Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Muwaadin fadhiga ka kacay markuu akhriyay qoraal shalay Harowo kusoo baxay Baha Samaroon-ta Gabileyna ugu baaqay inay ka dagaalamaan cadaalad darada 23 jirsatay

$
0
0

Gudoomiyaha Dhalinyarada beelaha Baha Samaroon ee magaalada Gabilay Md. Yaasiin Cilmi Dhangub (LIIDO) ayaa maanta saxaafada kula hadlay gudaha magaalada Boorama waxana uu dhaliil xoogan huwiyay wax uu ugu yeedhay cadaalad darada iyo dulmiga ka jira magaalada Gabilay oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ay xukuumadu gardaadisay isla markaana raali ka tahay. .

 

Muwaadin LIIDO oo arimahan ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa aan ka hadlayaa sida ay maanta Magaalda Gabilay tahay iyada oo la garanayo sidii ay ahaan jirtay dhinaca maamulka, waxa maanta muuqata in reer uu isa siiyay Gabilay  oo ahaan jiratay magaalo la wado dago oo maamulkeeda, dhibteeda iyo dheefteedaba la qaybsado, hadii aan nahay xooga balaadhan ee beelaha Baha Samaroon ee degan Gabilay, 23kaas sano ee ay Somaliland jirto waxa na fuulay dulmi xoogan, waxana hubaal ah in aan samraynay oo aan lahayn, waa gacal, waa xigto, waa xigaal, ama waa abti,  waxana samirkayagaas ka dhashay in lana qabsado oo anaga uun dawlad la noo noqdo, anaga oo kaliya ayaa maanta la doonayaa in dhulkayaga la qabsado oo shaadhka dawladnimada la nagaga faramaroojiyo wax badan, anaga oo kaliya ayaa la doonayaa in cashuur la naga qaado, taasina yeeli mayno ee waxa ay ka dhalanaya dagaal sokeeye iyo colaad ka qaraxda Gabilay, maantana Xabad ayaan ka naqaanaa xaalka sidan ah,.

 

Waa la is yaqaanaa inta Gabilay daggen, dhicina mayso in reero la soo daad gureeyo oo Gabilay la soo dhoobo, reerana la riixo” . Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Md. LIIDO ” Gabilay ninkii lahaayoow caanaha ku dhex lulo, xaalka sidan ahina waxa uu midho dhali doonaa xabad dhex wiiflayn doonta magaalada Gabilay, Cadaalad darada baahsan ee jirta ayaana midhaheedu sidaas yahay, bal u fiiro, aniga badhasaab, maayar, taliye qaybeed la ii wada noqon maayo, waan leeyahay Gabilay oo muwaadin ayaan ahay, waana la i yaqaanaa, hadii sida xaal yahay wax laga badali waayana Xabad u diyaar garooba reer Gabilayoow”

Halkan ka akhri qoraal dad badan fadhiga ka kiciyay dood badanna dhaliyay


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles