G6 iyo Axmed Karaash: laba Maroodi meeshay ku cartamaan cawska iyo dhirtaa ku baaba’!!!
In kasta oo ay isimadii Boocame ku shiray, ay go’aamiyeen in shirka Khaatumo3 la qabto ka dib marka uu soo dhamaado shirka beesha Ugaadhyahan, ka horna waraysi uu bixiyay Prof. Cali Khaliif wuxuu ku sheegay, in arinta meesha jirtay ay ahayd oo keli ah, in la kala duwo labada shir, taasna laga heshiiyay, oo ay hada dhamaatay, iyada oo ay sidaas tahay, ayaa hadana waxa
Muuqata in weli uu sii socdo, hadalkii hore shirka Taleex waa muqadas, waqtigiisii buuna dhacayaa, cidna loo joojin maayo, taas oo weli webabka lagu soo qoraayo, iyo weliba hadalo turxaan leh, oo xaga debedaha ka soo yeedhaaya, oo warbaahinta la soo marinaayo, waxad arkaysaa, baaqyo, iyo abaabulo weli socda, oo lagu andacoonaayo in lagu taageeraayo, shirka
Khaatumo3, lagagana soo horjeedo shirka beesha Ugaadhyahan ee Sarmaanyo! Tusaale ahaan, waxaa dhowaan warbaahinta Khaatumo lagu baahiyay, siiba garabka Daahir Calasow iyo garabka Ina Xaashi Dheere, oo runtii qayb libaax ka qaatay fidna abuurka, dab hurinta iyo iska hor keenista dadka ku abtirsada Khaatumo, iyo malaa qaar kalaba, baaq sidan u dhignaa:
“Beesha Naalaye Axmed Dhulbahante Oo Baaq Kasoo Saartay Shirka Khaatumo3 Ee Taleex”, markii aan cinwaankaa arkay aad baan ula yaabay, waayo markaan baaqaa arkay in yar ka hor, waxan ka soo kacay goob aan kula cawaynaayay dhowr nin, oo aanu dhamaantayo ka soo wada jeedno beeshaa baaqu xusaayo, wax badan baanu ka sheekaysanay oo ah arimaha
Khaatumo iyo shirarkaa la hadal hayo, midkayona warkaas baaqu sheegaayo mahayn! Marka waxan la yaabay baaqa beeshayadii ka soo baxay, ee aanaan intayadaa midkayona waxba ka ogayn, si kastaba ha ahaatee waxan bilaabay in aan aqriyo baaqaa, isla hordhaciiba waxa ii soo baxday in uu baaq been abuur ah yahay, waayo waxa lagu durayaa, oo lagaga soo horjeedaa
Shirka beesha Ugaadhyahan ee ka dhici doona Sarmaanyo, beesha Naalaye Axmedna waxay ka mid tahay, oo hormoodba ka tahay beelaha Ugaadhyahan, ee shirka ku qabsanaaya magaalada Sarmaanyo, markaan taas gartay waxaan u gudbay magacyada baaqan ku xusan, wuxuuna ahaa liis aad loo dheerayay, si baaxada beesha loo le’ekaysiiyo, hadaan aqriyay magacyadii baaqaa ku
Xusnaa oo dhamaantood wada Naalaye Axmed ahaa, waxa ii soo baxday in ay ka kooban yihiin saddex kooxood, waana sidan: (1) waa odayaal magac iyo maamuusba ku dhex leh beesha, hase yeeshee sariiro iska wada saran ama xanuun ha u saaraado ama da’ ee, kuwaas oo aan in dhowaydba ka qayb gelin hawlo beeshu leedahay, xaalada ay ku sugan yihiin awgeed, aana ka
Daafici Karin naftooda, wax kasta oo lagu been abuurto, marka kooxdan odayaasha ah waa lagu been abuurtay, baaqaana waxba kama oga. (2) Waa koox caan ah, oo aad loo yaqaano, waana Naalaye diid Ugaadhyahan diid ah, waa koox had iyo jeer mucaarad ku ah, wax kasta oo ku saabsan arimaha Naalaye Axmed ama Ugaadhyahan, kooxdan oo ah kuwa is qora ah, oo ay
Aafaysay ismoojin iyo mansab jacayl, waxba kama dhex noqon karaan Naalaye ama Ugaadhyahan, waayo beeshu way is taqaan, oo iyaga waxba loo dirsan maayo, marka si ay arimaha Dhulbahante uga dhex muuqdaan, waa in ay ku milmaan Dhulbahantaha guud, oo horboodaan Dhulbahantaha, si ay dusha ugaga yimaadaan Naalaye iyo Ugaadhyahanba, kana
Horyimaadaan wax kasta, oo ay ka uriyaan Naalaye ama Ugaadhyahan, kooxdanu waa qaswadayaal horgalayaal ah, kamana duwana kuwa u adeega maamulada hareeraha, dhab ahaan haday ka waayaan Dhulbahante waxay doonayaan shaki kuma jiro, in ay si fudud ugu diga roganayaan maamulada hareeraha, nin beeshii hoose iyo gurigiisii wax tari kari waayay, lana
Heshiin waayay, waa iska cadaan in aanu dhulbahantena dhib, kala fogaansho iyo xasarad waxaan ahayn, aanu ku soo kordhinayn (3) kooxdanu waa taageerayaasha kooxdii maalintii dhowayd Fiqifuliye isugu dhiibtay maamulka SNM, qaarkoodna markii horeba waxay ku xidhnaayeen maamulka SNM, sidaas darteed baaqaasu wuxuu ahaa been abuur, labada kooxood
Ee dambe iyo webabka faafiyay baaqa, midkoodna midka kale la dan maaha, oo isku aragti maaha, hase yeeshee waxa keli ah ee mideeyay, ee ay isku garabsanayaan, waa ka hor tegista iyo diidmada shirka beesha Ugaadhyahan, iyo in uu si dhakhsa ah u qabsoomo shirka Khaatumo3, oo aynaan ilaa hada garanayn waxa ku hoos qarsoon, ee loo dedejinaayo!!! Runtii
Arintan ah in la is hortaago shirka beesha Ugaadhyahan, dedaal aad u wayn iyo dhaqaale xoogan baa la geliyay, si loo kala qaybiyo beesha, kaas oo wax badan inooga tari lahaa, hadaynu gelin lahayn xaga difaaca iyo fidinta maamulka Khaatumo, waxaad iyana maalmahan warbaahinta ku arkayseen in magaalada Caroolay xoogaa dumar iyo caruur masaakiin ah, inta la soo ururiyay,
Iyadoo xoogaa lacag ah loo qaybiyay, la yidhi halkaa bood booda si fiidiyow laydiinka duubo, waxay hore uga dhacaday Taleex arintaas mid la mid ah, hadaba is waydiintu waxay tahay, maxaa sida fiinta looga qayliyay shirka beesha Ugaadhyahan, iyaga oo in badan ku celiyay, in aan shirkaa waxba loogu dhimayn Khaatumo, iyo danta guud ee Dhulbahante toona, iyada oo
Weliba ay hore gaar gaar ugu shireen beelaha Dhulbahante badankoodu, waayo Ugaadhyahan hadaba?!!! Origiga se baroortu ka wayn ee, maxaa lagu hoos qarinayaa, oo loo dedejinayaa shirka Khaatumo3, ee la hadal hayo?!!! shirkan la leeyahay waa muqadas, oo cid loo joojin maayo, waa maxay baahida sidaa u wayn, ee uu dadka qaarkii u leeyahay, oo aanay inteena kale
Ogayn ?!!!Waayo Khaatumo way inoo dhisan tahay, way taaba qaaday, wixii qurxin iyo dhamaystir ahna, sida in ku-meel gaadhka laga gudbo iwm, iyada oo aan lays dedejin, khilaaf la abuurin, dhaqaal badan, oo aynu baahi wayn u qabno lagu lumin, ayaynu waqtiga ku haboon qabsanaynaa, waxan kale oo aan anigu qabaa, in ay maanta ina hor yaalaan arimo ka cul culus,
Oo ka muhiimsan shirar la qabto, oo ah in aan is xorayno, oo xorayno dhulka laynaga haysto, oo aan awoodeena u muujin Soomaalida iyo caalamkaba, uguna quus gowno maamulada SNM, SSDF iyo HAG oo dhowaanahan ku soo biiray shirqoolada laynagu hayo, waxan aamisanahay siday dad badan oo kalena qabaan, in maanta xalkeena oo dhan, uu ku jiro dagaal aan dhulkeena
ku xorayno, dagaal wax lagu degdego, oo laysku booriyo maaha, laakiin waa laynagu khasbay, khiyaar kalena ma lihin, oo aan dagaal ahayn, waayo caalamku wuxuu aqoonsan yahay kuwii hore wax u dhistay, ee is muujiyay, xaq iyo baadil waxay doonaan ha ku dhisteen, xataa dowladan dhexe, oo ayba hada qabsadeen kooxda cunsuriyiinta ah HAG, oo aynu wax ka
Dhisnay, bal aynu doorarka ugu waawayn ka qaadanay dhismeheedii, ee iyagu kala og siday Soomaalidu dhulka u kala degto, iyo waxa ay kala yihiin, waxay si badheedh ah garabka u saareen labada maamul ee SNM iyo SSDF, oo ay ka wada xaajoonayaan arimeheena inaga oo nool nool, oo iska soo taagan, shirqoolo waawayn baa inagu socda, dhiciskuna inta birta loo soo
Sido buu bakhtiyaa! dhowaan arintii ka dhacday Fiqfuliye ma ahayn dhacda iska caadi ah, bal waxay ahayd shirqool ay labada maamul ee hareeruhu iska kaashadeen, dowlada Xasan Culusow ee HAGna wax badan ka ogayd, dhiirina gelisay, waa arin la xidhiidha shirkii dhowaan Turkiga ka dhacay, oo la rabo in la dhamaystiro, inta aan shirka dambe la isugu imaan, waxmagarto
Iimaanlaawayaal ah, oo inaga mid ah baa la adeegsanayaa, ninkii shirqoolkaa Fuliyay, waa horgale weliba jaahil ah, oo si fiican ugu xidhan maamulka SSDF, oo aan ka maarmi Karin, wuxuu degan yahay, oo guryo ku leeyahay Garowe, baayac mushtarkiisu wuxuu ku xidhan yahay Boosaaso, u malayn maayo in uu dhowr iyo labaatankii sano ee ina dhaafay, uu tegay
Degmada Fiqifuliye, Ceerigaabona haba sheegin, hase yeeshee maamulka Garowe ayaa shirqoolkan u xilsaartay, u fiirso markii degmada Fiqifuliye la joogay, iyo markii dambe ee ay Hargaysa tageenba, ninkaasu goob joog buu ahaa, hase yeeshee mar qudha kama soo bixin sawiradii iyo fiidiyowgii laga duubaayay dadka, waayo waxaa xaqiiqada laga qarinayaa
Shacabka Puntland, iyadoo uu ninkanu marka uu shirqoolka loo dirsaday, uu soo guto uu deeganada Puntland dib ugu soo noqonaayo, waxa kale oo jira isna shirkii ay dhowaanta SNM kaga baxday SSDF ee ka dhici lahaa Nairobi, kaas oo ay ahayd in ay kaga wada hadlaan dhulkeena, oo inagu dul shaxaan inoogoo soo taagan!!! Bal hada u fiirso kan xila sakhiran ee
Amniga u qaabilsan maamulka SSDF Ina Ciise Mudan, wuxuu ku sheegay maamulka SNM, mar uu ka hadlaayay shirkii Nairobi, wuxuu ku sheegay dal ay deris yihiin, waa mar uu waraysi siinaayay TVga SomaliChannel, waxanu waa uun masuul maamulkaas ah, hadalka afkiisa ka soo baxaana, wuxuu ka turjumayaa siyaasada maamulkaas, markaa SSDF waxay u aqoonsan tahay
Maamulka SNM in uu dal deris ah yahay. Mar hadaan soo qaadnay kelmeda aqoonsiga, waxaa iyana xusid mudan, in aan sheegno in maamulka SNM keenay, oo maamulkooda ku soo dareen nin cusub, oo la yidhi muftaaxii aqoonsiga ayuu jeebka ku sitaa!!! Hada waa sida ay ina yidhaahdeen taageerayaasha SNM, iyo warbaahintooduba, ama uu isaguba ka dhawaajiyay!!!
Runtii maaha nin cusub, ee waa ruug cadaa SNM ah, oo weligiiba arimaha SNM daaha gadaashiisa kaga tala bixin jiray, ninkan oo lagu magcaabo Maxamed Biixi Yoonis, sidaynu la wada socono waxay ku bedeleen wasiir beenaalihii arimaha debeda u qaabilsanaa maamulkaa, waxaa isna la socda, oo arimahaa kala talin doona Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo isna dhowr
Jeer oo hore sheegay, in uu og yahay meesha aqoonsigii maamulka SNM ku duugan yahay!!! Hadana sidaan la wada socono u diga rogtay xagaa iyo maamulka SNM. Garan maayo waxa ay maanta Xasan Culusow iyo Siilaanyo, oo meela badan taageero ka haystaa, ay meel marin kari waayeen, sida ay nimankanu u meel marin doonaan!!! Bal se aan eegno kaashada uu ninkanu
Muftaaxaa la sheegaayo ku rogo, iyo in uu noqdo wasiir beenaalihii labaad!!! Inaga se marlayba digtoonaantu waa waajib. Hadaba markaan is tusaalaynay qaar hawlaha culus ee ina horyaala, iyo shirqoolada inagu hareeraysan, aan dib ugu noqono su’aalihii aan hada soo xusnay ee ahaa: maxaa sida fiinta looga qayliyay shirka beesha Ugaadhyahan, iyaga oo in badan ku celiyay, in
Aan shirkaa waxba loogu dhimayn Khaatumo, iyo danta guud ee Dhulbahante toona, iyada oo weliba ay hore gaar gaar ugu shireen beelaha Dhulbahante badankoodu, waayo Ugaadhyahan hadaba?!!! Origiga se baroortu ka wayn ee, maxaa lagu hoos qarinayaa, oo loo dedejinayaa shirka Khaatumo3, ee la hadal hayo?!!! shirkan la leeyahay waa muqadas, oo cid loo joojin
Maayo, waa maxay baahida sidaa u wayn, ee uu dadka qaarkii u leeyahay, oo aanay inteena kale ogayn ?!!! si aynu jawaabo ugu helo su’aalahaa, iyo xalka saxa ah, waxa laabud ah in aan ogaano meesha ay sartu ka qudhuntay, ugu horayna waxaa mudan in aan ogaano, in odayadeenii G6 ee ahaa haldoorkii shacabka Khaatumo, madaxdeenii aynu jeclayn, aqoonyahankeenii iyo
Siyaasiyiinteenii, kuwii inoo soo gurmaday, ee inaga soo saaray godkii gudcurka ahaa, in ay maanta xabsi ku jiraan, oo la haystayaal yihiin, inoogana baahan yihiin shacab ahaan, in aan inana maanta xoriyadooda u soo celino, waxay xabsi ugu jiraan, oo isku xeeray wixii shirkii Khaatumo2 ka dambayayba, niman qaswadayaal ah, oo deegaamada Khaatumo ka soo wada
Jeeda, waa kuwii aan hada qoraalkan ku soo xusay, ee Naalaye diidka iyo Ugaadhyahan diidka ahaa, iyo kuwa kale oo la mid ah, oo beelaha kale ee Dhulbahante ka soo jeeda, oo is gaashaan buuraystay, kooxdan oo ah niman is qora ah, oo ay mansab jacaylka iyo ismuujintu madax martay, uma socdaan dan Dhulbahante, bal waxay rabaan mansab iyo ismuujin keli ah inay inagu
Gaadhaan, sidaan soo xusay,waxay isku xeereen odayadii G6, waxayna hadba farta ugu fiiqaan cida ay is yidhaahdaan, way ka hor imanayaan fikirkiina iyo rabitaankiina guracan. Hadaba kooxdanu iyagoo damac wayn ka qabay in loo magcaabo mansaba sar sare, markii la dhisay maamulka Khaatumo, kuma ay qancin ragii loo magcaabay madaxtinimada maamulka, si gaar ah
Madaxwayne Axmed Karaash iyo madaxwayne Cabdi Nuur Biindhe, waxayna bilaabeen in ay iska hor keenaan golaha fulinta iyo golaha madaxtooyada, oo ay had iyo jeer odayada G6 farta ugu fiiqaan labadaa oday, iyagoo ku andacoonaaya, in ay yihiin fadhiid aan maamulka socodsiin Karin, iyo in ay Puntland ku xidhan yihiin iwm, taas waxa raacday in odayada G6 iyo Axmed
Karaash dhowr arimood isku khilaafeen, oo ay ka mid ahaayeen, nin ay dhaqaalaha u xilsaareen odayada G6, oo ay dad badani ka qayliyeen bilowgiiba, odayadana uga dacwoodeen in aanu ninkaasu ku munaasib ahayn hawsha loo xilsaaray, uuna ka mid yahay raga Dhulbahantaha kala fogeeyay, ay se odayada G6 dacwadaa iyo qayla dhaantaa ka timi qayb wayn, oo ka mid ah
Shacabka, dhegaha ka furaysteen, bal ayba ninkaa ugu abaal gudeen, in ay ku soo dareen golaha fulinta, ayaa Axmed Karaashna ugu dambayntii ka soo cawday, sida uu u maaraynaayo arimaha dhaqaalaha, waxa kale oo iyana laysku khilaafay arimo la xidhiidha waxyaabihii lagu balamay dhamaystirkooda inta ku-meel gaadhka lagu jiro, sida difaaca iwm, khilaafyadaasuna waxay
Keeneen in uu go’ xidhiidhkii G6 iyo golaha madaxtooyada ka dhexayay, siiba Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindhe, taas bedelkeedana G6 waxay hawlaha maamulka kala xidhiidhi jireen wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno aanba ka amar qaadan madaxwaynayaasha!!! Ka dib markii uu tegay madaxwayne Indhasheel Nairobi, waxay kooxihii qaswadayaasha ahaa ku guulaysteen, oo
Ay ku qanciyeen G6 sida muuqata iyo madaxwayne Indhasheelba, iyada oo aan lala socodsiin labada madaxwayne, ee wadankii jooga, in halkaa laga abaabulo shirwayne lagu qabto magaalada Taleex, kaas oo loogu magac daray Khaatumo3, laguna dhiso halkaa maamul cusub, oo ay qaswadayaashu qaybta libaaxa ka qaataan!!! Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindhebana
Daaqada laga tuuro!!! Abaabulka shirkaa waxay Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindheba ka ogaadeen suuqa iyo warbaahinta!!! Taas waxaa raacday in websiteyada la soo geliyay go’aamo la yidhi waxay ka soo baxeen, shir ay wada yeesheen golaha isimada iyo golaha fulinta G6, go’aamadaas oo maamulkii Khaatumo lagu kala diray, laguna magcaabay afhayeen ku hadli
Doona magaca Khaatumo, ilaa inta laga soo dooranaayo maamul cusub!!! Kana golaha madaxtooyadu warbaahinta ayay ka ogaadeen!!! Waxay noqotay arin nina qaadan waayay, sida ay wax u dhaceen, markii daba gal lagu samayayna waxa la ogaaday kolay in aan arintaa isimada qaarkood waxba ka ogayn, G6 xog badan lagama hayo, sida ay wax uga og yihiin arintan, hase
Yeeshee ilaa maantadaa ma jirto cid beenisay, in aan go’aamadaas waxba ka jirin, taasuna waxay cadaynaysaa in ay go’aamadaasu sax ahaayeen, in ay ka soo baxeen qaar ka mid ah labadaa gole yaanba loo dhamaan ee!!! Xukumka dhacdooyinkan aqristayaasha, inta caqliga wanaagsan, ee ka caafimaadka qabta cadaafida nin jeclaysiga iyo beel jeclaysiga, inta jecel in
Aan yeelano maamul dhab ah, oo kala dambayn, is qaderin iyo waajibaad si daacadnimo ah loo guto ku dhisan, baan u daayay. Hadaba fal celintii dhinaca kale, waa golaha madaxtooyada ee Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Biindhe ee, oo ay muuqato in cida arimahaa aan soo xusnay ka soo shaqaysay, aanay xisaabta ku darsan markii hore, ayaa kicisay uufada iyo mowjadaha kacsan
Ee ina qarqiyay, waana tan keentay jaah wareerka,qasks iyo is qab qabsiga hada taagan, waana in ay qabsadeen sharciga, iyada oo ay ku adkaysteen, in ay iyagu yihiin madaxwaynayaashii Khaatumo, ayna iyagu soo diyaarinayaan, oo u mudaynayaan waqtiga ku haboon shirka Khaatumo, ee lagaga baxaayo ku-meel gaadhnimada. Waana taas halka ay sartu ka qudhuntay,
Su’aalihii aan soo xusnayna aad jawaabahooda ka helaysaa. Hadaba hadii arimahan la soo afjari waayo, oo aynaan isu soo jiid jiidin labada dhinac, arimuhu meel xun bay gaadhayaan, waxaana sidaa ku burburaaya maamulkii Khaatumo ee aynu dhisanay, oo aynu wax badan oo qaali ah u huray, waxaynuna noqonaynaa meel ay laba Maroodi ku dagaalameen, laba Maroodi meeshay ku
Dagaalamaan waxa ku baaba’ cawska iyo dhirta, oo meel kayn jiqqa ahayd, bay waxay u rogaan lamadegaan, sidoo kale haday labadan dhinac dagaalkoodu sii socdo, waxa ku baaba’ya Khaatumo iyo himilada aynu hiigsanayno, waxana soo bixi doona toban Khaatumo, halka aynu maanta ka leenahay hal maamul, oo la yidhaahdo Khaatum, xalkuna wuxuu yahay, waa maalintii
Loo baahan jiray guurtida, raga tolinimada iyo raga samataliska ah, waqtigan aan qoraalkan qoraayo waxan la socdaa in madaxwayne Axmed Karaash, uu ku sugan yahay magaalada Boocame, iyada oo uu u yeedhay Ugaas Cabdullaahi Ciise, oo beryahan ku hawlanaa isu soo dhowaynta iyo isu jiid jiidka labada dhinac, madaxwayne Cabdi Nuur Biindhena horuu ugu
Sugnaa magaalada Boocame, waxan rajaynayaa in shirkoodaa uu ka soo baxo war lagu farxo, biyuhuna dib ugu noqdaan mareenkoodii hore. Waxana ku darayaa oo kula dardaarmayaa beesha Khaatumo, in aan laysku deyin in la kala qaybiyo, beel ka mid ah beelaha Dhulbahante, bal waa in lala xaajoodo, oo lala xisaabtamo beeshaasu siday u dhantahay, hadii wax laga tabanaayo, waa
In aan Dhulbahantow isu celinaa baadida, waxmagaratada iyo kuwa damaca guracan wata, ee aynaan isu adeegsan, siday inagu samayaan maamulada hareeruhu, waan inaan albaabka ka xidhnaa kuwa is qorada ah, ee damaca guracan iyo ismuujintu madax mareen, waa in uu noqdaa albaabka Dhulbahantanimada laga soo galaa, kan beelaha hoose iyo jifiyaha, oo aynaan aqbalin,
In dan iyo hawl Dhulbahante loo dirsado, nimaan beeshiisa ka haysan taageero iyo aqbalaad. Anoo qoraalka idinku dheerayay, waxan ku soo afmeerayaa, waxaa jira ciyaaraha qaarkood marka la ciyaarayo, sida Turubka tusaale ahaan, waxa jirta mar qofka ciyaarayaa, marka uu arko siday ciyaartu u socoto, iyo waxa gacantiisa ku jira, ay u cadaato in ciyaarta laga badinaayo,
Markaas si aanu tan waqti badan ugu lumin, maadaama uu og yahay in laga badinaayo, oo uu isu diyaariyo in uu tan dambe badiyo, wuxu yidhaahdaa: “war ciyaarta baandhaya, waa layga badiyay ee”, hada ciyaartan waa la kala badiyay ee, hala baandhayo, oo haloo diyaar garoobo tan dambe, haa, siyaasadu waa ciyaar aqoon iyo xirfad badan u baahan, hadii damiir wanaagsan iyo Allaah ka cabsi raacona waaba khayr oo dhan, hase yeeshee waa inaan dabka lagu ciyaarin!!!.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam