Maa maah somaliyeed ayaa tidhaahda ( Somalidu ninka ay adhiga raacistiisa kala quustaan ayey Geela u dirsadaan)kaasi waxaa ka dhigan Siilaanyo oo Hogaankii SNM la eryey 1990 markii uu wadi kari waayey ee uu 6 lixsanadood hayey ayey reer somaliland Madaxweyne ka dhigteen.
Xiligii SNM,siilaanyo wuxuu ku maamulayey tabihii iyo khiyaamadii uu ka soo bartay macalinkiisii Siyaad Barre wuxuu sameeyey Qaybi oo xukun,Qabyaalad,Qaraabakiil,Eex,Cadaalad xumo,iyo Musuqmaasuq ,waana tii aakhirkii isaga oo sharaf dilan laga eryey Gudoomiyenimadii SNM.
Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Dahir Rayaale Maalintii uu Siilaanyo xilka ku wareejinayey 27 july 2010 ,wuxuu Siilaanyo ku yidhi( Waxaan kugu wareejinayaa Dal iyo Dad Mida oo wadajira oo gacmaha ishaysta) runtii waa odhaah taariikhda somaliland gashay,taasi waxay inoo cadeyneysaa in Mudane Daahir ogaa kana dheregsanaa afcaasha iyo qaran dumisnimada Siilaanyo la maagan yahay Dalka iyo Dadka.
Hadaba meeyey dalkii iyo dadkii midka ahaa ee Mudane Dahir ku wareejiyey Siilaanyo sowkan dalkii iyo dadkii ka qubanaya Dawga Shiikh,Shacabkuna waxay leeyihiin Siilaanyow Dalkii Shalay Wanaagsanaa Sawkan Kugu Dumay.
Somalilandcitizen