Dhibaatada qorshe xumada ah ee dalka ku habsatay waxay tahay in qabiilooyinkii tartan la geliyey oo wadankii isku mar laga bilaabay 9 wado oo mid waliba qabyaalad salka ku hayso. Waxaana xaqiiqa ah inaanu qabiilna keligii aanu awood u lahayn inuu wado samaysto.Waxa iyana xaqiiqo ah in dadku aanu lacag ku bixineynin wado qabyaaladi hoosta kaga lifaaqan tahay.
Waa fududahay in siyaasiyiinta kursi doonka ama dhaqaale doonka ahi ay meelo badan dhagxaan dhigaan ama si dhib yar u yidhaahdaan waxaan dhisayaa mashaariic waaweyn oo laga yaabo inaanu fikradba ka haysan culayska dhaqaale ee mashruucaasi leeyahay iyo waqtiga lagu fulin karayaba.
Beryahan danbe waxaynu marar badan maqalnay wasiir ama masuul sare oo leh wado heblaayo ayaa la dhisayaaye lacag halasoo ururiyo ama halaga qeyb qaato. Hadaba markaynu tusaale usoo qaadano wadada ceerigaabo oo dhererkeedu ku dhow yahay 350km waxay u baahan tahay dhaqaale ku dhow 60 ilaa 70 Million$ marka la rabo in laga dhigo wado laami standard ah. Markaa suuragal maaha wadada dhaqaalaha intaa leeg u baahan in lagu dhisi karayo lacag yar oo laga soo ururiyey 100 qof oo xaflad laysugu keenay ama caruurta iskuulada dhigata. Tusaale waxa kuugu filan kulankii dhowaan 16/11/2013 lagu qabtay London ee qaadhaanka loogu ururinayay wadada Ceerigaabo, lacagtii meeshaa lagu ururiyey waxay dhaafi weydey 10 kun oo Dollar.
Dhanka waqtiga markaynu eegno waddo dhererkeedu yahay 350km oo laami ah waxay u baahan tahay muddo aan ka yarayn 10 sano marka qalabkii iyo alaabtii dhismuhuba aanay maalin qudha kala go’in. Markaa suuragal maaha in waddo u baahan in lagu dhiso ugu yaraan 10 sano uu nin siyaasi ah oo laga yaabo sanad ama laba sano oo danbaba inaanu meesha sii joogin uu yidhaahdo wadada ceerigaabo ayaan dhisayaa.
Guntii iyo gebabebadii warkan ku saabsan dhismaha wadooyinka ee dadkii lagu dawakhiyey waa riyo aan run ahayn iyo laab la kac aan lugo ku taagnayn.
Dr.Ali Rooble roobaale@gmail.com Oslo-Norwa