WASIIR CUKUSE WUU CEEBEEYAY DADKA REER SOMALILAND
Anigoo ah muwaadin somaliland ah Marka hore waxan dadka somaliyeed ka tacsiyaynayaa hadal ka soo yeedhay wasiirka Warfaafinta Somaliland maalintii Ciida iyo cibaadada.Wasiirku wuxuu yidhi ” Dadka reer somaliland waxan ka tacsiyaynayaa barnaamij ay kooxda fanaaniinta geeska Afrika u duubay telefishiinka Muqdisho ..”
Hadalkan wasiirku dad badan buu ka yaabiyay, sababtoo ah waxa ka muuqata aqoon darro, aragti gaabi, iyo diktaatooriyad indho beeshay.
1. Aqoon darradu waxay ku jirtaa heesaha iyo fanka adduunkoo dhan baa wadaaga. waxan dhegaysannaa heesihii mohamed wardi, kuwii Micahel jackson, Bob Marley iyo kuwo badan oo kale.
2. Aragti gaabi awgeed , waasiirku wuxuu arki kari waayay inaanu faku lajayn xuduuo lagu xereeyo oo sida xoolaha la kala ceshado..Taageerayaasha fanaaniintu meel kasta ha joogeene codka fanaanka ayay dhegaystaan. Waana dooqa dadka
3. Diktaatooriyad indho beeshay waa taa ku habsatay maamulka uu Cukuse ka mid yahay. Wuxuu isku deyeyaa inuu cabbudhiyo dooqa dadka, waxanu rabaa inuu fanaaniinta iyo taageerayashooda kala ilaaliyo. Weli adduukan hore ugama dhicin, waana wax lagu qoslo.
Willasha iyo gabdhaha codkooda macaan cidina kama qaadi karto. Ilaahaybaa hibo u siiyay iyagaana iska leh. Annaguna aad baan u jecelnahay. Ciddii rabtana dhegahooga lama gacan la saari maayo.
Maalintii Ciidda ee farxadda, Rabbigeenna is cafiya yidhi, ayaa Cukuse cod la garaqn waayay ku ciyay.
Taasina ceeb bay dadkeena u keentay.
Fanaaniintu siyaasiyiin maaha cidna wax kamay sheegin. Haddaba, waxa la garan waayay, wasiirku muxuu naga tacxsiyeeyay?. Hadalkiisaa ah mid runtii dadka somaliyeed meel kasta ay joogaan laga tacsiyeeyo.
Guulwadenimlada intaa leeg waa tii Soomaliyi hore u eedday ee run laysu sheegi waay. Cukusana guulwadaynta ayaa xad kasta dhaafisay, xadhkihiina wuu goostay.
Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca