Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Waa sidee xaaladda dhalinyarta ka tahriibtay Borama ee ku sugan Libya?

$
0
0

Liibiya (Harowo)- Sida lawada ogsoon yahay muddooyinkii u dambeeyay wax aka jiray guud ahaa magaalada Borama Qulqulka dhalinyara u tahriibaysa wadamada reer yurub,dhalinyartan oo dhibaato adag u maraya dariiqadii ay ku gaadhi  lahaayeen yurub ayaa inta aynan gaadhin wadamadaas waxay dhib kala kulmaan saxaraha u dhaxeeya sudan iyo Libya,nolosha dhalinyartani  waxay sii adkaataa inta ay joogaan Libya.

Dhalinyarta tahriibtaysa ee joogta Libya kana soo jeedda Gobolka Awdal  ayaa waxa tiradoodu ka saraysaa  200 wiil, inta dhexda kusii jirta tiro iyo cadad ma leh.

Hadaba mid kamid ah dhalintarta ku sugan Libya ee kasoo jeedda Gobolka oo lagu magacaabo Rooble Daahir Magtire oo u waramay shabaka Harowo ayaa sheegay in dhalinyar badan oo reer Borama todobaadkii u dambeeyay  lagasoo daayay jeelka oo ay ku xidhnaayeen muddo ku dhaw saddex bilood.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in nolol maalmeedkoodu sii adkaanayo maalinba maalinta ka dambaysa oo waxa uu sheegay in todobkii ay isticmaalaan  lacag ka badan 100 dollar qofkiiba,waxa kale oo intaasi dheer  buu yidhi kirada guriga ay hoyga ka dhigtaan oo  laga qaado  qofkiiba  50 dinaar bishii oo u dhiganta 45 dollar.mar aan wax ka waydiiyay inta qof ee ay ku galaan makhsinkii ayaa waxa uu iigu jawaabay “waxaa laga yaabaa maqsinkii kaliya in lagu galo 12 qof ugu yaraan oo qofkiiba kalidii laga qaadayo kiradiisa”Dhalintartan oo hadaladooda laga dhandhansan karo dhibaatada ku haysata libyaa ayaa waxa hakad  galiyay socdaalkooda badda oo xilligay kacsan iyo kharash la’aan soo wajacday dhalinyarta qaar.

Iskusoo wadaduuboo dhalinyartan  reer Borama oo intii aynan tahriibin ka hor aaminsanayaa in safarku fudud yahay sahayduna yartahay ayaa hadda fikirkoodaasi waxa uu noqday mid dhicisoobay oo waxa intaasi u dheer dhibaatada iyo fikirka haysta waalidkooda .

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles