Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Haweenka Hinaasaha badan oo la ogaaday inuu haleelo cudurka maskaxda ku dhaca ee Asaasaqa

$
0
0

Haweenka murugada iyo hinaasuhu aadka ugu badan yahay, ayaa la caddeeyey in markay weynadaan ay asiibaan xannuunnada maskaxda ku dhaca, gaar ahaan cudurka asaasaqa loo yaqaan ee keena in qofku carruuroobo amma waxba kala garan waayo sida lagu muujiyey daraasad lagu tijaabiyey boqollaal dumar ah oo u dhashay waddanka Ingiriiska.

Khubarada cilmi-baadhistan diyaariyey waxa ay sheegeen in tirada dadka maskaxdoodu shaqada gabto kor u sii kacayso waqtigan, kuwa khatarta badan ugu jiraanna yihiin haweenka aan xaalad ahaan deggnayn ee murugada badan.

Sidoo kale, cilmi-baadhayaashu waxa ay tibaaxeen in dad ka badan 800,000 qof oo Ingiriiska ah qabaan xannuunka asaasaqa, iyadoo la sadaalinayo in sannadka 2050 uu cudurkaasi ku dhaco 44 milyan ruux oo ku nool dalkaas.Cilmi-baadhistan oo lagubaadhay 800 haween ah oo ku jira da’da u dhexaysa 30, 40 iyo 50 jir, kuwaasoo wax laga waydiiyey dabeecadahooda, halka cadhadoodu taagan tahay, heerka hinaasahoodu gaadhsiisan yahay, inay si dhaqso ah u murugoodaan, in shaqadu culays badan ku hayso iyo in ay guriga ku dhibtoodaan, waxana su’aalahaas lagu celcelinayey 5 sannadood oo xidhiidh ah.Markii ay dhammaatay daraasaddan oo socotay muddo 38 sannadood ah, waxa la ogaaday in 153 haweenkaas ka mid ah xannuunka asaasaqu haleelay, kuwaas oo la xaqiijiyey inay yihiin kuwa murugadoodu aadka u badan tahay.“Cilmi-badhayaasha asaasaqa wax ka eegaa waxay inta badan soo qaataan arrimaha waxbarashada, wadnaha iyo dhiigga oo ay sheegaan inay khatar ugu jiraan amma hidde ahaan in qofku qaado asaasaqa, laakiin waxa la bayaamiyey in shaqsiyadda qofku masuul ka tahay xannunkaas, gaar ahaan dabeecaddiisa.” Sidaa waxa tidhi Lena Johnnsson oo cilmi-baadhistan hoggaaminaysay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Latest Images

Trending Articles