Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Xog Harowonews heshay Iyo Safarkii Xirsi tooriile ku yimid Boorama + Qorshe Saylac Loogu….

$
0
0

Kiiskaa dilku  wuxu  naga hortaaganyahay qorshihii aan Saylac ka gali lahayn. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

 

Wasiirka madaxtooyada s/land Xirsi ayaa safar lama filaan ah todobaadkii hore ku yimid magaalada Borama.safarka wasiirka ayaa  daarnaa ujeeddo qarsoon oo la xidhiidha dilkii ka dhacay degmada xariirad,islamarkaasina  u muuqday mid qorshaysan oo loogu soo doc fadhiistay beesha Xariirad ee  laga dilay ninka, kaasoo arimo kale oo durugsanna loogu sii  gogol-xaadhayo.

Wasiirka ayaa waxa ka soo horeeyay masuul sare oo ku nool dalka Jabuuti oo kasoo jeeda beesha ninka laga dilay oo lagu magacaabo Kaaliis oo ay madaxweynaha dalka Jabuuti aad iskugu dhawyihiin.

Sida ay sheegayaan xogo hoose oo aanu helnay  Intii uu xirsi ku sugnaa magaalada ayaa waxa uu kulan la qaatay suldaanka cusub ee beelaha Jibriil yoonis suldaan Abiib oo uu ku qanciyay in arintii degmada xariirad lasoo afjaro oo odayaasha kasoo jeeda beesha ciise eek u xidhan Boramana lasii daayo.

Intaasi ka dib waxa kulan hoose wada yeeshay mid kamid ah Qurbejoogga kasoo jeeda beesha ninka laga dilay oo lagu magacaabo Kaaliis ,suldaan wabar  iyo dhawr  oday oo kale oo isla beesha ninka laga dilay kasoo jeeda, kulankani oo ka dhacay Guri uu leeyahay Kaaliis oo ku yaalla woqoyiga magalada Borama ayaa waxa kale oo goobjoog ka ahaa sida ay Harowo xogtaasi ku heshay suldaan Dhawal, Suldaan Samatar iyo sheekh c/laahi sheekh cali Jawhar, markii arinta losoo bandhigay sheekha iyo labada  suldaan ee kale ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in mar haddii beesha ninka laga  dilay arintaasi qaadatay oo ay ku qanacday in odayaasha lasii daayo magtana lasiiyo beeshii ninka laga dilay ay  ku taageersan yihiin oo ay soo dhawaynayaan .

Intii uu kulankani socday waxa ay isku afgarteen masuuliyiintani In odayaasha  kasoo jeeda beesha ciise si dhakhso ah loosiidaayo,lakin waxa arintaasi ka biyo diiday oday dhaqameed kale iyo dhalinyaro badan ay isku hayb yihiin beesha ninka laga dilay oo iyaku go’aan ku gaadhay in haddii lasii daayo odayaashaas masuuliyadooda ay dusha ku qaadan doonaan ciddii damiinka kanoqotay,waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in suldaan wabar iyo dhalinyar diidan go’aanka uu suldaanku qaatay hadalo kulul oo ku  saabsan arintan iswaydaarsadeen taasina waa ta keentay in suldaan wabar ka maqnaadoo shirkii salaadiinta iyo badhasaabku doraad ku yeesheen magaalada Borama ee looga hadlayay munaasibadda 18may.

Soo af jaridda iyo  siidaynta odayaashan ayaa sidoo kale waxa daaha dabadiisa ka hagay qaar kamid ah ganacsatada Gobolka Awdal oo uu ugu tunwayn yahay ganacsade lagu magacaabo cabdi xasan oo tan iyo markii lasoo xidhay odayaasha beesha ciise u taagnaa siidaynta odayaashan  sidaana waxa Harowo u xaqiijay masuuliyiin xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacaantooda la xuso.

Sida lawada ogasoon yahay beesha ninka laga dilay dacwad lama aysan hor tagin maamulka Gobolka iyo kan S/land lakin waxa odayaashan soo xidhay xukuumadda oo bixisay amarka soo qabashada Odayaashan iyadoo markaasi danaynaysa ammaankooda,waxana ay dadbadani sheegayaan inay xukuumaddu shaadh kale u xidhayso arinta degmada xariirad mar haddii odayaasha amarka xukuumadda ku xidhan loo turjumayo inay ku xidhan yihiin codsiga beesha ninka laga dilay ee Reer Dudub.

Iskusoo wada duuboo xukuumadda ayaa u muuqata mid ka caga jiidaysa soo qabashada gacanku dhiiglihii dilka ka gaystay duleedka degmada xariirad taasina waxa markhaati cad u ah ballan qaadyadii ay samaysay oo illaa hadda aynan fulin,Beesha kale ee ninka laga dilay ayaa aaminsan dhankeeda inay xukuumaddu u xaglinayso beesha ciise oo ay cabudhinayso beesha Reer Dudub ee ninka laga dilay ,sidoo kale waxa ay dhaliilsan yihiin qolqoljooga reer Dudub in Qurbejooggoodu noqday mid dhagaha ka furaystay meesha ay saldhigtay xaaladda Gobolka salal gaar ahaan degmada xariirad.

Masuul aad ugu dhaw dhaw wasiirka Madaxtooyada Xirsi tooriile ayaa noo xaqiijiyay in Magtu tahay talaabada koowaad, talaabada ku xigtina ay tahay sidii loo bilaabi lahaa dhaq-dhaqaaqii golaha degaanka Saylac oo istaagay sidii dilku u dhacay.  Markaa masuulkan ayaa noo sheegay sababta ay madaxtoyadu u danaynayso in reer Dudub uu magta qaato ay tahay mid siyaasado kale hagayaan, meesha loo socdaana aanay ahayn xalka labada reer ee reer Dudub iyo Ciise, balse ay tahay golihii degaanka Saylac iyo Maayerka oo dib loo istaadho.

Wuxu intaa noogu daray in dib loo soo celinayo xubnihii iscasilay, marka la dhaariyana la keeni doono mooshin laga soo shaqeeyay oo kharash badani ku baxo. Balse inta aan halkaa la gaadhin la samaynayo arimo badan oo kale oo gogol xaadh ah oo labada beelood ee Ciise iyo Samaroon la iskugu soo dhaweynayo, khaasatan odayaashooda dhaqanka. Sida ciise maayer ku noqonayina ay noqoto mid laga soo shaqeeyay oo odayada Samaroon raalli ka yihiin.

Markaa masuulkan noo waramay wuxu leeyahay wasiirku wuxu yiri: Kiiskaa dilku  wuxu  naga hortaaganyahay qorshihii aan Saylac ka gali lahayn !!

Harowo Desk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613