Tan iyo markii ay midoobeen dalalka reer Yurub isla markaana la baxeen magaca EU, waxay xoogga saareen sidii ay u sameysan lahaayeen lacag ay ku mideysan yihiin iyo sharci ka wada dhaxeeya.
Dalalka EU waxay sameysteen lacag loo bixiyay Euro, iyo sharci mideysan oo xaddidaya dadka socotada ah ee magangelyada raadinaya, kuwaasoo ka soo tallaabaya qaaradaha Africa, Asia, iyo dunida carabta qaarkood.
Sannadkii 2000, dalalka EU amma Midowga Yurub waxay gaareen heshiis loogu magacdaray Geneva Convition oo la xiriira xaddidaadda dadka bilaa sharciga ah. Ka dib markii ay dhaqangeliyeen heshiiskaasi ayaa waxay haddana ku heshiiyeen inay sameystaan sharci ku saabsan dhaqaalaha, iyagoo sameystay lacagta Euro.
Heshiiskaasi dhanka dhaqaalaha dalal badan ayaa ka soo gaaray dhaqaale burbur, waxaana ka mid ah dalalkaasi Italy, Greece, Holland, Spain iyo dalal kale, kuwaasoo xaaladooda dhaqaale lagu sifeyn karo inuu burburay ammaba la oran karo inay musalifeen.
Dalalka aan lacagtooda Euroda darteed u burburin waxaa ka mid ah Norway, Britain, iyo Swedden waxay yihiin kuwo ka badbaaday dhaqaale burbur, waxaana ay yihiin kuwa ugu horreeya dhanka dhaqaale siinta dadka qaxootiga waxaana dalalkaasi ay kaalimaha ugu horreeya ka gaalaan marka qiimeynta lagu sameynayo qaxootiga iyo sida ay ugu nool yihiin wadamada ay magangelyada ka haystaan.
Hadaba dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, dalalka Jarmalka, Greece iyo France waxaa ka dhacayay dibadbaxyo ay dadku kaga cabanayeen shaqo la’aan soo wajahday muwaadiniinta u dhashay wadamadaasi.
Dalalka Italy iyo Greece waxaa la sheegay inay amaahyo badan ka galeen dalalka Yurub iyo Bankiyo caalami ah, kuwaasoo ah kuwo ka wada dhaxeeya dalalka Midowga Yurub.
Wadamada qaarkood, sida Greece, marka ay ka wadahadlayaan arrimaha dhaqaalaha waxaa kulan deg deg ah yeesha xukuumadooda iyagoo u nisbeeya ammaahda badan iyo dhaqaale burburka lacagohoodii oo ay ku bedeleen Euro-da.
Waxaa kaloo ay eedsadaan in ku biirista ay ku biireen Midowga Yurub ay qeyb weyn ka tahay dhaqaale burburka soo gaaray.
Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale ka mid ah wadamada ka shalaysan burburinta lacagohooda. Talyaaniga oo ku caan baxay lacagta loo yaqaan Liirada oo isticmaalkeedu uu hoos u dhacay, bedelkeedana dadku ay isticmaalaan lacagta Euro-da.
Si kastaba ha ahaatee, wadamada dhaqaale darridu saameysay ee reer Yurub waxay haatan baadigoob ugu jiraan qaababkii ay uga samatibixi lahaayeen hoos u dhaca dhaqaale ee ay ka soo kaban la’yihiin.