Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maamulka Faroole oo cadaawad weyn muujiyay

$
0
0

Maamulka Faroole oo isku markhaati furey ” cabashadii ay DF ka sheeganayeen oo beenowday”

Dadka Soomaaliyeed waa dadyoow ka mid ah bulshadda Caalamka kuwoodda ugu saboolsan , Guud ahaad dalka Soomaaliyana waxaa ku dhaqan dad dan’yar ah , kuwaas oo aad ugu tabaalaysan dalkooda , unna baahan gar-gaaro loo fidiyo , Dalka Soomaaliya waa dal aan muddo dawlad lahayn sidaas darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in Soomaalidda danyarta ahi ay ka dhur-sugaan kaalmooyin uga yimaadda Bannaanka.

Deeqdu ay keenaan dalka Soomaaliya hay’addaha Ajaanibta ahi waa tu aan saamayn ku lahayn Siyaasadda dalka Soomaaliya ee inta badan ay is-haystaan siyaasiyiinta danahoodda ka duula , shacabka Soomaaliyeedna ku beer-laxoowsadda Qabyaaladda .

Iyadda oo ay jirto Baahidda Dan’yarta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan goboladda dalka Soomaaliya , ayaa maanta waxaa dhacday in MGPL Madaxdiisu is-hortaagaan Deeq raashin ah oo loo wadday Dagmooyin ka tirsan Goboladda Bari , Sool iyo Mudug Deeqdaas oo ka timi dalka Turkiga isla markaana ay wadday BISHA-CAS ee dalka Turkigu.

Markabka deeqda siday ayaa socodkaan ka soo safray Dakadda Magaaladda Muqdisho ee caasumadda dalka Soomaaliya , Halkaas (Muqdisho) oo uu horay usoo dhigay deeq Raashin ah , haatana uu wadday Qayb dawladda Soomaaliya usoo qoondaysay Dagmooyinka Isku-shuban , Taleex , iyo Galdogob.

Madaxda Maamulka Puntland ee ku dhawaaqay Mamnuucidda in deeqdaas la gaarsiiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaanadda dawladda Soomaaliya u soo dirtay ayaa iska- hor-istaagoodda ku macneeyey in deeqdaas Raashinka ah ee dawladda Soomaaliya danyarta usoo dirtay ay tahay tu siyaasaddaysan , sidaas darteeddna waa siday dhaheene , aysan Puntland ogolaanayn in dakaddeeda deeq looga soo dajiyo danyarta Puntland , Deeqdaas oo ka timi dawladda Soomaaliya.

Deeq iyo Siyaasad

Waxaa tu la yaab leh ah in Madaxda Maamulka Puntland dadka Reer Puntland ee Saboolka ah ka hor-joogsaddaan Deeqda uga timi dibadda , aynna isku gudubkooda ku fasiraan deeqdu waa siyaasaddaysnayn , Bal aan iswayddiinee maxaa deeq iyo Siyaasad iska galay ? Puntland saw dalka Soomaaliya kama mid ah miyay tahay Sida Somaliland tu gooni isu taag sheegatay ?

Dhinaca kale Maamulka Puntland waxa uu ku celceliyaa in dawladda Soomaaliya ay la gees martay deeqaha ka yimaadda Bannaanka dadka Reer Puntland , Haddaba is-horjoogsigaan Maanta ka dhacay Puntland waxa uu muujinayaa in Puntland aysan jirin deeq dawladda Soomaaliya la hareer martay Puntland.

Waxaynnu ku sheegi karaa in Madaxda Maamulka Puntland ficilkooddu yahay mid ku dhisan waa in aan kala illaalino dadka Puntland iyo dawladda Soomaaliya oo ay Reer Puntland ka qayb yihiin , Marka hore Madaxda Puntland waxay ku dhawaaqayaan in Deeqdi Soomaaliya qaybtayadda kama hellin oo Muqdisho ayaa muudsatay saamigi Reer Puntland ku lahaayeen , Halka Goorti dawladda Soomaaliya usii dirtay dib looga celiyey.

Bal aan Iswayddiine Maxaa kala galay Siyaasadda laysku haysto iyo deeqda Danyarta loo keenaayo , Aqriyoow sow ma ahan tu lala facajo in deeq la yiraahdo dan ayaa laga lahaa , Maxay tahay danta laga yeelan karo deeq dad aan waxba haysan la soo gaarsiiyey ?

Waa ayaan-darro wayn in Madaxda Puntland oo ah kuwo dhaqaalaystay awooddana baahiddooda in ay xaliyaan ay iska hortaagaan Dan-yarta ku tabaalaysan Isku-shuban , Galdogob , iyo Taleex deeqda Dawladda Turki-gu usoo dirtay.

Waa fal ka baxsan Bini’aadamnimadda , marnaba ma yeelan karo qiil loogu riyaaqo qof is-hortaag ku sameeyey Macaawino loo waday dad duruufaysan oo u baahan in Gar-gaar u yimaaddo Alle Ayaa gar-gaar sarayntiis u sugnaatey.

Madax Maamul hoggaamisaa in ay dadkooda deeqaha ka horjoogsaddaan waa tu aan laga filayn , Waase tan dhacday in Madaxwayne Faroole iyo inta ku hareeraysani ay isla soo taagaan dib nooga celiya Deeqdaas Sababta ugu waynnina tahay Muqdisho ayay ku soo horaysay Deeqdu iyo Deegaano Gaar ah ayaa loo wadday, Hay’adda Deeqda bixisay saw deegaan Gaar ah umma Cayimi karto Deeqda ay bixinayso ? Haa , Waana mid dhacda inta Badan oo Mashaariic iyo deeqo dhinacyo badan leh ayay hay’adduhu geeyaan deegaano Gaar ah iyaga oo kolkaas garta sababta ay u gaynayaan , ama ka soo jawaaba Baaq codsi ah oo uga yimi dadka Deegaanka ama NGO ka jira deegaanaddaas sida Gaar ah loogu xusay deeqda oo mashaariic wax qabad hay’addu ku garab gashay.

Waxaa mid cad ah in aan deeq bini’aadamnimo aan sinaba loo siyaasaddayn karin , qofka baahan isaga waxa uu u haaban yahay deeq la gaarsiiyo si uu innahaas yar ee kaalmadda shisheeye ah ugu xaliyo in kooban baahiddiisa salka balaaran , Hay’adda deeqda Bixiya waxaa ka reeban in raashinka iyo agabka kale ee ay sidaan unna sidaan qofka dhiban in aan la dhex qaadsiin karin marnaba Siyaasadda

Af-meerid

Ugu dambayntii Dhacdadaanu waxay caddaynaysaa in Madaxda Maamulka Puntland haatan hoggaamiyaa aysan waxba ka jirin dhawaaqyaddooda ah dadkayaga Reer Puntland ayaan usoo dhicinaynaa deeqaha Caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo inta ay ku leeyihiin , Waxaana waxba kama jiraan ku tilmaamaaya dhawaaqaas loogu soo gabaddo danaha shakhsiyeysan dib u celinta maanta lagu sameeyey Markabki siday deeqdi Raashinka ahayd .

Waxaa ku dhaboobaaya Haddaa maxay la cowdaan Madaxda Puntland oo u leeyihiin Deeq ayaa la garab marsiiyey dadkayaga ? Haddii Maanta danyarti laga horjoogsaday deeqdi loo wadday saw ma oran karo , Madaxda Puntland malaha waxay ka arkeen in deeqdu ku dhacayso Gacmo dadka kale oo aan Maamulka Puntland ka tirsanayn sidaas darteedna aan iyaga danni ugu jirin .

Falkaan ay ku keceen Madaxda Puntland waxa uu muujinayaa sida ay ugu tigri-falayaan Masuuliyadda ay u hayaan shacabka Puntland , waana dhacdo tilmaamaysa Masuuliyad darradda iyo kasmo gaabnidda Madax Puntland xilligaan ka arrimisa , waa dulmi si bareer ah ay Madaxda Puntland ugu gaysteen Danyarta Reer Puntland.

W/Q: Idiris A Dooxajoog

Dooxajoog5@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles