Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dhulbahante, Harti koombe, Daarood, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!! Qaybtii kowaad.

Dhulbahante, Harti koombe, Daarood, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!! Qaybtii kowaad.
Qoraalkan oo xoogaa yara dheer, oo weliba aan laba qaybood ka dhigaayo, waxan aqristayaasha ka codsanayaa, in ay iigu dul qaataan mudo toban daqiiqo ah, oo ay ila aqriyaan, runtii in badani waxay ka heli doontaa, waxyaabo ku cusub maqalkooda, oo khusaya dhibaatooyinkeena guud ahaan Soomaaliya, iyo si gaar beelaha Dhulbahante, hadalka cinwaanku waa tusaale uun,
Maadaam aan beesha Dhulbahante ka hadlaayo, laakiin waxaa la mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, oo tusaale ahaan waxaan odhan karnaa sidan: Sacad, Habargidir, Hawiye, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!! Iwm, waxaan shaki ku jirin, in aqristayaal badan igu eedayn doonaan, in aan qabyaalad qaawan qoraayo, arinta qabyaalada iyo Soomaalida,
 Iyo fikirka aan ka qabo, horaan uga hadlay, oo wax uga qoray, waxana aaminsanahay in qabyaaladu nolosheena saamayn wayn ku leedahay, aana si fudud mustaqbalka dheer loo tirtiri karin, marka in aan si cad uga hadlaa waa lagama maarmaan, xalkeenuna yaanu noqon, xaaraamta ma cuno, laakiin marqeeda ayaan cabaa!! Waayo in badan oo inaga mid ah, oo ay
 Qabyaaladu dhiiga iyo dhuuxaba kaga jirto, oo ay ficilkiisa iyo dhaqankiisaba ka muuqato, ayaa hadana marka uu arko hadalkan aan qoraayo oo kale, aad u dhaliilaaya, marka qofka sidaas ah, waa mid waaqaca aad uga fog, oo aan naftiisa ka run sheegayn, qabyaaladu waa cudur inagaga jira dhiiga iyo dhuuxaba, ayna lagama maarmaan tahay, sidii aan ula noolaan lahayn cudurkaa,
 Oo aanu inoo waxyeelayn, (halkan ka aqriso, qoraal aan hore qabyaalada uga qoray iyo fikirka aan ka aaminsanahayba), hadaba sidaan hada xusnay, oo cinwaakaba ka muquuta, maadaama uu khusayo qoraalkanu beelah Dhulbahante, waxaad ku ogaan doontaan dhibaatooyinka ragaadiyay Dhulbahante halka ay salka ku hayaan, iyada oo ay beeshu ka midaysantahay 95% in ay
Ayahooda ka tashadaan, oo ay yeeshaan maamul u gaar ah, hadana waa ku guulaysan la’ yihiin, waa maxay sababtu?! Dhulbahante ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo, waxaynu ku eegi doonaa meesha ay sartu ka qudhuntay, ee sida kedisada ah, u kala qaybisay maamulkii Khaatumo! Qoraalkuna waa sidan:
Dhulbahante, Harti koombe, Daarood, ma qabiil baa mise waa uun abtirsiimo?!!!
Maalmihii uu socday dagaalkii Liibiya, ee Qadaafi lagu riday, laguna dilay, horaantiisii intaan reer galbeedku soo fara gelin, ayaan maalin meel la fadhiistay niman carbeed oo dhowr ah, dhowr dalna ka kala yimid, waxay ka sheekaysanayaan arinta dagaalka Liibiya, waxayna leeyihiin qaarkood, Qadaafi maanta waa loo yaabaa, oo waxaa ka soo horjeestay, qabiil tirada
Dadkiisu yihiin hal milyan, markaas ayaan aniga oo qoslaaya, weliba qosol jees jees ah qoslaaya, ayaan ku idhi: oo muxuu macna leeyahay qabiil hal milyan ah, isba qabiilooyin iyo weliba ciidama xoog badan buu wataa ee?!!! Waxan u sii raaciyay, anigu qabiilka aan ka dhashay waa todoba milyan, hadana Soomaaliya qabiilo naga yar yar, baa wax walba naga badsaday! Markaas
 Ayay nimankii sidii wax shoog qabsaday, ayay mar qudha is wada eegeen, oo hadana anigii I soo wada eegeen, waxayna isla mar wada yidhaahdeen: todoba milyan?!!! Oo ay laba saddex goor ku cel celiyeen, aniga oo isla quman, oo isku kalsoon baan ugu jawaabay: “haa todoba milyan iyo ka badan baanu nahay”!!! markaas bay igu yidhaahdeen: war ninyohow wax badan
 Baan aqrinay, waxyaabo laga qoray Soomaalida, wax badan baan dhegaysanay barnaamijyo lagaga hadlaayo, marna maanaan maqal waxa jira qabiil Soomaaliyeed, oo tirada dadkiisu tahay todoba milyan, ama xataa hal milyan, qabiilkan reer Liibiya, ee aanu ka hadlaynaana, wuxuu ka mid yahay, qabiilada ugu tirada badan wadamada Carabta, tirada aad noo sheegtayna, wax
 Aduunka ka qarsoomi kara maaha ee, hadalkaa ma iska hubtaa?!! Anigoo weli isku kalsoonidaydii qaba, baan ku idhi:  hadaba maqla, oo barta, macluumaadkiinana ku darsada!!, markaas baa mid ka mid ah, igu yidhi: maxaa la yidhaahdaa qabiilkiina? Waxaan dabcan ku idhi:  waxa la yidhaahdaa Daarood, markaas ayay dhamaan isla qireen, in ay maqleen magaca
Daarood, hase yeeshee su’aashii tirada weli way taagan tahay! Hadana isla kii baa wuxuu I waydiiyay, oo yidhi: oo shiikhiina magacii, yacni odaygiina ama Isimkiina?!! Halkan ayay wax I dhubuq yidhaahdeen! Waxayna iigu dhacday su’aashanu sidii madfac oo kale! Ninkaygii isla qumanaa, ee weliba jees jeesaayay, waxana noqday sidii kubad naqaskii laga sii daayay! Waayo waxan gartay, nuxurka su’aashooda, iyo in waxaan ka hadlaayo, iyo waxay ka hadlayaan, ay
Tahay kaaf iyo kala dheeri! Runtii fikradu iguma cusba, oo dhowr goor, oo hore ayaan isku dul taagay! Waayahay, meel laga noqdo ma joogo, in kasta oo aan ogahay, in markan aniga laygu qoslaayo, oo laygu jees jeesi doono! Marka iyada oo aan dareemaayo kalsooni daro, ayaan ku idhi:  dee Shiik qudha ma lihin, ee ka badan boqol Shiikh baanu leenahay, oo beel kasta oo
Qabiilkayaga ka mid ah, Shiikh gooni ah bay leedahay, marka sidaan filaayay, waa laygu qos qoslay! Waxayna igu yidhaahdeen: war arinta aanu ka hadlaynaa, taas maaha, qabiilka aanu sheegayno, ee halka milyan ah, Shiikh qudha baa u taliya, oo taladoodu ka go’daa, taad se adigu sheegaysaa maaha qabiil, ee waa qabiilooyin, uun markii hore asal ka wada yimi, hadii qolo
 Qabiil ka mid ah, ay yeelato Shiikh u gaar ah, qoladaasu qabiilkii guud waa ka baxday, oo waxay noqotay qabiil gooni ah, oo leh dano iyo maslaxado gaar u ah, bini aadamkuna ilaa Xaawa iyo Aadam, sidaas uun baa loo sii kala bax baxaayay, ilaa aynu noqonay shuucuubta iyo qabiilooyinka maanta jira. Waxay igu yidhaahdeen: marka saaxiib qabiilka aad sheegayso, ee
 Daarood, ee boqolka Shiikh leh, maaha qabiil jira, bal waa uun abtirsiimo. Madaxa ayaan ruxay anigoo hebed ah, oo dee intii aanay sharaxaa dheer ba gelin, baan is qanciyay, markay su’aashii Shiikh I waydiiyeen, arintan marar hore baan dareemay, in odayadan dhaqanka ah, ee faraha badani, ay sabab u yihiin khilaafka iyo kala qaybsanaanta Soomaalida dhexdeeda ah, bal se
Fikirkaasu waanu ku raasukhin maskaxdayda. Hadaba aan u soo noqodo u jeedkayga ee, ma jiro maanta hadii aan wax laga bedelin qaabka uu yahay, qabiil Dhulbahante la yidhaahdaa, Harti iyo Koombena iska daa, Daaroodna warkiisaba ha sheegin, magacyadaasu waa kuwo magac iyo maqal ahaan u jira, waa abtirsiimo, bal se ficil ahaan aan jirin, waayo maanta waxaynu nahay
 Qabiilooyin kala hogaano ah, oo kala dano iyo maslaxado ah, waxaynu se aaminsanahay, in aynu qabiil keli ah isku nahay, waaqicii iyo ficilkeeniina taas waa ka duwan yahay, taas baa marka u sababa dhibaatooyinka, khilaafka, kalsooni la’anta iyo jaahwareerka, Soomaali oo dhan ka dhex jira, marka waa inaan waqaca yaqiinsanaa, beelaha Dhulbahante waxay leeyihiin saddex
 Iyo toban Isim, oo ay beelohoodu soo doorteen, oo ku caana shubteen, iyo weliba tira taas ku dhoodhow, oo Hargaysa fadhida, oo uu iyana maamulka SNM ku caana shubtay!! Markaa sidaan soo xusnay Dhulbahante wax jira maaha, hadaan dhaqanka wax laga bedelin, bal se waxaa jira Jaamac Siyaad, waa beel iskeed u taagan, oo dano iyo maslaxado u gaar ah leh, Axmed Garaad,
 Khalid, Hayaag, Barkad, Bahararsame, Qayaad, Xasan Ugaas, XaamudUgaas, Cumar Wacays iwm, midkood waliba waa beel iskeed u taagan, oo dano iyo maslaxado uga gaar inta kale leh, xaqiiqad dhabta ah, waa taas, inana waxaynu rabnaa, inaan u dhaqano sidii beel keli ah, ficil ahaana ma noqon karto, oo waxaan isu imanayn danihii iyo maslaxadihii kala duwanaa, ee ay
 Qolo waliba gaarka u lahayd, iyo dantii iyo maslaxdii guud ee Dhulbahantanimada aan aaminsanahay, markaas ayaynaan ka baxayn jaahwareer iyo khilaaf joogta ah. Ugaadhyahan ma garanaayo ma beel jirtabaa, mise ma jiro, waayo haykalkii guud ee beeshu waa jiraa, oo hal Isim bay leeyihiin, hadana doc-ka-faruur hoose baa jira, oo meel hoose baa wax ka baxeen, nin yidhi
 Beel hoose baan garaad u ahay, oo hadana sheeganaaya garaad Ugaadhyahan, waana ninkii isku soo miidaamiyay Taleex, ee isaga oo dumar iyo caruur durbaana wata horkacaaya, yidhi waxaan Taleex ka furayaa shirkii Khaatumo, ee laysku maandhaafsanaa, taas oo ka hor imanaysa go’aankii beesha Ugaadhyan ee shirkaa Khaatumo,  marka iyada oo uu ninkanu beeshii kala
 Qaybiyay, ayuu weliba col ku soo hugaamiyay, sidaas darteed waxa haboon, in ay beesha Ugaadhyahan shirka uga socda hada magaalada Sarmaanyo, kaga hadlaan arintaas, xalna ka gaadhaan Ugaadhyahan ma jiraa, mise ma jiro?!!
Is xulufaysiga walaaleheen Digil iyo Midhifle, waa tusaale muhiim ah, oo ku dayasho mudan.
Markaynu intaa hore isla garanay, waxa laabud ah, in aan is waydiino, xalka looga bixi karo dhibtan?! Tan ugu horaysa ee maskaxdaada ku soo dhacaysaana, waa in dib asalkii loogu noqdo, oo hal qabiil, oo hal Isim leh, dib loogu noqdo! Dabcan waa madhacdo iyo arin aan camali ahayn, hadaan wax kaaba, oo suurageliya loo helin, mana ah daawada cudurkii aan soo qeexnay!
 Bal se aan isku dayno, inaan kaabayaal taas suurageliya helo, ugu yaaraan beelaha Dhulbahante! Aniga waxa aad ii cajebiyay, aana qabaa in ay diraasayn inaga mudantahay, qaabka ay isu xulufaystaan beelaha walaaleheen ah, ee Digil iyo Midhifle, beelahaas oo dad aad u badan ah, kuna kala firidhsan gobolada koonfureed ee dalkeena, waxa la sheegaa in aanay wax asal iyo
 Abtirsiimo toona wadaagin, bal se ay ka dhexayso is xulufaysi aad u xoog badan, oo aad u qoto dheer, tusaalena waxa inoogaga filan, muujinaaya adkaanta iyo xooga is xulufaysigooda, waa markii ay dhowaan shir odayadooda dhaqanka iyo waxgaradkoodaba, uga socday magaalada Baydhabo, ay ku dalbadeen in xubnaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya kaga jira
Beelahaa, ay ku soo galaan magaalada Baydhabo iyo madasha shirka, mudo aan ka badnayn sideed iyo afartan saacadood, bal se ay intii aan la gaadhinba laba iyo toban saacadood, ay dhamaan xildhibaanadii beelaha, oo uu hogaaminaayo afhayeenkii baarlamaanku, ay xaadir ku ahaayeen magaalada Baydhabo iyo madashii shirka beelohooda!!! U malayn maayo in ay
Arintaas oo kale ka dhici karto beelaha kale ee Soomaaliyeed, siiba beelaha Daarood, Dhulbahantena iyaga haba sheegin, oo iyaga markay baarlamaanka galaanba waxa ugu horeeya, ee ay ilaabaan, waa meeshii ay ka soo galeen, iyo cidii soo dooratay! Beelaha Digil iyo Midhifle sidaan soo xusnay, wax asal abtirsiimo ah, oo isku xidhaa ma jirto, mar aan dhulkaa joogi jiray,
Waxaan beelahaa ka maqli jiray, in ay ka kooban yihiin todoba iyo toban beelood, oo sagaal ka mid ah, ku abtirsadaan beelaha Hawiye, sideedna ku abtirsadaan beelaha Daarood, sidaasna waxa beelaha lagu magcaabaa sagaal iyo sideed, hase yeeshee waqtiyadii dagaaladii sokeeye, arintaasu waxay noqotay, wax aan camal ahaan shaqaynayn, oo beelahaasu iyaga oo sagaalkii
Iyo sideediiba isku duuban, bay si siman ula wada dagaalameen Daaroodka, markii dambena sidii si le’eg, bay ula wada dagaalameen Hawiyaha. Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in is xulufaysiga beelaha Digil iyo Midhifle ka dheexayaa, uu yahay mid aad u xoog badan, maxaa keenay hadaba?! Waa arin baadhitaan iyo diraasayn inooga baahan, dadku se qaarba meel bay
Afka u saaraan, sida in ay qaar yidhaahdaan, beelahan oo ku wada hadla af u gaar ah (waxan jecelahay in aan dhowaan qoraal kooban ka soo diyaariyo afka mayga, ee ay beelahanu ku wada hadlaan), way ka dhaqan duwan yihiin Soomaalida inteeda kale, dhaqanka Soomaalidana waxay uga dhow yihiin, kan walaaleheena Oromada, qaar kalena waxay yidhaahdaan, xooga is
Xulufaysigoodu, wuxuu ka soo jeedaa xaga diinta, oo asal ahaan waxay ka soo wada jeedaan, dad markii hore isku xer ahaa, iyo odhaaho kale, oo fara badan, waxaan se shaki ku jirin, wax kastaaba ha ka dambeeyo is xulufaysiga beelahaas ee, in ay dhexdooda ka jirto cadaalad, is qaderin iyo niyad wanaag, taas oo aan laga helin beelaha Soomaaliyeed ee kale, siiba beelaha
Dhulbahante, oo cadaalad darada, is qaderin la’aanta, iyo niyad xumaantu, ay tahay aafada kala fogaysay, ee keenta khilaafka iyo kalsooni darada joogtada noqotay, ee dhexdooda ah, cadaalad daro awgeed Dhulbahante waxay rabaan, in ay laba sixni oo is le’eg, wax ugu wada ridaan Libaax iyo Bisad!! Ma dhici kartaa?!! Bini Aadamka waxa keli ah, ee wada deeqaa, waa
Cadaalad, hadii la waayona waxaa dhici “rag cadaalad waayaa, sidii Cawsha kala yaacye”, waa la kala dhaqaaqayaa, khilaaf, is colaysi, xasad iyo kalsooni daro uun baa iman, waana tan Dhulbahante maanta haysata, oo aanay jirin qowska laga soo bilaabo, qof qofka kale wax u quudhayaa, aasaaskuna wuxuu ka yimid, waa sida cadaalad darada ah, ee aan wax u qaybsano,
 Iyagoo og bay ku odhanayaan, “xaqq maaha, laakiin waa xal!!”, hadmay cadaalad daro, xal noqotay?!! Waxan qabaa hadii si sax ah, oo cadaalad ah wax loo qaybsado, in beesha culays badan, oo aanay hada dareemayn ka dhici lahaa, waxana la waayi lahaa caqabada badan, oo ay maanta beeshu ka socon la’dahay, Isima badan baa meesha ka bixi lahaa, is xulufaysiyo cusub
 Baa dhalan lahaa, oo horseeda is xulufaysi guud. Dhibta labaadna waxay tahay isu muuqasho iyo is qaderin la’aan, mudanka oo aan la qaderin, oo ay sababtay dhibtaa hore, ee aan soo xusnay, hada hadaynu eegno khilaafka sida kedisada ah uga dhex dhashay maamulkii Khaatumo, oo ka hor xawli aad u dheeraynaaya ku socday, iyo weliba shacabkii oo uu khilaafkaasu si
Xoogan u saamayay, wuxuu ka bilaabmay hadal daw iyo garba ah, oo ka soo yeedhay Isimka ugu miisaanka culus, uguna da’da wayn Isimada Dhulbahante, oo xukuma dadka iyo deegaanka ugu balaadhan cara Dhulbahante, waa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, sida runtii ah hadalkiisu wuxuu ahaa toosin, wuxuu ahaa digniin iyo baraarujin, wuxuuna ahaa tabasho, kama
 Aad helaysid hadalkiisa wax xumaan ah, bal halkan ka daawo, (waa kan hadalkii Garaad Saleebaan ee khilaafka maantu ka bilaabmay) hadalkiisu wuxuu daba socday, khaladaad dhowr ah, oo ka dhacay siyaasiyiinta G6, oo ay ugu waynayd, iyagoo ka xanibay dhaqaalihii ciidamadii Khaatumo, ee Xudun ka dagaalamaayay, iyo weliba beelaha Dhulbahante, oo aan oofin wixii
 Lagu balamay shirkii Khaatumo2, ee ciidan iyo calaf ahaa, waxa loo baahna in G6 iyo Dhulbahanteba si taxadir ah, oo xishmad iyo qaderin ku jirto, loogu jawaabo, oo loo qanciyo, bal se jawaabtii ay ka bixiyeen G6 iyo qayrkoodba, ee qaderin la’aanta iyo yar yaraysiga ahayd, ayaa keentay in Garaadku candhuuftiisa dib u leqo, oo yidhaahdo marka mar hadii aan Dhulbahante la
 Hayn, waxa aniga ugu horayn, xil iga saaran yahay, in aan isla baadi doono inta aan Isimka u ahay, ilaa inta aan hawlahooda dhamaynayona, diyaar uma ihi shirar guud oo Dhulbahante, deegaanka aan Isimka ka ahayna, ku soo dhowayn maayo shir aan ahayn, kaa aan anigu wado! Jawaabtii garaadka la siiyay waxay ahayd xikmad yari, iyo isla wayni aan laysu qabin, laysmana
 Waydiin siduu u qabsoomay shirkii Taleex ee Khaatumo2, yaase ka dambeeyay qabsoomidiisa?!! Ma G6 baa Ul sixir ah sidatay, oo ka dambaysay?!! Iyada oo ay shirkaas diidanaayeen dhinacya badan, oo reer Taleex ah, ma qabsoomeen shirkaasu, hadaanay dhamaan tolnimo qaadan, oo aanay qaderinayn, oo ka dambaynayn, gogosha uu dhigay Garaad Saleebaan,
 Iyo weliba ciidamadii uu Axmed Karaash soo dhoobay, oo ay ka baqeen in dagaal Ugaadhyahan halkaa ka qarxo, hadaanu intaa xeerinayn C/Samad Cali Shire ma ogolaadeen in shir lagu qabto magaaladiisii, oo weliba isaga lagu inqilaabaayo, beelo reer Taleex ahaa, oo shirkaa ka soo horjeeday, iyana ma yeeleen hadaanay qaderinayn gogosha garaadkooda, iyo in Ugaadhyahan
Isku dhaco. Hadaba maanta G6 iyo taageerayaashooda, oo is mahadiyay, waxay yar yaraysteen garaadkii Allaah ka sokow, sababta u ahaa in uu qabsoomo Khaatumo2, maamul Khaatumo la yidhaahdona halkaa lagu dhiso, ma ninkaas ayaa maanta lagu dhiiraday in hadalkiisa la yar yaraysto?!! Oo la yidhaahdo shirka loo joojin maayo?!! Caqliyo!! Waxa weliba lagu xuuxinayaa,
Isaga iyo madaxwayne Axmed Karaashba, oo lagu khasbayaa, iyagoo dhowr jeer ka hadlay, oo beeniyay, oo mabda’ood cadayay, in ay Puntland reerka u wadaan! Oo bal yay kala dhuumanayaan, haday sidaas doonaan! Yaa se is hortaagaya?!! Waxaan shaki ku jirin haday sidaas doonaan, in ay indhaheena, oo shan ah ku kici karaan, oo aan cidna is waydiinayn!!! Hadii
Lays leeyahay dadka ku kiciyana, waxaan idiin hubaa, in beeshoodu meeshii ay ugu taliyaan, oo danta u arkaan, in aan cidna ka hor imanayn, bal lagu wada raacaayo! Marka muxuu kuu tari hadalkan madhalayska ah, yaanayna idin hodin dhowrka qurbajoogta beesha ah, oo rimuut lagu wado, meelahaana ka soo qayl qayliya, oo ka soo caytama, Suldaan Siciid baa aasaaskii
Khaatumo ku qanci waayay, isaga oo tabashooyin lahaa, laakiin beesha Khaalid, ayaa cadaadis wayn saartay, intii wada hadaladu u socdeena, Dhulbahante oo dhan waxaa xaalkoodu ku sugnaa, wadnahay dhag leh!! Waayo wax wayn buu maalintaa yeeli kari lahaa Khaatumo, haduu mowqifkiisa ku sii adkaysan lahaa, hase yeeshee Suldaan Siciid waa nin rag ah, oo waxgarad ah,
Xikmadna ehel u ah, wuxuuna go’aansaday, in uu tolkiis u tanaasulo, oo uu iska ilaawo rabitaankiisa, markii isaga iyo waxgaradkii beesha Khaalid, ay warbaahinta soo hor fadhiisteen, ee uu cadayay Suldaanku, in aanu marna ka hor imanayn maamulkii, uu wax ka dhisay ee Khaatumo, naqas wayn baa ka soo wada baxay shacabka Khaatumo, farxad iyo rayrayn baana
 Wada saamaysay, anigu maalintaa qoraal deg deg ah, baan isla saacadiiba ka qoray, farxad awgeed, oo aan ku sheegay, in uu yahay Suldaan Siciid geesi iyo waxagarad karaama mudan, beena kama sheegin, ee wuu yahay sidaas, markuu gartay, in uu rabitaankiisa ka tanaasulo, oo u tanaasulo tolkiis, waana ka qoraalka, aan maalintaas ka qoray suldaanka (halkan ka aqriso),
Marka maanta G6 iyo taageerayaashoodu, ma waxay ku xuuxinayaan, oo ku khasbayaan Puntland, Garaad Saleebaan iyo Axmed Karaash, oo aanay hubaal la’aantood jirayn, wax la yidhaahdo Khaatumo?!! Yaa marka ku liita, oo ku wax la’, haday cinaad ugu kacaan waxa lagu xuuxinaayo, ee lagu Khasbaayo?!!! Waxa muuqata, in Garaad Saleebaan iyo Axmed Karaash,
 Dhexda maqas kaga jareen, qorshe dahsoon, oo sir ahaa, oo ay wateen G6 iyo taageerayaashoodu, ayna doonayeen in laga fuliyo qorshahaa Shirkii Khaatumo, ee Taleex lagu qaban lahaa, waayo? Ka dib mowqifkii Garaad Saleebaan iyo Axmed Karaash, waxa muuqata in G6 iyo taageerayaashooda, ay xaladoodii isu bedeshay qaab waali ah!! Ka dib markii ay dhaceen
 Arimo, aanay markii hore xisaabta ku darsan, ayaa hada waxa uun ka soo hadhay, oo ay ku dhegan yihiin Shir Taleex lagu qabto, waxadna had iyo jeer ka maqlaysaa, ama websiteyadooda lagu qorayaa, hadalo been ah, oo xikmad daro ka muuqato, oo sidii riyo ama waali ah oo kale ah!! Sida, shirka Khaatumo3 wuu dhacayaa! Cidna loo joojin maayo! Shirkii Khaatumo3 waa
 Furan yahay! Wufuud culus, oo shirka ka qayb gelaysa baa Taleex ku wajahan! Ergadii Buuhoodle baa Taleex ku wajahan! Madaxwaynihii baa yimi haduu shirku furmayaa! Ergadii Ceerigaabo baa dhowaan soo gaadhaysa Taleex! Iwm oo ah hadalo wada riyo iyo been ah!! Waayo, arinta Dhulbahante, maanta maba joogto shir Khaatumo, oo la qabto, bal wax badan baa
ka soo soka maray, oo u baahan xalin iyo turxaan bixin, iyaga se shirkaas uun bay kaga dhegtay! Waana arimihii taagnaa, markii iyaga miyirka ugu dambaysay!!! Waayo waxa la yidhi qofka waalan hadalada, uu had iyo jeer ku hadaaqo, ama ficilka uu had iyo jeer sameeyo, waa wixii uu samaynaayay, markii miyirka ugu dambaysay!!! Tana sidaa uun bay ka dhigan tahay!! Qaybta
 Dambe, ee qoraalka waxan ku soo qaadan doonaa inshaa Allaah, in wax walba gees layska dhigo, oo la badbaadiyo Khaatumo, iyo sida ugu haboon, ee uu ku qabsoomi karo shirka Khaatumo3, dhowaan filo inshaa Allaah. , intaa ka horaysana dardaaran, ha la joojiyo hadalada madhalayska ah, ee aan waxay kala fogayaan maaha ee, aan waxba soo kordhinayn, iyo aflagaadaynta mudanka, cayi colaadna waxba kaagama tarto, nabadna waa kaa kaxaysaa.
Wabillaah atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles