SIDAN MIYAY KU HABOON TAHAY MISE WAX DHAAMA AYAAN LA HELAYN ?
Maalmaha soo socdaa ayaa la filayaa inuu madaxweyne siilaanyo uu booqasho ku tago magaalada madaxda G/Awdal ee Boorama , waa markii sedexaad mudo sedex sano oo uu madaxweyne siilaanyo hayay talada Somaliland .
Markii ugu horaysay ayaa ahayd xili uu ka qayb galay xafladii qalin jabintii ladkii 10 aad ee ka baxa jaamacada camuud 27/jully/2011.
Xilagaa labaad ayaa ahaa markii ay soo dhawayd doorashooyinka golaha degaanka somaliland si uu ugu oleleeyo xisbigiisa kulmiye isagoo xiligaaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal iyo Selel sida :siiyaasiinta , aqoonyahanada , haweenka , dhalinyarada iyo culumada diinta ee G/Awdal .
Dhamaan qaybaha kala duwan ee reer Awdal ayaa xiligaas kala hadlay madaxweyne siilaanyo arimaha awood qaybsiga xilalka dawlada isagoo xiligaas balan qaaday inuu wax ka badal samayn doono , balse waxaa iska cadaatay in marka arinkaa lagala hadlo uu madaxweyne siilaanyo u qaato shakhsiyaadka noo kala badal , taasi oo macneheedu yahay inaanu waxba soo kordhin balse uu shakhsiyaad kala badalo.
Hadaba waxaa iswaydiin leh waa maxay qorshaha madaxweyne siilaanyo uu la hortagi doono shacabka reer awdal iyo waliba ardayda uu kala qayb gali doono xaflada qalin jabinta ee jaamacada camuud oo noqonayso dufcadii 12 aad ahna dufcadii ugu badnayd ee ka baxda jaamacada camuud iyadoo ay ka qalin jabin doonaan ilaa 500 oo arday kuwaas oo iskugu qaybaha kala duwan ee somalida sida somaliland , puntland , bartamaha iyo koonfurta soomaaliya , arinta kale ee xiisaha leh ayaa ah inay sanadkan qalin jabin doonaan kuliyadihii ugu badnaa kuwaas oo iskugu jira kuliyado muhiim u ah bulshada qaybaheeda kala duwan , engineeringka , beeraha, caafimaadka maamulka iyo maaraynta ganacsiga , waxbarashada , dhaqaalaha culuumta computerka iwm.
Si kastaba ha noqotee inta badan dhalinyarada ka qalin jabisa guud ahaan jaamacadaha somaliland ayaa ah kuwo dhalasho ahaan ka soo jeedaa somaliland , iyagoo inta badana waajaha xaalad adag oo shaqo la’aan ah mudo badan ku qaadata sidii ay shaqo u heli lahaayeen iyadoo mararka qaar gaadha inay ku qaadato mudo 5 sano ah.
Arinta ayaa ah mid niyad jab badan ku riday dhalinyarada reer somaliland iyagoo si weyn isku waydiiya waxay ka faa’ideen waxbarashadii ay mudada badan soo wadeen.
Hadaba waxaa iswaydiin leh maxaa keenay inay dhalintii wadanka iska lahayd ay noqdaan kuwo banaanka ka taagan shaqooyinka. Su’aasha ayaa ah mid u baahan in si qoto dheer looga hadlo.
ILAHA SHAQO EE SOMALILAND YAALA
- Dawlada qaybaheeda kala duwan.
- Hay’adaha samafalka oo iskugu jira maxali , caalami, iyo kuwa qaramada midoobay
- Shirkadaha gaarka loo leeyahay .
QAABKEE AYAY U XUSHAAN SHAQAALAHA ?
- 1. Dawlada qaybaheeda kala duwan
Dawlada waxay ka kooban tahay ilaa 3 qaybood o kala ah :
1.xukuumada( madaxweynaha/kuxigeenkiisa , golaha wasiirada iyo hay’adaha dawlada hoos taga )
2. baarlamaanka ( guurtida iyo wakiilada)
3. Garsoorka ( maxkamada rafcaanka , maxkamada sare iyo maxkamada dastuuriga ah )
Dhamaan waaxyahay aan kor ku soo xusnay midkoodna ma laha hanaan siyaasadeed oo cad iyo nidaam ay u qaataan shaqaalaha wadada kaliya ee lagu xushaana ay tahay iyadoo loo fiirinayo aqoonta aad u leedahay qofka madaxa ka ah xafiiska iyo inta uu qaraabo ama asxaab la yahay .
Tusaale ahaan markaad rabto inaad shaqo ka dalbato mid ka mid ah wasaaradaha dawlada waxaa ugu horeeya ee aad u baahato ayaa noqonaya inaad hesho wadadii aad kula kulmi lahayd masuulka xafiiska adigoo u sii mara qof ay qarraabo yihiin , ama qof ay asxbt yihiin intaas midna hadii aanad hayn way adag tahay in aad hesho wadadeedda.
Nidaamka la isku shaqaalaysiyo guud ahaan dawlada ayaa ah mid ku salaysan 95% hab qabiil , waxaad arkaysaa in wasaarad kasta ay ugu badan yihiin shaqsiyaad la qaraabaha wasiirka wasaaradaas jooga ama ugu yaraan agaasimaha guud ,
taasi oo keentay inay meesha ka baxdo cadaaladii iyo fursadihii shaqo ee loo sinaa.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in inta badan shaqaalaha habkaa lagu xushaa ay yihiin kuwa aan aqoon iyo waayo aragnimo midna lahayn isla markaana aan waxba ka fahansanayn hanaanka uu u shaqeeyo xafiiska ay joogaan iyadoo dadkii ehelka u ahaana ay banaanka ka joogaan .
Waxaa intaas oo dhan ka daran inay jiraan dad badan oo ka shaqeeya in ka badan 1 wasaarad taasi oo ah mid muujinaysa sida badheedhka ee loogu kala eexday bulshadii wadanka daganayd waxaad arkaysaa qof u xaadira mushaarka 2 ilaa 3 wasaaradood iyadoo mararka qaarna ay dhacdo inaanu midkoodna ka soo xaadirin, halka kuwa kalena ayna haysan meel xataa ay nolol maalmeedkooda ka xoogsadaan, saamaynta arintan ayaa ah mid haysata 6 gobol ee somaliland .
Sida aan la socono waxay dawladu shaacisay sanadkan horaankiisa markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen miisaaniyada qaranka inay dawladu markii ugu horaysay ay qaadanayso shaqaale dhan 1500 oo heer jaamacadeed ah , su’aashu waxay tahay halkee ayay ku dambeeyeen balse ma jiraa qof arkay meel lagu kala saarayo shaqaalaha iyo meel imtixaan looga qaaday intaas oo dhan maaha wax jira taasi waxay cadayn u tahay in wxii yaraa ee soo baxaa shakhsiyaadka meesha jooga ay kala boobaan.
Iyadoo waxaas oo dhami jiraan ayaa hadana waxaa jira tacadiyo loo gaysto shaqaalaha sida khaldan loo xushay iyadoo………………………………………………………………………..
lasoco qaybaha dambe……………………………….
BY Ahmed Bashiir Hassan
Mogadisho , Somalia
basherhasan@gmail.com