Cabdisamad Cali Shire Miyuu ka soo Goostay Puntland-ta Dumaysa? Mise waxa uu Taleex u yimi inuu Shacabka Khaatumo kala qeybiyo. Labadaa waa mid.
Waxaynu qormadan ku eegi doonnaa sababaha ka dambeeya in beelo yaryari ay ugu soo hanqal taagaan boobka shacabka Khaatumo, Puntland waxaynu ka doonayney iyo waxa aynu ka helnay, Khaatumo iyo midnimadeenna waxa inoogu qabsoomay, iyo ujeeddooyinka safarka faashilka ah, naf la caariga ah, ee Ina Cali Shire ku yimi Taleex.
Shacabka Khaatumo waxaa lagu qiyaasaa in tiradeedu tahay 5.5 malyuun (shan malyuun iyo badh) oo qof. 4 malyuun waxay ku nooshahay gudaha, halka 1.5 malyuun jirto qurbaha. Waxaa la is weydiin karaa, maxaa u sabab ah in beesha Isaaq oo tiradeedu ka yar tahay nus malyuun, iyo beesha majeerteen oo iyana aan waxba dhaamin ay mar walba ugu soo hanqal taagaan deegaanada iyo khayraadka dhacadiida dhulka Khaatumo?
Si aynu uga jawaabno su’aashaas, waxaynu eegaynaa asalka dhibaatadu meesha ay ka socoto. Waxaa jirta in deegaanada Khaatumo aan wax mashaariic horumarim, dhaqaale, shaqo abuur, iyo kaabayaal dhaqaale aan laga hirgelin ilaa xilliyadii gumaysiga iyo dawladihii Soomaaliyeed ee kala dambeeyey. Taasi waxay keentay in dadkii reer Khaatumo ay u shaqo tagaan gobollada kale ee Soomaaliya iyo qurbaha. Waxaa taa iyana ka dhalatay in aysan si wanaagsan u dhismin magaalooyinka SSC, shacabkii Khaatumana aqlabiyaddiisu u qaybsanto miyiga iyo qurbaha, iyo wax u nolol doonta qaybaha kale ee Soomaaliya.
Waxaa kaloo isweydiin leh, haddii shacabka reer Khaatumo yahay beel ahaan beesha Soomaali ugu tirade badan, siday ku dhici kartaa in beelo laga tiro badan yahay sida Majeerteen iyo Isaaq (minority tribes) ay isu soo qaawiyaan?
Taa jawaabteedu waa fududahay inkastoo aanay ahayn wax lagu qanci karo (not justifiable). Inkastoo xilligaa imminka laga soo gudbay oo maanta reer Khaatumo ka baxeen dhibaatadaas, jawaabtu waxay tahay in beelahaas laga tirade badan yahay ay u soo hunguroodeen reer Khaatumo kaddib markii ay xaqiiqsadeen dayacii, urursanaan la’aantii, abaabul la’aantii, talo la’aantii, iyo maamul la’aantii ka jirtey Dhulweynaha iyo shacab-weynaha Dhulbahante. Taas oo waqtigan xaadirka isbeddeshay lagana gudbay, iyadoo la dhisay maamulka dhaqaaqay ee Khaatumo oo aynu arkayno in kaalmooyinkii caalamku si toos ah u soo gaadhayaan iyadoo aan cidi is hor-taagi Karin. Dad badanaani waxba ma tarto haddii dadku aanu toosin, tashan, taladoodana meel marin, waxaa u talin kara duul tiro yar oo talo leh (taladu sax iyo khalad tay doonto ha ahaatee), Waxaa tusaale kuugu filan shucuubtii la soo gumaystay oo xaaladdaas ku jirey markii gumeystuhu qabasanayey. Waxaase la yaab noqotay in beelo Soomaaliyeed ku hammiyaan inay doorkaas gumeysiga ciyaaraan oo beelo si kasta uga tiro, tayo, iyo dhaqaale badan ay isku soo qaadaan!!! Inkastoo in dadku ku midoobo talo sax ah iyo fulinteenta ay wacan tahay, haddana mar walba taa lagama helo dadka. Weligeed waxaad arkaysaa dad sida Isaaq iyo Majeerteen oo talo khaldan meel dhigta kuna duula deriskooda iyo mid ka dheerba, ugu dambayna ka dhaxla jab iyo khasaare. Taariikhda iyo waayaha adduunka ayaana macallin ah.
Aynu u soo noqono Ina Cali Shire iyo safarkiisa uu ku yimi Taleex waxa uu yahay ama lagu macnayn karo. Waxaase marka hore wanaagsan in hal arrin la fahmo: Dhismihii Puntland maxay ahayd danta Majeerteen uu ka lahaa? Waxay ahayd inay wax ay iska leeyihiin samaystaan, Dhulbahantena ku khiyaameeyaan kuna dulleeyaan si kasta iyo dhinac walba. Dhulbahante oo inta badan daacadnimo loogu daw galo, waxaa ay ka ahayd isaga niyad dhab ah, wax wada lahaansho, sinnaan, caddaalad, tiigsasho horumar, Soomaalinimo doon, iyo ka hor-tag kala goynta dalka. Sidaadrteed, cid kasta oo maamulkaas xaaraanta lagu dhisay khaatumo uga qayb gashay waxay markeedii horeba ku sifoobaysaa shaqo tag, maadaama la inagu khiyaameeyey oo wax dan ahi aanay innogu jirin haba-yaraatee.
U fiirsada danihii Dhulbahante ka lahaa dhismaha Puntland aynu qaarkood kor sheegnay bal in wax ka fuleen:
1. Niyadsami iyo daacadnimo lagama helin Majeerteen oo waxay maleegayeen khiyaamo
2. Wax wada lahaansho lagama helin oo Puntland waxay noqotay maamul Majeerteen gooni u leeyahay
3. Sinnaan iyo caddaaladna markaa meeshaba ma taallo mana imanayso
4. Hourumar hadalkiisaba daa, oo waa tii sannad-guuradoodii 15aad, bishan August 1, 2013, Faroole tirinayey mashaariicda horumarineed ee digashada ahayd ay ka fushadeen deegaankooda
5. Ka hor-tagga kala goynta dalka Majeerteen (Puntland) wax ma ka taray? Mayee iyagaaba gacan siiyey, si cadna ugu wareejiyey SSC Soomaalidiidka!!!
6. Maadaama Dekeddii Soomaaliyeed ee Boosaaso ay gacanta ku hayaan, helitaanka kaalmooyinka iyo deeqaha caalamka laga helo Majeerteen ma inoo fufudeeyeen, illeen iyagu ma bixinayaane? Mayee weligoodba cag ayay inaga saarayeen, waxaana u dambeysey deeqdii Turkigu inoo soo diray ee Markabkii sidey ay ka celiyeen dekedda Boosaaso!!!
Haddaba, iyadoo dhismihii Khaatumo State of Somalia aynu ku sugnay helitaanka himilooyinkii aynu lahayn ee qaarkood aynu ku xusnay qodobada lixda ah ee kore, deeqdii Turkigu ku soo diray magaca Khaatumo State-na ay Taleex soo gaadhay, maanta bakhaarada Taleex ay karoorto (weliba Ina Cali Shire indhihiisa oo shan ah ay Majeerteen ka celiyeen dekedda Boosaaso), muxuu Ina Cali Shire inaga soo doonay, muxuu Ina Cali Shire ka soo doonay Taleex???
Qofkii caqli lihi wuxuu ku jawaabayaa, waar ninkani weligii intaa uu u shaqaynayey Majeerteen inooma iman, waxba inooma qaban, Majeerteenka uu u shaqeeyo waxba inooma soo wadaan aan luggooyo iyo hagar-daamo ahayn, dee waxaasoo dhan ayuu fahmay, dee waanu soo goostay oo wuxuu gartay inuu dhinaciisa ka raaco maamulkiisa iyo tolkiis reer Khaatumo, waxaanu u adkaysan waayey dulliga, ihaanada, iyo karaamo la’aanta meesha ku haysatey…
Dadkuse waxay badi leeyihiin, caqli meesha ma yaallee, dhawrkan qodobee hoose oo is barkan ayaa laga leeyahay imaanshaha Cabdisamad Cali Shire ee Taleex, waana, sidan:
1. Kala qaybinta reer Khaatumo, dhegayso hadalkii Ina Cali Shire “…waxaan u imi shirkii Garaad Saleebaan ku baaqay ee Sarmaanyo…beelaha Sool waqooyi iyo koonfurta Sanaag ayaanu is arkaynaa….IWM” Halkan ayuu ku bannaan yahay hadalkii sirqe Siilaanyo ee ahaa “…Uf dadkii baa ku nacay…uf dadkii ayaa ku diiday…uf sankaa lagaa qabsaday…uf iyo uf iyo uf…”
2. Dhoollo tus iyo munaawaraad loo dhigayo doorasho ku sheegta Puntland oo sallaan looga dhiganayo, si loo yidhaahdo deegaanno ayaa taageersan Puntland oo Ina Cali Shire uu taageero ka haystaa. Hasayeeshee, taa waxaa si aan daah saarnayn u beeninaya madaxda dhaqanka iyo waxgaradka deegaanadaas oo si cad baaq uga soo saaray magaalada Taleex una digay maamulka Majeerteenka ee Puntland iyagoo baaq toos ah u diray madaxda dhaqanka ee majeerteen
3. Iska horkeenka iyo burburinta midnimada Dhulbahante si beesha Isaaq ugu soo fiddo deegaanada SSC. Taana waxaa fashiliyey shacabka reer Khaatumo oo ka soo gudbay marxalo hore ay waxaas oo kale u nuglaayeen, maantase ah bir lab aan midnimadooda iyo talooda aan loodin Karin (Khatumo’s unity and resolve is as strong as ever)
4. Qorshe rakhiis ah oo la mid ah kii SNM ku fulisay Xaglo-toosiye oo inta ay kolay ku ridden meelo geegeeyey iyagoo leh SSC ayaanu la heshiinay. Qoladan Majeerteen (SSDF/Puntland), iyagana waxaa la leeyahay Axmed Karaash ayay doonayaan inay kolay ku ritaan si ay meelahaas uga yidhaahdaan Khaatumo ayaanu la heshiinay!!! Waxaa fiicnayd bal in Majeerteenku eegaan waxa ugu qabsoomay kolaygii uu ku jirey Xaglo-toosiye!!! Iyadoo kolaygii Cabdisamad Cali Shire ku jirey sannadaha badan aan isna waxba laga hayn aan khasaare iyo faro madhan ahayn!!!
Dadka ra’yigiisa waxaa loo batay in meesha Puntland la yidhaahdo aan caqli lagu hayn, wixii ag joogaana kaba sii liitaan…caqliguna waa shayga ugu qiimaha badan ee Ilaahay siiyey qofka basharka ah kuna karaameeyey…Ilaahii ka soo rary reer Khaatumo meeshaa caqligii ka guuray ayaa mahad leh