooleed Wadamada Jaarka ah ay ka leexatay, ka dib markii ay xukuumada Siilaanyo madaxa isaga duubeed ama taladeedaba maanta ay gacanta ku hayaan shiqsiyaad shaki weyn laga muujiyay in ay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, arrintaasi siyaasada Somaliland Dhaawac weyn bay ku keenaysaa, Madaxweyne Siilaanyana nin talada dalka gacanta ku haya ma aha, Dowladeeniina  ururo diimeen baa walaaqanaya Illaahay Ha Inoo Sahlo Amuuraha Amiin Amiin.
Mr.  Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles