Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maqaal: Ma Goor La Isu Muuqdo Baynnu Joognaa???……

$
0
0

Maqaal: Ma Goor La Isu Muuqdo Baynnu Joognaa???……

Madaxda,aqoonyahanka,maalqabeenka,culimada iyo beelaha Dhulbahante iyagaa isu muuqda,waxayna indhaha ka laliyaan dareenka iyo rabitaanka dadka,dalka iyo diinta iyaga oo xeerinaya dano qofeed,kooxeed amma beeleed.   Arrintaasi waxay sahashey,horseeday in dadkii la xasuuqo oo ay si arxan daran u dhintaan,in qaar badan loo geystey dhaawacyo aad u ba’an,in qaar kale ay xabsiyada Mujrimiinta SNM buux dhaafiyeen,in qaar badan oo kale laga qixiyey degaankii Allah ugu deeqay. Qaar kale oo tiro beelay lagu sameeyey dal riix oo ay maanta la’yihiin meel ay istaagan. Sidoo kale qaar badan baa laga moora duugey waxay maal iyo mood haysteen oo maanta caydh ah,in badan oo kale waa la qixiyey oo xeryaha dunida mid aysan ku jrin lama arag,in badan kufsi iyo tacaddiyo aan loo midaan deyin baa loo geystey. Talo xumadaas waxay keentay in dalkii maalinba cad la soo goosto iyo in dadkii ay la’yihiin meel ay Allah si nabad ah ugu caabudaan.
Waxaan filayey in loo aaro intaas oo dhan,waxaan filayey in sida Mau,Mau-ga Kenya la soo dhiciyo maamuuskii,milgihii iyo dhaymadii dadkeenii ay xasuuqooda iyo barakicintooda ay iska kaashadeen dalalka Ingiriis,Talyaani,Amxaaro iyo shisheeye kalkaal Somali ah.
Macluumaad badan oo khusaysa Daraawiish boggan ka daalaco.
Boggan waxaad ka helaysaan magacyada madaxdii Ingiriis ee gudaha ka hagaysey wixii dhib loo geystey dadkeenna,dalkeenna iyo diinteenna.
Bogagan hoose oo idil waxaa ku jira macluumaad tilmaamaya sidii shiciba Kenya uga midho dhaliyeen soo dhicinta xuquuqdii ay garta iyo xaqqa ula haayeen inta ka nool geesiyadii iyo wixii waraso ka hadhay intii ka dhimatay

http://www.businessdailyafrica.com/Mau-Mau-UK-lawyers-to-be-paid-Sh780-million/-/539546/1874494/-/xgg629/-/index.html

Halganka Mau Mau 8 sano keliya buu socdey,halka kii Daraawiishtu socdey 21 sano.  U dareen yeesha sida dad uga hadhsan waayey 8 sano,dadna u hilmaamay u hagraday u xaqqiray u quudhsaday 21 sano dhibtii loo geystey.
Waxaa weli iga dahsoon,beesha,kooxda iyo ruuxa ka badbaadi doona gumaysiga soo siqaya. Degaanka iyo beesha qabta in FURUNTU ka fogtahay,waxay ka fogaataa waa maalmo tirsan.  Markii laga diiri waayey oo laga diriri waayey qabsigii Yagoori, kii Laascaanood baa xigey. Markii laga damqan waayey qabsigii Laascaanood kii Xuddun baa xigey. Markay sidaas ku socoto Xuddun,Taleex baa xigi doonta. Markay Taleex gacan gasho,Boocame waa gacanta xigta. Markay Boocame tagto, Saaxdheer baa ku daba jirta. Markay Saaxdheer talo wareegto,saw Widhwidh iyo Buuhoodle jeerka xiga maaha.
Tolnimo dhab ah Talo midaysan hurid maal,naf,aqoon,khibrad,waqti,juhdi,dulqaad iyo daacadnimo keliya ayaa dhammaanteen inaka wada badbaadin karta,GUN-NIMADA ASAAGEEN inoo ku talogalay.
Somalidu waxay dhahdaa Oodo Dhamaceed siday u kala sokeeyaan amma u kala sarreyaan baa loo kala guraa. Waxay kale oo ay tiraahdaa tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Dhulbahante waa inuu marka hore iska xoreeyaa cadowga guunka ah ee ilaa Ingiriis ku soo siqayey degaanka ,inta dhimanna tab iyo xeelad ula booca ugu tukubaya. Jeerka xiga waa in Dhulbahante Harti isla baadi doonaa,jeerka xiga Daarood,jeerka xiga Somali, waa dawr iyo meeqaam ku bannaan,laga sugayo,isna ka maaarmin loogana maarmin.
Somaalidu waxay ku maahmaahdaa Fiqi bahdii kama Janna tago,waayo aakhirka waxaad baxdaa wixii tolkaa baxo. Gobanimo hadday gobyihiin,gunnimo hadday gunyihiin,waxaad la wadaagtaa haybad,ladnaan,nabad,nolol,dereg iyo dun kay ku jiraan.

M.  Burale..

 

Khaatumo State of Somalia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles