Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

BAAQ Ku Wajahan Jufada Madaxweyne Siilaanyo

$
0
0
Waa mid aan ka meereystay aan se ka maarmi waayey. Ma ihi qabiil oo dhaliisha uma kala sooco madaxda sida dadka qaarkii, waxa se muuqaata inaynu marayno marxalad u baahan in inta badan ee aamusani hawl gasho. Beelweynta Habar Jeclo oo ah tiir dhexaadii halganka SNM ahna beel dirir iyo dadnimo leh, waxa maanta saaran masuuliyad ay intooda badani ka aamusan yihiin. Masuuliyadaasi ma aha mid meel kale ka jirta ee waa inay intooda yar ee xumaanta dalka ka wada iyagana magaca ka dilaaya ay runta u sheegaan. Aaamuskoodu waxuu dhiiragelinayaa inta yar ee dalka haadaanta ku rideysa. Ka hadla oo ka qabta.
Oo kolka mucaarid hadlo ee dhaliil run ah la sheego inta soo boodaysa ee gardarada indhah taagayraysa nala qabta. Dalka beeli keli uma laha, dhibta iyo kheyrkuba wuu ina wada gaadhi, inta isku koobta ee boobta dalka wey leeyihiin beel walba, waxa se muuqata in seddex wasiir oo noqday lama taabtaan ay maanta dalka ku haystaan awood ka badan tan Wasiirka waxay heleen taageero Madaxweyne oon xad lahayn, iyana odayga umey tudhin ee wey qaawiyeen. Beeshu ha u xxidho marada oo ceebta ha ka qabato. Waxaan bogaadin u dirayaa inta yar ee xaqqa ku hadasha ee beesha ka tirsan dhib gaar ahna lagu hayo. Waa aqoonyahan Jiir oo xabsiga ugu jira sifo reernimo, waa Agaasimihii hore ee Arrimaha Debedda Maxamuud Raage ooynu ognay dhibta ka soo gaadhay fariimihii uu inoo soo gudbiyey, waxaynu ogayn dhibta haysatay Marxuum Axmed Rooraaye, waxayn ognay sida Ganacsigii Ina Xarbi loo carqaladeeyey. Haddaba intaa majaalista iyo websiteyada hiilka nacasnimo wada aynu dhammaan iska aragno, oo intiina aamusan oo aad uga badani ha ka hawl gasho.
Yeynaan gaadhin heerkii xumaa ee Ina Siyaad iyo Mareexaan. Seddexdan nin wey gaadheen iyagu oo cid waxba iskagama tirinayaan, Madaxweynaheenu Alle ha shaafiyee wuu gaadhay heerkii itaalka darnaa ee Ina Barre. WAxa keliya een ku badbaadnay waa Beesha oo badan koodu diidan inay garabsadaan dulmiga. Waayo Habar Jeclo ma aha Mareexaan, waa dad is qabta oo qaladka aan isku raacin. Taas waa in beesdhu muujisaa.
Seddexda Wasiir aan timaano..1) Waa Xirsi..oo awooddii dawladnimo afduubtay. Waxuu maanta oo keliya la shiryimid cashuur ka baxsan Maaliyadda oo isagu toos ugu dhacaysa, iyadoon tartan iyo qandaraas la marina intaanu lacagtiiba helin bixiywey qandaraaskii oo siiyey Cumaani, waa wiilkii Madaxweynahu adeerka u yahay ee Madaarka inaga kharibey.
2) Waa ninka qabka iyo kibirku dilay ee cirka eega ee dhammaan intiina taqaan iyo intiina la macaamishay garanayso madax adeeiisa… Waa Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi.. cid wabxa iskama tiriyo, qaladkoo galo kama soo noqdo waa keligii saxane aan masuuliyad qaadi karin. Maanta waxba leydiinkama sheegaayo dhaca iyo khasaaraha inaga soo gaadhay madaarka Hargeysa.
3) Kan Seddexaad waa Wasiirka Macdanata Xuseen Guray oo ah nin dalxiis badan oo keligii shaqaysta ah, aamusan si aan loo fahmin qaladkiisa, is qariya oo tol iyo shacbiba ka qarsoon. Waxa kashifmay sida uu u maamulay kheyraadka dalka ee uu ula sexeeday heshiiso qarsoon oo ka baxsan nidaam dawladeed. Waxa aynu ku baraarygnay dhibta bulshada dhexmartay mashruuca Genel ee ka bilaabmay carada beesha Habar JEclo. Ninka fooda isu galiyey beeshiisa kan han weyn inuu xataa kala dhex galo oo inta dhibtu taagnaydba dalxiis ku maqnaa iyo tamashle, inama dhaqi karo aan iska qabano.
Beeshu ka weyn kana qiimo badan dhowr nin oo xumaan caadaystay reer walibana wuu leeyahay intaas, waxa keli idinka dhigay waa caado Soomali oo Madxweynha ayaad nooga dhowdihiin, waana xil dhaqan ee qaata oo arrimahan ha ka aamusin ee ka gelgisha una horseeda Soomaliland iyo beelaha kale arrin ay idinku daydaan.
Walaahi xumaanta ay falaan wey inagu wada dhacaysaa, wanaaguna waa inoo siman yahay. Wxa wanaagsan iyo cadaalad ayaa u dan ah beelweynta Habar Jeclo iyo beelaha kaleba.
Maanta waxaan idiinku baaqayaa inaydun u guntataan si ka culus sidii hore oo odayaal, aqoonyahan, salaadiin iyo dhalinyaraba aamuska ka baxdaan ood joojisaan kiuwa weerarka ku haya cideda xukuumadda dhaliisha, si cadna uga hadashaan dhibta ina wada haysata ee seddexdan Wasiir ay hormoodka ka yihiin.
Wallaahi reer ahaan nimankaas iyo qayrkoodna uma necbi iyo qof ahaantoodaba. Waxaan ku diidey dhaqankooda ku dhisan kibirka iyo dhaca. Waaanad ka dheregsantiin falalkooda ioyo arrimaha hadda taagan. Waxaan idiin soo bandhigi doono qormooyin kooban oo nin walba idin tusa qaladkiisa aynaan qaadi karin.
Madaxweyne Alle ha ku tuso beesha Habar Jeclo inta wanaaga kula jecel ee xumaanta kaaga digta, inta khiyaamada kugula socotana iska jir. Maqal akhyaarta reerka waa taqaan oo nin weyn ayaad tahay, iskana jir reer walba afmiinshaarka iyo danaystaha..
Cabdi Xaji Axmed

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles