Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Silaanyo Waxa Lagu Xasuusan Doonaa Madaxweynihii Reer Somaliland iskuwada Diray Ee Kala Qeyb Qeybiyay Ee Weliba Qoyskiisu Ugu Boobka Badnaa.

$
0
0

 

Silaanyo siyaasad waxa uugu horeysay SNM tii. Dabeed odhaah weligeed ba jirtay oo la yidhaa Divid & Rule ayuu istic maalaa. Waagii SNM tii ilaa iminka wuxuu ku shaqeeyaa qeybi oo xukun. Silaanyo waxa lagu xasuusan doonaa madaxweynihii reer Somaliland iskuwada diray ee kala qeyb qeybiyay ee weliba qoyskiisu uugu boobka badnaa. Safaradii dibada ee Xirsi uu u raaci jiray madaxweynaha waa la joojiyay ka dib markii Xirsi qaadan kari waayay sida loola dhaqmo.

 

Xirsi iyo Silaanyo waxa kala fogeeyay Baashe Cawil Morgan oon Xirsi ka xishoonin oo wuxuu doono kula hadla. Morgan hadalo badan ayuu u kala qaaday Xirsi iyo Qoyska si uu isu nacsiiyo. Xirsi mudo dheer madluun buu ahaa oo meel uu ka baxo ayuu la’yay. Hase yeeshee iminka uun buu Xirsi baraarugay oo uu ogaaday in uu if iyo aakhiroba u seegay raali gelinta qoyska Silaanyo. Xirsi oo iminka Cimrada ku maqan ayaa laga yaabaa in uu xilka iska casilo markuu uu soo laabto sababtoo ah wax uu ka shaqeyn kari waayay Morgan oo Silaanyo iyo Amina Weris kool kooliyaan.

 

Silaanyo intaannu safarka u bixin aad buu u sii dar-daarmay laakiin waxay ku xidhantay waxa ay dhakhtaradu u sheegaan oo loo badinayo in ay odhan doonaan ha ka fogaan dhakhtarada ee London ha lagugu xanaaneeyo. Aad baa loo hadal hayaa in aan Silaanyo haduu dalka ku soo laabtana aannu wax badan joogi doonin ee uu London ku noolaan doono inta cimriga uuga hadhay. Suleiman Gaal isagu wuxuu ku noolaa mudadii uu guurtida gudoomiyaha u ahaa magaalada London ee marka Silaanyo ama Kulmiye lagu soo kediyo uun buu dalka ku soo laabtaa. Silaanyo sidaasi uuma suurta geli doonto ee isaga xaal kiisa caafimaad baan u ogolaanayn sida la sheegayo in uu Somaliland ku noolaadaba

Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles