Waxa aynu dooranay dawlad min Madaxweyne ilaa Gole Degaan, waxa hal ku dhig inoo ah inaynu qabyaaladda kaga baxno. Haddaba waxa Madaxweynihii aynu dooranay baal maray dastuurkii isagoo albaab iyo daaqaddaba ka xidhay ciddi ummaddani dooratay ha ahaadaan Golaha wax ma tarka ah ee Wakiilada iyo kuwa deegaanka.
Waxa uu qaatay fikir Xirsi ka dambeeyo oo ku salaysan siyaasaddii isticmaarka ee qaybi oo xukun. Reer walba laba garab oo Suldaano is boqray ah aan la shaqayno kolba mid aynu garab taabano. Bal waxa xukuumaddu ina leedahay dalka 3 Gole ayaa dastuurku oggolyahay, haddana hawl kast oo siyaasi ah waxay isticmaalaysa Gole aan seddexda midna ahyn oo ah Salaadiin anan waxba ka sheegeyn oon soonkeyga u naxaayo bal se ummaddu taqaan waxa dhaqaajiya iyo mabdaooda oo hore ayuu siilanyo u sheegay waxay yihiin. WAxaana loo doortay inuu ka furfuro awoodo aan sharciga ku dhisnayn ee loo isticmaalay salaadiinta, waa se ayaan darro oo isagaa ka badiyey xukuumadihii hore.
Siyaasiinta waaweyn, iyo aqoonyahanka ku jira Golaha Wadatashiga ayuu ka door bidey Salaadiin aynu naqaan aqoontooda iyo fikirkooda. Taas waxa ka daran kala qaybintooda iyo isku dirkooda. Shalay Xirsi waxuu xabsiga dhigey oo uu ka dhigey dambiile Boqor Buurmadow, maantana kolka Salaadiintii Habar Jeclo ay ku yidhaahdeen waar dalka dhibta ka daa oo h hadal una dhaqan sida massuul, ayuu u yeedhay Boqor Boormadow oo isna aynu garanaynu sida uu ku hawl galo. Waxa sidoo kale uu soo dhaweeyey nin kale oo isna dhawaan uu xabsiga ka soo daayey waa boqor kale waa boqor Raabi, isna waxa loo sameystay kolkii Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Cabdiqaadir uu kaalin muuqta oo xaq ah iska tagay arrinta Golaha Wadatashiga.
Waxa aynu aragnaa waxa ku dhacay Suldaankii Toljecle, koluu u gacan galay Xirsi oo uu baal maray taladii reerka. WAxa maanta dalkii loo gacan galiyey Salaadiin qabiil iyo gacan fidsan oo hoos u taala ku shaqaysta. Waxa ayaan darro ah in waxaas oo jhira Golaha Wakiiladu ayna juuq odhan. Waxaan ummadda ugu baaqayaa in banaan bax iyo canbaareyn lagu sameeyo Golahan Wax ma tarka ah.
Taarikhana u galiya inay yihiin duulka jabiyey Soomaliland, maalintay inoo timaadana yaan nin ka soo noqon.
Intaas horteed aan toosin qof nool lagama quustee. Bal aan ku baraarajuno inay diidaan ansixinta Wasiiradan tirada badan ee aqoonta yar ee khrashka badan. Taas aynu ku eegno.
Waar qabiil ayaan la dagaalamayaa oon dhibtiisa ka cabanayaa iyo talada dalku waxay ka go’daa Salaadiinta Madaxweyne isma qabtaan ee dib u xusuuso dhaartii aad gashay ee ahayd inaad ilaaliso ood daafacdo dastuurka, sinaanta bulshada, cadaaladda. Ka daa ummadaada qaybtin adoo midnimadooda heli kara.
Waan kuu duceeya Madaxweyne,
Cabdi Xaji Axmed